ARINKA XILDHIBAANADA GEBILAY WAA IN SIFO SHARCIGA WAAFASAN LAGU DHAMEEYAA

 


Waxaan madaxwaynaha Somaliland dib u xasuusinaynaa in lagu soo doortay sharci, inuu xil ka ku helay sifo sharciga waafaqsan. Cidna Sharciga iyo dastuurka dalka Somaliland ka sara ynin. shacabka Somaliland waxay maanta iyo bariba kugula xisaabtamayaa ku dhaqanka iyo hirgelinta dastuurka Somaliland. Hadaad taagerayaasha kulmiye ku maamushay beelo oo ay kaa yeeleen Shacabka Somaliland dastuur cad ayey kuu dhiibteen, kaas ayey kugu doorteen kaas ayeyna kugula xisaabtamayaan ku dhaqankiisa.

Ku dhaqanka sharcigu waa ka wax kala haga, ummadana cadaalad u horseeda, tusaale Lay dhka taraafigu waa shirci in la raaco. Wuxuu shaqaynayaa marka cid kastaa fuliso shuruudih iisa u dejisan.Hadii ay samaysmaan shakhsiyaad leh awood ka dhaafaysa inay raacaan shur uudaha la raaco, oo zebra crossingka iska maraan laydhka cas jiidhaan,xawaaraha ay raba an gaadhiga ku kexeeyaan iyo qaar kaloo badan iyaga ayaa ugu hordhimanaya, waxayna sa babi karaan shilal badan. Madaxwayne awoodii madaxwayne, awoodii maxkamadaha iwm ha ddii koox yar oo madaxtooyada kula joogtaa qoorta isaga duubaan siday rabaana ugu takri falaan iyaga oo dan gaara fushanaya, sharcigana lagu bedelo beelo iyo raasraas, adiga ay aa gaas iyo kabriid is qabadsiiyey , natiijadeedana cid kastaa way garanaysaa.


Waxaan madaxwaynaha Somaliland xasuusinayaa in xukuumadiisu si toos ah u baal martay ku dhaqanka shuruucda dalka iyo dastuurka Somaliland. Waxay si badheedha loogu xad gu dbaa xuquuqda muwaadinka Somaliland.wax kale iska daayo waxa xisbigaaga kulmiye dhexdii sa ka dhacday kaga dhawaaqdaan in cid kale isku sharixi jagada madaxwaynaha. Waxaa ab uurmay awoodo shakhsiyaal si gaar ah u adeegsadaan shacabka Somalilandna lagu xidho a ma loogu hanjabo waa lagu xidhayaa. Waxaa abuurmay kooxo loo adeegsado TV ga oo halk aa beel hebel iyo beel hebel ka yidhaada, dadkana xaqiiqada dhabta ah baal mariya oo dhuu ni qatayaal ah.

XILIGII AAD HALGANKA KU JIRTAY WAXAAD MADAXWAYNE TIDHI WAXAAN XILKA U RABAA MAGAC HA KAA HADHO. SIDII MAGAC FIICANI KUUGU HADHI LAHAA U SOCO OO BAL HOOS W AX U EEG.OGOLOW IN XISBIGAAGU JAGAGADA KUGULA TARTAMO. OGOW IN XISBIYO MUCAAR AD AHI JOOGAAN, KULANA TARTAMAYAAN. HOOS U EEG DHACDOOYINKA ISDABAYAALKA EE NAXDINTA KU AH QOF KASTA OO SOMALILAND WANAAGEEDA RABA.

Waxa la yidhi maxaa mayd u dambeeyey, waxaa la yidhi kaa hada xabaasha lagu sii wado. Waxa madaxwayne 23kii bishan shir aan caadi ahayn isugu yimid 14 Xildhibaan oo laga soo doortay Gobolka Gebilay oo cadeeyey inay kalsoonidii kala noqdeen Maayorka Gobolka Geb ilay isla markaana cadeeyey inay qabsan doonaan shir ay ku dooranayaan Mayor cusub iyo ku-xigeenkiisa magaalada Gebilay. Waxaa Afar iyo toban xildhibaan isku raaceen waa wax Gobolka taabanaya dawladana waxaa waajib ku ah inay dhageysato xildhibaanadii shacabku soo igmaday. Waa in maamuuska iyo sharafta xildhibaanada la dhawraa, sharciga iyo dastuu rka Somaliland na waa in la ilaaliyaa laguna dhaqmaa,taas ayaad madaxwayne wax ku noqon aysaa.

Ciidamada RRU da ummada Somaliland way ogtahay sifaha loo sameeyey hawlaha loogu tala galay inay fuliyaan. Waxaa ka yaala qorshe cad oo aan ku xad gudbayn xuquuda muwaadin ka Somaliland. Waxaa ciidamadaa si qalada u adeegsada in yar oo fara kutiris ah oo awoodo gaar samaystay.

Hadana waxa dhici doonta in shakhsiyaadkaasi u adeegsadaan RRU da xildhibaanada ku dha waaqay in ay qabsadaan shirkooda aan caadiga ahayn ee sharciga waafaqsan sida shalay ba loogu diray afar Wasiir oo ay isku beel yihiin. Waxaan halkan ka cadaynayaa haddii ciida mada RRU loo adeegsado arinka xildhibaanada Gebilay in aan qoraal dheer gaadhsiin doono Dawlada Ingiriiska oo qalabka iyo lacagta RRU da inteeda badan bixisa. Isla markaa  xildhiba anadana u qaban doono sharci yaqaano international ah si ay uga difaacaan xad gudub ku yimaada xuquuqdooda wadani iyo ta xilkooda loo doortay.

Waxaan qoraalkayga ku soo gaba baynayaa madaxwayne hoos u eeg waxaa dalka ka dhaca ya oo wax ka qabo shuruucdan dalka ee bohosha madaw lagu guray. Adeegso saxaafada oo ka daa cabudhinta. Adiguna isku day inaad ka fogaato in aanay taariikhdaadu baal madaw galin.
 

 


ALLAA MAHAD LEH

MAHDI ROBLE

GUDOOMIYE KU XIGEENKA SADEXAAD EE WADDANI UK.