ARABSIYO SADEX QOF OO KU DHINTAY CEEL KU DUMAY IYO AFAR KALE OO KU DHAAWACMAY


Arabsiyo (Longlivesomaliland.com) Saddex qof ayaa ku dhintay afar kalena way ku dhaawac meen,  kadib markii ay ceel ay qodayeen ku dumay Magaalad Arabsiyo , oo katirsan Gobolka Gabiley,sida ay shabakadda warara ka ee  Longlivesomaliland.com , u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ahaa.

Waxaa wali laga soo saaray laba qof oo ka mid ah Saddexda qof ee ceel ku ku dumay, waxaana laga soo saaray kaalinta dhexe ee ceelka , halka mid ka mid ah Sexddexda qof uu wali laga baadi goobayo gudaha ceelka.Marxuumka oo magaciisa la odhan jiray C/qaadir Axmed .

Iyada oo wali qoditaankii ku hawlan yihiin dad badan oo degaanka Arabsiyo ahi , oo qaab farsamo ah lagu baadi goobayo maydk ceelku ku jira si aan Khasaare kale u dhicin .

Ceelkan dumay,  oo lagu waday hawl shaqo oo dib u dhis ah, ayaa la sheegay in mulkiilihii Beerta ceelkan laga qodayey,Maxamed Xaaji Cabdi , uu ku dhaawac may,  isaga iyo inan uu dhalay iyo waliba nin kale oo  shaqaale u ahaa,immika ahaanna waxay ku jiraan cisbitaalka  guud ee magaalada Gabiley.

Dhacdadan oo  ku biirtaya kuwii ka dhacay shalay  magalaada Gabiley , ee maxaabiistu raashinka ku sumoobeen,dhimasho iyo xanuunna sabab tay .


innagoo weli ku gudo jirna wararkii Gobolka Gabiley,ayaa  laba nin oo adeer isku ah ayaa xalay isku dilay wadada  Godka , ee ka tirsan deeg aanka Tog-Wajaale,sida   Longlivesomaliland.com , ay u  xaqiijiyeen,  wa xaanay isku khilaafeen arrin Beer ku lug leh  .Ninkaasi dhintay ayaa wax aa la keenay cisbitaalka guud ee magaalada Gabiley .

Dhacadooyinkan,iska daba yimid, ayaa war war ku abuuray shacabka magaalada Gabiley ,  iyadoo indhaha warbaahinta soomalilandna,  isha ku hayso  arrimahan Gobolka la soo gudboonaday.



 

Weriye Nimcaan Dheeg
Longlivesomaliland News Media
Gabiley Office