Arrimaha Nolosha - Farxad , Caqli iyo Go’aan

 



Nin ayuu beri nin kale oo ay walaalo ahaayeen u iibiyey gaadhi aad u qurux badan oo kuwa lagu xa rragoodo ah. Ninkii gaadhiga loo iibiyey oo maalin maalmaha ka mid ah gaadhigiisii ag taagan ayaa waxa u yimid nin ay deris ahaayeen. Way isa salaameen dabadeedna waxa dhex martay sheekad an yar:

-Gaadhigani muxuu ahaa?

-Waa gaadhi cusub oo aan anigu iska leeyahay. Waxa ii soo iibiyey walaalkay.

-Waa gaadhi fiican. Waxaan jeclaan lahaa in aan gaadhigan oo kale yeesho.

- In aad jeclaatid in aad gaadhigan oo kale yeelatid waxa ka wanaagsan in aad jeclaatid in aad yeelato walaalka soo iibiyey oo kale!

Qof kasta oo aadami ahi waxa uu leeyahay maskax ilaahay siiyey; wax buu qabsan karaa, wax buu baran karaa, wax fiican oo cusubna waa uu soo kordhin karaa. Laakiin waxa mararka qaarkood la yidhaahdaa caqliga iyo geesinimadu qofka kuma wada kulmaan. Caqliga badani waxa uu keenaa in uu qofku wixii madmadow ka galo ka taxaddiro. Geesinimaduna waxa ay qofka mararka qaarkood ka dhigtaa mid soomajeeste ah oo dhibaatooyinka nolosha, haddii aanu gu’in , calooladayg kaga gudba.

Farxaddu waa wax loo wada baahan yahay, hase ahaato ee waxa lagu kala duwan yahay waxa ay tahay ama macnaynteeda. Waxa jira laba farxadood oo kala ah farxad yar (Pleasure) iyo mid wey n (Happiness). Haddii qof gaajo dareemayey uu meel wax ka cuno waxa uu ka gudbay baahi hay say. Haddii qof meel fog u lugaynayey oo aad u daalanaa gaadhi lagu qaado oo la geeyo meeshii uu ku socday, qofkaasi waxa uu garanayaa in rabitaankiisii la daboolay. Farxadda yar waxa la dare emaa marka baahi ama rabitaan jiray laga gudbo sida labadaa nin ee midi baahidii cunto ee haysay uu ka gudbay, midna rabitaankiisii la daboolay. Farxadda yari arrimaha nolosha ayey ka soo dhex baxdaa, oo qofka dibedda ayey kaga timaaddaa.

Farxadda weyn inteeda badani waxay ku dhex jirtaa qofka laftiisa. Waa xasillooni ama degganaan ay nafta iyo qalbigu dareemaan. Degganaanshahaa ama xasilloonnidaas nafeed ama qalbi iyo farx addii yarayd ee aynu soo sheegnay oo la isu geeyey ayaa sameeya farxadda weyn.

Farxadda laguma helo in loo yaaco, sidii dad roob ka ordaya, oo maal ama mansab ama magac ama intaas oo la isku darayba la raadiyo. Farxaddu waa iimaan, degganaan, xasillooni iyo qanacsanaan uu qofku dareemo. Ma aha wax ku xidhan in uu qofku lacag badan helo ama uu noqdo mid caan ah oo ay dad badani magaciisa iyo muuqaalkiisa garanayaan.

Qofka aadamiga ahi waa uu cadhoon karaa. Sidaa si ka duwan qofku farxad waa uu dareemi karaa. Haddaba dadka aqoonyahannada ah ee arrimaha nolosha wax ka yidhaahda qaar ka mid ah ayey la tahay in aan go’aannada waaweyn la gaadhin ama lagu degdegin xilliyada uu qofku cadho ama farxad badan dareemayo. Cadhadu sharka ayey oodda ka qaaddaa, farxadda badanina in aad wax ilduufto ayey mararka qaarkood keeni kartaa.

Muhimmaddu waa in uu qofku ujeeddo fiican yeesho, qorshihii uu ujeeddadaas ku gaadhi lahaana dejisto. Haddii aanay labadaasi jirin dadaalka qofku waxa uu noqonayaa sida hal bacaad lagu lisay oo kale.

Waxa jirta sheeko yar oo aan mar buug ka akhriyey, taas oo isla sidii ay u qornayd aanan u soo gu urin. Laakiin ujeeddo ahaan sidan u dhowayd:

Nin baa beri magaalo weyn dhex lugeeyey isaga oo iska socda oo aan wax ujeeddo ah lahayn. Markii uu in badan socday ayaa waxa uu gaadhay isaga oo daallan meel isgoys ah oo ay dhawr wa ddo iska gooyaan. Inta uu istaagay ayuu nin waayeel ah oo meel u dhow marayey wax weydiiyey. Inta uu mid ka mid ah waddooyinkii dhawrka ahaa farta ku fiiqay ayuu waayeelkii su’aalay: “Waddadani halkee ayey i geynaysaa?” Ninkii waayeelka ahaa ayaa isla isagii su’aal kale ka hor keenay oo ku yidhi: “Horta adigu xaggee ayaad tegaysaa?” Ninkii ayaa yidhi: “Waan iska socdaa oo ma jirto meel ii qorshaysan oo aan tegayaa”. Waayeelkii ayaa isaga oo yaabban ninkii ku yidhi: “Hadduu sidaas xaalku yahay, jidkaad doonto iska mar kolay meel uun buu ku geyne!”

Qofka bani’aadamka ahi haddii uu wax iska qabto isaga oo aan ujeeddo cayimman lahayn waxa uu noqonayaa uun sidii qof iska dhaqaaqay uun isaga oo aan meel uu tegayo garanayn. Dadaalka qofku waxa uu midho dhalaa marka uu qofku garto halka uu ka dhaqaaqayo iyo halka uu ku socdo. Marka qofku dadaalkiisii oo midho-dhal noqday uu arkana waxa uu dareemaa farxad ama raynrayn.

 

 

 

 

Axmed Iid Aadan
ahmediid@hotmail.com