"Anigu Raysal-Wasaare Ma ihi,Madaxweynuhuna Iima Magacaa bin Sharcigana KumaJirto,"Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali XaajiXasan

 



Hargeysa (TNN):- Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Md Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa ka jawaab celiyey eedaymo loogu soo jeediyey hadal madaxweynuhu yidhi oo la dhalan rogay waxanu ku cadeyey bartiisa facebook.com wuxu ku bilaabay sidan:


"Anigu Raysal-Wasaare Ma ihi, Madaxweynuhuna Iima Magacaabin Sharcigana Kuma Jirto”,

Hadii Qoladii mucaaradka ahayd jahadii ka luntay oo ay waayeen wax ay dadka u sheegaan waxaan leeyahay siyaasad noqonmayso hebal baa caynkaa yidhi iyo ha...dalka madaxweynaha turjumada khaldan aad ka samaysaan.


Waxay ahayd madashii loo dhamaa ee lagu marti qaaday Maamulada gobolada iyo degmooyinka dalka waxaanu ahayn 4 xubnood oo wasiiro ah, waxaana dhinaca Madaxweynaha noogu xigay Cali Warancade hadalkana isagaa noogu horeeyey, markii uu madaxweynuhu qaatay hadalka wuxuu ku hadal qabsaday Warancade oo yidhi "Sidaa Wasiirku yidhi, kadibna raaciyey wasaradu isagoo uuga gol le in laba wasiir goobta ka hadleen
Balse ninka shaydaan qaato beentana sheegayaa xaqiiqada uma baahdo ee wuxuu yidhaahdaa wixii uu doono,
" فأن لم تستحي فأصنع ماشئت "

Waxaa muuqata in hadalkii inta laga dhex-saaray intii isku xidhaysay in laga dhigay Been cad oo odhanaysa "Wasiirka Wasiirada” Bal waxaad eegtaa waxaa meesha Fadhiyey Afar Wasiir ee max aa Xirsi Gaar u tilmaamay? Dee kuwa siyaasada ku saaqiday ee aan garnayn wax aan qabyaalad ahayn ayaa shaqo ka dhigtay Xirsi Madaxweynaha ayay isku reer-yihin iyo wax aan macno wayn lahayn.!!

Gabagabadii waxaan leeyahay Axsaabta Mucaaradka: Aynu ku tartano waxqabad dalkuna doora sho ayuu galayaa ee u soo diyaar garooba hana carqaladaynina.!

Wa Bilaahi Tawfiiq.

Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Somaliland
Md Xirsi Cali Xaaji Xasan