“Aragtidayda Iscasilaada Gudoomiye Saleebaan, Aniga Aragtidayda Maxamed Kaahin Uma Socdo Kursiga Guurtida…” Boqor Buurmadow

 


Aragtidayda Iscasilaada Gudoomiye Saleebaan

Maxamuud Aadan iyo mala awaalka sheegaya

In kursigaas uu qabanayo maxamed kaahin

Waa hubaal in gudoomiye saleebaan

Banaynayo kursiga gudoomiyaha iyo xubinimadaba hadaba

Wasiir maxamed kaahin ma yahay nin u socda

Kursigaas aniga aragtidayda maxamed kaahin

Uma socdo kursiga guurtida

Wuuna garan karayaa inay arintaasi tahay

Masaafurin siyaasadeed sababahan awgood

1.golaha guurtida wakhtigiisi waa gebagebo

2 golaha gebigiisaba wuu ku yar yahay

Dad xul ah oo majooratigoodu waxay ku yimaadeen Dhaxal

3 maxamed kaahin ogaalkay uma diyaar ah

Inuu cidleeyo damaca uu ka leeyahay xisbiga

Kulmiye iyo hogaanka dalka

Hadaba waan hubaa sheekadani inaanay ka iman wasiir kaahin

Waxaan aaminsan ahay inay buunbuuniyeen

Debed joog siyaasadeed. Oo rajaynaya

Hadiiba kaahin baneeyo inay qub ku yeelandoon jagada wasiirnimo ama xisbiga

Waxaa kale oo dhicikarta inay tahay yool baadh

Ka yimi madaxtooyada oo kula dhiiran wayday

Mr kaahin jeclaan lahayd hadii maxamed uriyaaqo arin u eg meel aan rabay roob maygu eryey

Waana masaafuris siyaasadeed oo ay madaxtooyadu uurka karabto afkana soo marila

Anigu waxaan leeyahay qudhaanjo ku quuso

Wasiirku halkaa uma socdo

Aniga rayigayga waxayba ilatahay odayga warsangeli ee ku xigeenka ah aynu ku xurmayno maadaama beelaha warsangeli Ka maqanyihiin baarlamankii la doortay
 


… Allaa mahadle

Waxa Qoray Boqor Buurmadow