Asalama caleykum,


Urur jaaliyadeedka West London Somaliland Community wuxu kuugu bushaaraynayaa innuu qaban-qaabin doonoo sanadguurihii 18-naad ee kasoo wareegay markii Somaliland ay lasoo noqotay madax-banaanideeda.

Sidaynu wada ogsoonahay waxa jira oo ay umada reer Somaliland ee ku dhaqan dalkan UK aad uga hadasha sida loo marin habaabiyay xuskii 18-ka May oo noqday mid loo taggo maaweelo iyo tumasho.


Hadaba hadaanu nahay maamulka urur jaaliyadeedkan waxaanu hiigsanaynaa oo uu yoolkayagu yahay inaanu soo celino maamuskii iyo sharaftii ay maalintani inaga mudnayd oo aanu u xusno maalintan sida umadaha kale u xusan maalinta qarankooda. Waxaanu idiinsoo bandhigaynaa barmaamij isku dhaf ah oo ka hadlaya ahaan-shaha (identity) Somalilander-nimada iyo taariikhda dalkeena Somaliland si dhalinta iyo guud ahaan dadka munaasibada imanayaa ay uga bartaan taariikhda Somaliland uguna dhiiradaan sheegashada Somalilander-nimadooda.

Waxa kaloo munaasibada aanu kusoo marti qaadnay, si ahaan-shaha Somaliland-nimada aanu ugu faafino bulsha waynta UK, marti sharaf badan oo kasoo jeeda qoomiyadaha inagula dhaqan dalkan aynu daganahay iyo masuuliyiin ka socota barlamankan Ingiriiska, dawlada hoosee Ealing iyo barlamanka Europe. Waxa kaloo martida qayb ka ah masuuliyiinta xisbiyada qaranka Somaliland ee ka jira UK iyo dadkaloo badan oo bulshada reer Somaliland magac ku leh.

Waa munaasibad loogu tala galay inay qoysku iskusoo wada raacaan oo caruur iyo ciiroolaba la iskugu yimaado si ay u noqoto xus dhab ah. Sidaa daraadeed caruurtu waxay munaasibada kusoo galaysa bilaash, dhalinta 18-jir ka hoosaysaana waxay bixinayaan £5, dadka waawaynina waxay bixin doonaan £20.

Wixi dhaqaale ah ee kasoo baxa munaasibadan oo aanu qorshaha dhaqaale ee sanadkan ku saadaalinay inay noqon doontoo £4000 marka laga reebo kharashka ku baxaya munaasibada (isku gayn waxaanu saadaalinaynaa inay £7000 kasoo hooyato munaasibadan) waxaanu ku dari doonaa dhaqaale aanu rabno inaanu ku furno madal jaaliyadeed (community centre) oo ay reer Somaliland leeyihiin noqon doontana meel caruurta wax lagu barro sida casharada skuulka, quraanka iyo af-soomaaliga, isla markaana ah xarun dhalinyaro (youth centre) si dhalinteena lumaysa aynu u xejisano. Waxa kalo madashaasi yeelan doontaa meel dadka waawayni ku shaaheeyaan oo ay iskugu yimaadaan si jaaliyadu yar iyo waynba meel la iskugu yimaado si aynu isku kaashano oo aynu isku toosino. Madashu waxay kaloo noqon doontaa meel waalidku fursad u hellaan inay isku waraystaan oo ay ka wada hadlaan waayaha barbaarinta caruurta iyo masuuliyada culus ee ina saaran isla markaana ka hella taageero ku saabsan mawduucaa barbaarinta.

Hadaba waxaanu idinkula dar-daarmaynaa inaad kasoo xaadirtaan munaasibadan aynu ku xusayno sanadguuraheena 18-naad isla markaana ku xoojinayno oo aynu ku hir galinayno yoolka urur jaaliyadeedkeena West London Somaliland Community.

Ha moogaan oo haka maqnaan munaasibadan xiisaha badan leh haddii aad rabtid inaad aragtid caruur reer Somaliland ah oo matalaya riiwaayad ka hadlaysa ku dhiirashada sheegashada ahaan-shaha Somalilander-nimada. Riwaayada magaceeda waxa la yidhahda “Diversity at school”

Waa inoo iyo Sabtidan soo socota ee bishan May tahay 16-ka, saacadu markay tahay 4-ta galabnimo, waxayna munaasibadu dhamaan doontaa 11-ka habeenimo insha Allah. Ciiwanka madasha munaasibadu ka dhacaysaa waa: Greenford Assembly Hall, Ruislip Road, Greenford, UB6 9NQ.



Sidaa iyo is-arag xiiso leh.



Wixii faah-faahin ah waxaad booqan kartaa boggan ciwaankiisu hoos ku qoranyahay:



http://westlondonsomalilandcommunity.blogspot.com/2009/04/how-to-get-to-greenford-assembly-room.html



http://www.westlondonsomalilandcommunity.blogspot.com




Wa bilaahi tawfiiq,



Gudida qaban-qaabada