Asalamu calaykum waraxmatulaahi

Waxaan
marka hore u dirayaa salaan dhamaan ehelkii iyo qaraabadii mujaahid
maaxamed mooge meel kastoo ay joogaanba mida gaarana waxaan u
dirayaa dhamaan bulshadii sida wayn u abaabushay xuska halyayga.
Waxaan kaloo mid gaara u dirayaa
AYAAN MAXAMUUD in badan ku dadaashay inay ururiso taariikhda
mujaahid maxamed moooge
iyo dhamaan shakhsiyaadkii badnaa ee sida wayn u dadaalay oo aanan
magacyadooda hayn
dhamoow maxamed mooge
halyaygii igama dhiman
dhinacayga kama tagin
marna igama dheelman
dharaartii iftiintaba
dhaayahaan ku saaraa
dhulka meesha aan tago
dhagtu waa ku maqashaa
maantana dharaar culus
dhalinyariyo waayeel
dhoolbaad ku tahayoo
dhulka kalgacaylka kuu yaal
waabad soo dhalaashoo
dhabaa laguu xusay
dhaqankiyo asluubtana
dhamood adaa ku dhaato
aqoontadu dheerayd
dhiiri iyo ficilkana
ruuxna kuuma dhagiyoo
dharaartay qadhaadhayd
adaa dahabr adayagoo
halyay dhiirilaad ahayd
dhulka hooyo soomaliland
calankayaga noo dhashay
dhamoow waa dhaxalkaa
heesaha dhaca hanaanka
murti dhumuca la siiyo
codka dhuuxa dahabiga
dhismaha cuudka lagu ladhay
dhagtu waa u nugushoo
kama dharagto xiisaha
codka dhidibka aastee
dhumucdiisu duugoobayn
dhuuxiyo lafaha xula
dhamaan waaxyaha jidhkiyo
dhagta raaxo galiya
marna dhiiri ficileed
dhulka hooyo ilaashada
shacabyaw ha dheelmiyin
ka dhiidhiya xumanta
dhista oo iskaashada
dhamoow aad na faraysay
ma wax loo dhigaa jira
halyaygii dhulkoow
macalinkii dhalintoow
dhaayihii bulshadoow
dhamoow maxamed moogoow
dhiilkii janada waligaa
ku dhan caanaha mujahid
naxariis dhamaystiran
eebahay dhinaca kuu saar
dhabankaagu janada
waligii ha dheehdo
saciid cabdi dheen
dheen@live.co.uk
london
|