Askari ka tirsan Ciidamada Qaranak Somaliland oo toogtay laba sarkaal

 



Marxuum Maxamed Yusuf (Mays)


Qorulugud(TNN):- Wararka naga soo gaadhaya Degmada Qorulugud ee Gobolka Buuhoodle, ayaa sheegaya in toogasho lagu dilay laba sarkaal oo madax ka ahaa Ta liska Ciidanka Qaranka Somaliland ee degmada aagaasi oo ah guutada 17-aad.

Mid ka mida askarta Ciidanka oo sida la sheegay u xidhnaa anshax marin ayaa la sheegay inuu toogtay abaanduulihii Abaanduule Guuto Captain Maxamed Yuusuf (Mays) iyo hogaankii howl gelinta guutada Xidigle Jaamac Bidaar .

Ma cadda dambiga anshax marinta loogu sameeyay askariga falka geysta, ha yee shee waxa la sheegay inuu falkan si badheedh ah u fuliyay.

 

Inaa lilaah wa inaa ileyhi raajicuun.




Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland