Aqalka Odayaasha Ingiriiska oo Kulan la Tashi ah ugu Yeedhay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee KULMIYE

 

London (Jam)- Aqalka Odayaasha ee Baarlamanka dalka Ingiriiska, ayaa shalay ugu yeedhay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee xisbiga xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar kulan xog-warran iyo la-tashi ah oo ku saabsan xogogaal u noqoshada xaaladda Somaliland iyo xiisadaha siiyasadeed iyo kuwa colaadeed ee haatan ka aloosan mandaqadda Geeska Afrika.

Kulankan oo uu guddoominayey Lord Eric Avebury oo ka tiran Aqalka Odayaasha, ayaa ujeeddadiisu ahayd in xoghayha Arrimha Dibadda ee KULMIYE uga xog-warramo mudanayaasha hawlaha diyaargarowga doorashooyinka, aragtida Somaliland ee ku jahaysan siyaasadaha iyo degenaasho la’aanta wakhtigan xaadirka ah ee gobolka Geeska Afrika iyo weerarkii dhawaan ay argagixisadu ku qaaday Somaliland.

La tashigani wuxuu salka ku hayaa xidhiidhka xisbiga KULMIYE la leeyahay bulshada caalamka oo aad u kordhay iyo mas’uuliyiinta xisbiga KULMIYE oo si joogta ah uga muuqda fagaarayaasha caalamka ee lagu falanqaynayaa arrimaha gobolka, gaadhsiiyana aragtida shacabka Somaliland hoggaamiyaasha caalamka.

Kulankan oo xubnaha Aqalka Odayaasha ee Ingiriiska ay codsadeen waxa loogu talogalay inuu gogol-xaadh u noqdo dood ku saabsan siyaasadda arrimaha dibadda ee Ingiriiska oo todobaadkan ka dhacaysa barlaamanka, halkaas oo ay Boqoradda Ingiriskua hadal ka jeedin doonto, lana filayo in qaddiyadda Geeska Afrika lagu soo qaado.

Arrimaha xoghayuhu ka hadlay waxa ka mid ahaa khatarta argagixisadu ka hayso Somaliland, hawalaha diyaargarowga doorashooyinka, dhibaatada budhcad-badeedda, wadahadalada nabad-raadinta ah ee u socda kooxaha isku haya siyaasada Somaliya, gargaarka ay u baahan tahay Somaliland si ay uga gaashaamato weerarka ay argagixisadu ku hayso dalkeeda, isbedelada ka dhaci kara Somaliya marka ciidammada Ethiopia ka baxaan Somalia iyo arrimo kale.

Dr. Maxamed Cabdilahi Cumar si gaar ah uga hadlayey weerarkii dhawaan argagixisadu ku qaaday Somaliland, ayaa sheegay in waxa weerarka lagu yahay ay tahay mabaadi’da siyaasadeed iyo bulsho ee ka hirgalay Jamhuriyadda Somaliland sida dimoqraadiyadda, xorriyadda dadka iyo aaaya ka talinta, oo qaar ka mid ah kooxaha xagjirka ah u arkaan in ay dib-u-dhac ku keenayso ujeeddooyinkooda siyaasiga ah. Waxa kaloo sheegay in mabadidan oo adduunwaynaha u leh ahmiyad horumarineed oo guud loo baahan yahay in ilaalintooda adduunka iska kaashado. Waxaanu ugu yeedhay fadhiga Golaha Baaraalanka Ingiriiska ee toddobaadkan dhacaya inuu arrintan falanqeeyo, Somaliland taageero si isaga difaacdo weerarka argagixisadu ka hayso. Wuxuu kaloo caddeeyay in kobcinta dawladnimada iyo dimuqraadiyadda Somaliland ay tahay arrin maslaxad u ah wadamada gobolka iyo adduunkaba.

Waxa Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee KULMIYE ka codsaday Aqalka Odayaasha Baarlamaanka Ingiriiisku in ugu yeedho Madaxweyanaha Somaliland Md. Daahir Rayaale inuu si dhakhso ah u magaacaabo guddigii dhexdhexaadka ahaa ee saddexda xisbi, Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo xubnaha bulshada caalamku ku wada heshiiyaya inay ka ilaaliyaan xukuumadda in aanay awoodda dawliga ah iyo dhaqaalaha qaranka ay u hayso aanu ku isticmaalin ololaha doorashooyinka Somaliland ee soo socda.

Samayta guddigan oo ah mid madaxbannaan xilkiisuna ku kooban yahayn ilaalinta hantida qaaranka inta ka horreysa doorashada waxay aasaas u ahayd heshiiskii sida ku ku meel gaadhka ah loogu kordhiyay muddada xilka madaxwaynanimada.

Ugu danbayntii, waxa Dr. Maxamed Cabdillaahi ka warramay xiisadda haatan Somaliya ka aloosan oo uu sheegay in xisbigiisu taageersan yahay in khilaafaadka ka jira Soomaliya lagu dhammeeyo wadahadal, lana taageero heshiiskii dhawaan lagu gaadhay dalka Jabuuti ee isku soo dhaweenayay kooxaha isku haya Somaaliya, isagoo dawladda Jabuuti ku ammaanay dadaalka ay ugu jirto sidii loo yarayn lahaa isafgaran waaga iyo colaadda ka jirta Somaliya, waxaannu carrabka ku dhuftay in aqoonsiga Somaliland uu dhiirrigalin u noqon karo baadi-goobka nabadda Somalia, ay Somaliland ay mug leh ka gali karto soo afjaridda xiisadaha ka jira dalkaas.