Arinta Biyo Xidheenka Gabiley Iyo Siyaasiyiinta Dhabarku Muuqdo Ee Caqabada Ku Ah

 


Sidaa laga wada warqabo waxa ka jira gobolka Gabiley arimo badan oo dhinacyo dhowr ah taabanaya, kuwa asi oo aan doonayno in aan si kooban tooshka ugu qabano marxaladaha siyaasiyan iyo dhaqan ahaan ba isu gu maran iyo cidda lugta ku laaqaysa.Waxa aan diirada saari doonaa arimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin qod dobdan hoos ku xusan:-

Arinta Biyo-xidheenka laga hir galinayo Dooxa Qudhaco (Galooley)

Mashruucan oo madaxweyne Biixi si qarsoodi ah uga dhagax dhigay dooxada loo yaqaano Qudhaco oo ah de egaanka Galooley maalmihii uu booqashada ku joogay Gabiley,waxa ku yaala dhul beero biyood ah,Waa mash ruuc balaadhan oo aan la ogeyn caddadka lacageed ee ku baxaya,cidda qaadatay mashruuca iyo lacagta loo gu tallo galay in la siiyo dadka leh beeraha uu saamaynayo biyo-xidheenkani.Run ahaan ilaa hadda lama oga cidda qaadatay mashruucan,balse waxa ay shacbiga Gabiley qabaan in mashruucani yahay mid lagu naas nuu jinayo siyaasiga weyn ee Cabdicasiis Maxamed Samaale wasiirkii hore maaliyada dowladii halgamaa madaxwe yne Axmed-siilaanyo,oo isagu cadkiisa hoos ahaan uga soo dhacsaday Madaxweyne Biixi,waa haddii sida la s heegayaa jirtee.

Dhab ahaan waa mashruuc bulshada Gabiley faaiido u leh haddii lagu guuleysto,balse waxa ay arintani ka ca dhaysiisay siyaasiyiin ka soo jeedda gobolka oo aad uga cadhooday ku lug lahaanshaha Samaale ku lug leey ahay mashruucan isaga oon u dhalanin degaan hawsha laga fulinayo.

Waxana arintani taabatay siyaasiga Cismaan Xasan Mire wasiirkii waxbarashada ee dowladii UDUB, oo ka soo jeeda deegaanka laga samaynayo Daamka,isla markaana qaaday talaabohoos ahaaneedoo ah in dadka deeg aanka la kiciyo isaga oo dhabarka qarsanaya,waxana arintan loo adeegsaday Chief Caaqil Dayib Cabdi Ciidle, ka dibna waxa la ururiyay bulshada beeralayda ah ee ku nool dooxa oo loogu sheegay in beerahoodu baaba ayaan,ilaa dooxyada ka hooseeya,waxayna meesha la tageen buuq,iyada la sheegayo in dadka qaar sideen qoryo.Waxana ay taasi sababtay in ciidanku ka il horeeyaan rasaasna loo adeegsado.

Intaasi ka dib waxa dhacday in la soo xidho Chief Caaqilkii iyo odayaal kale ka dib markii uu ka muquurtay siy aaasigii daba ka hagayay kacdoonkan lagaga hor tagayay hir galinta maashruucan faaiidada badan leh, wax ana Chiefku xidhnaa muddo laba toddobaad ah oo ay dowlada dhexe haysatay,balse siyaasigani xadhigiisa ku eedeyay Mayorka Gabiley,isaga oo aanu sida la sheegay shaqo ku lahayn dowlada dhexena ayaa xidhatay b alse siyaasiga Cismaan Xasan Mire oo maalmihii diiwaan galinta joogay magaalada ayaa xadhiga Chiefka Caa qilka ku shaabadaynayay Mayorka degmada Gabiley Mohamed-amiin Cumar Cabdi.

Dhanka kale siyaasigan dhabarku muuqdo ayaa ka dhex bilaabay beesha uu ka soo jeedo in uu marin habaab iyo arimaha dhaqanka iyo siyaasaba.Waxana uu madaxa isku galiyay beesha,isaga oo cid aan laga wada tash anin u yeedhinaya beeshii balaadhnayd,si golaha wakiilada loo sharaxo.

Siyaasigan oo hore u ahaa xisbigii UDUB ee hirdanka la galay doorashadii 2005 tii xildhibaankii ka geeriyooday kursiga golaha dhexe ee uu maanta ku fadhiyo ilaahay naxariistii jano ha ka waraabiyee Xil.Ibrahim Ahmed H aybe,oo isaga ka gob sanaa kuna dardaarmay markii uu xanuunsanayay in isaga lagu wareejiyo kursiga gola ha dhexe ee xisbiga Kulmiye xildhibaanku ku matalayay beesha,madaxweyne Biixina fuliyay balankii.

Waxa kale oo xusid mudan in musharaxa maanta beesha lagu khasbayaa yahay kii ay dowladii UDUB ee Cisma an Xasan Mire wasiirka ka ahaa ay xidhibaan Ibrahim ku dilaysay,oo ay dowladii UDUB doonaysay in la rido, b alse ay tolku ku guntadeen.Waxa la filayay in uu si mug leh uga hadlo xadhiga Chiefka balse may dhicin. Wax aanu sidaa ku noqday Siyasiga dhuumashada dhabarku muuqdo.

Diiwaangalintii Gobolka ee bishan ka qabsoontay Gobolka

Xisbiga kulmiye waxa uu gobol walba u diray xubnihii golaha dhexe ee ka soo jeeday,waxana gobolka yimid wasiirka gobolka Abdiwali Sheekh Abdilaahi,Abwaan Laab saalax,siyaasiyiinta dad a yare ee kala ah,Faysal Qumuj,Cambash iyo intii golaha dhexe ku jirtayba,dhamaantood adduunkii loo soo dhiibay ee diiwaan galinta sidii ay ahayd ayay u guteen,

Balse waxa ay noqotay wadaadkan iyo musharaxa uu tunka ku sitaaba waa ninka golaha wakiilada dhawaant a ku biiray ee Axmed-inni la dhaho meel ay ka hadleen iyo meel ay ka hawl galeen midnaba lama hayo.

Balse waxa xusid mudan siyaasiga aqoonyahanka ah ee Eng.Hussein Aden Cige(Deyr) wasiirkii hore ee ganac siga dowladii Siilaanyo oo isagu si fiican uga qayb qaatay diiwaan galinta,Lana kulmay bulshadii deganayd de egaanka laga samaynayo biyo xidheenka una sheegay faa iidada uu deegaan ka iyo magaaladaba u leeyahay ,islamarkaana ku qanceen bulshadii deegeenku.

Waxa la gudboon siyaasiyiinta gobolka ka soo jeeda in aanay caqaladynin mashaariicda faa iidada u leh,waxa kale oo diirada lagu hayaa bal sida uu siyaasigani uga dabaasho arimaha isku murugsan,iyada oo uu wali Chie f Caaqilkii Gobolku damiin ku joogo,oo wali la galin arinkiisi.Waxana hubaal in Chiefka la tusay humaag been ah ka dibna lagaga baxay.

Waxaan tooshka ku qabanaynaa cid ka kasta oo ka hor timaada hamiga aqoonyahanka dalka.

 



Qore : Aqoonayahan Dahir Maxamud Maaweel
fagaare05@gmail.com