"Annagu Haddaanu Nahay Xukuumada Talada Haysa Carruurtayada Ku Kobcin Mayno Foojari" M/Weyne ku xigeenka

 

Madaxweyneyaashii Hore Ee Somaliland C/Raxmaan Iyo Cigaal Waxay Ahaayeen Reer UDUB.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa maanta daboolka ka qaaday in la safaynayo dadkii halka mar wax ka badan is diiwaan geliyay, si loo soo reebo inta xalaasha ah.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ayaa wuxuu sidaasi ka sheegay xaflad qado sharaf ahayd oo ugu sameeyay ergadii shirweynihii labaad ee xisbiga UDUB, Huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland wuxuu sheegay in bahweynta xisbiga UDUB ay iskaga yimaadeen gobolada dalka iyo daafaha caalamka oo dhan, waxaanu yidhi "waxaynu qorshaynay in shirweynaha saddexaad ee xisbiga UDUB gobol walba uu shirweynihiisa soo qabsado ka dibna la isugu yimaado, bahweynta UDUB, Somaliland, madaxweyneyaashii u horeeyey ee Somaliland mudane C/raxmaan Axmed Cali iyo Maxamed Ibraahim Cigaal waxay ahaayeen reer UDUB, 18-kii sano ee la soo dhaafay waxa Somaliland soo hagayay bahda xisbiga UDUB".

Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin oo ka hadlayay UDUB waxqabadkoodii wuxuu yidhi "xisbiga UDUB wuxuu qabtay oo uu shalay madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, madaxweyne Afrikaan ahi aanu sahleen in lala tartamo oo doorashooyin la galo, oo uu daadejiyay maamulkii, maantana waxaynu qabanay hawshii diiwaangelinta rag badani ha carqaladeeyaan Somaliland markii deeq bixiyeyaashu inaanay bixin kharashkii diiwaangelinta ee gobolada Sool barri iyo Sanaag barri, xukuumadani waxay bixisay kharashkii ku baxay si aanu wadanku u kala go'in".

"Ciddii ka qaybgashay diiwaangelinta, ciddii hirgelisay iyo ciddii naga caawisay waan ku tahniyadeynayaa komishanka doorashooyinka waxay ahayd hawl ka baaxad weyn waxay ahayd hawl haddii aanu shacbigu u gurman aan socoteen" ayuu intaa raaciyey mudane Axmed Yuusuf Yaasiin.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi "Maanta waxa taagan in dad badani ku celceliyeen diiwaangelintii anagu haddii aanu nahay xukuumadii talada haysay wadanka u horseedi mayso inaanu carruurtayada ku kobcino foojari waa la shaandheynayaa, waxaanu garanay oo 20 milyan oo dollar loo geliyay in la helo xaqsoor, waxa la odhan jiray waa lagu shubtay maanta ragga iibsanaya kaadhadhka foojariga ah ee diiwaangelinta waxaan leeyahay lacagtiina ha iska khasaarinina".

Madaxweyne ku xigeenku wuxuu u mahad celiyey ergadii ka qaybgalay shirweynihii labaad ee xisbiga UDUB, oo uu ku ammaanay sidii ay kalsoonida ugu siiyeen in ay madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka ay mar kale isu soo taagaan doorashada madaxtooyada ee lagu waddo in ay dalka ka qabsoonto 29-ka bisha March ee fooda inagu soo haysa.


Sidoo kale waxa xafladaasi ka hadlay guddoomiyayaasha xisbiga ee gobolada dalka kuwaasi oo madaxweyne ku xigeenka Somaliland uga mahad celiyey martiqaadka uu u fidiyey ergadii shirweynaha labaad ee xisbul-xaakimka UDUB.



 



Ramaasnews