PROF SAMATAR: “ FROM SOOMAALI
TO SAMAROON”
•
Qurba-joog ambadayoo,
af-qalaad la
wacan yahay
•
Aayadaha Qur’aankiyo,
Axaadiista
Nabigiyo
•
Dhaqankii awoowiyo, hiddihii ab laga
gaar
•
Midaan hoos u eegine, idilkood la
liitaan
•
Odayada mid quursada,
aqoontooda aan
rabin
•
Ummaddaan muxuu taray, aqoonyahanna ugu
yahay?
•
In ogaal aqoon yahay,
aqoonina ogaal
tahay
•
Kan ogina abwaan yahay,
kaan aqoon
engegan yahay
•
Inan-yahow ma moog tahay,
mise waad
ogsoon tahay?
Nin sabool ah oo aan Alle ugu deeqin afarta maal adduunyo midna,
ayaa beer-falashada ka door bi day ugaarsi, ayaan darro wax-daaca oo
digooda gurigiisa uma soo hoydaan. Nolol-maalmeed qoys kiisu wuxuu
ku tiirsanaa ugaarsi iyo qaraabka miraha dabeeciga ah. Foof tagga
hiirta waabari wux uu dhigi jirey dabino wuxuuna teedin jirey
geedaha manka iyo ubaxa leh ee ugaadhu aroorta hore sanka la soo
raacdo. Dabinada maalin waxaa ugu dhici jiray sagaar, maalinna cowl,
maalinna wax ba kuma dhici jirin oo waa ku hungoobi jirey. Si uu
usoo kormeero dabinadii saakay la dhigay, goor duhurkii ah ayuu
dhalandhoolay:
Dabinkii kowaad waa ku hungoobey oo
ugaadh sooma ag joogsan, dabinkii labaadna
ugaadhii waa ka sastay o siriqda aasan bey dare entay,
dabinkii seddaxaadna tafaasha laanta oo
tooxa laga ba diyey darteed xarigii waa fakaday oo geedka ayuu sare
ugu shareer mey. Waa maalin madow wa xay ahayd arbaca bil u dambeys
fool adag oo gabraartii waa ku hungoobey, xaaskii oo dabka sii
shiday iyo carruurtii oo gaajo la ildaran wuxuu ula laabtay gacmo
maran iyo niyad-jab.
Maalintii
xigtay dabinkii kowaad waxaa ugu dhacay
xayawaan uu san weligi hore u arkin, waa xay
awaan aad u yar balse qur xoon isla markaana so’ iyo saan
midna aan lahayn. Ugaarsadi hii wuxuu go’aansaday inuu magaalada u
iib geeyo xayawaankaan qurxoo n. Afarta addin ayuu ka xiray wux uuna
u qaad ay dhanka maga alada, intii uu sii socday qofkii ka
horyimaadba wuxuu weydiina ayey magaca xayawaankan. Qof baa ka hor yi
mid oo wuxuu ku yiri, waxaa la yiraahdaa
MUKULAAL, qof kale ayaa ku yiri waxaa la yiraah
BISAD, qof kale ayaa ku yiri wax aa la
yiraah YAANYUUR , qof kale ayaa ku yiri
waxaa la yiraah DINAD, qof kale ayaa ku
yi ri BASHO, qof kale ayaa ku yiri wax
aa la yiraah CURRE, qof kale ayaa ku
yiri waxaa la yiraah SHAAMBI, qof kale
ayaa ku yiri waxa a la yiraah DURMAD,
ilaa magacyo toban gaarey ayaa loogu
she egay. Ugaarsadihii aad buu u farxay wuxuuna is yiri maanta waxa ad
heshay xayawaankii adduunka ugu qaalisanaa oo
toban magac leh, maanta ayaad faqri
baxday oo gorofta cayrta tuurtay.
Markuu tegay suuuqii magaalada dadkii ayaa soo wada eegay, taasina
si weyn bey u farxad gelis ay oo wuxuu is-yiri dadka ku soo wada
eegay macnaheedu waxaa weeye qiimaha iyo wanaagga xayawaankaani
leeyahay. Mar labaad ayaa farxadi qalbigiisa buuxisay, is hadal
hoosena wuxuu naftiisa kula sheekeystay maanta
ayaa Guulle ku gar gaaray oo aad gaawaha u culatay: horweyn
geel ah, giir lo’aad, ari goohaya iyo ido gorod madow. Ayaandarro
Soomaalidu war ma qarisee, ru ntii ayaa loo sheegay oo iyadoo la
qoslayo waxaa lagu yiri “war bahalka aad suuqa
keentay lama iibiyo waayo harag iyo hilib toona maleh ee miyaad
waallan tahay maxaad Mukulaal
beec ah suuqa u keentay. Ugaarsadihii
oo aad u niyad xun ayaa Mukulaashii
meel ku tuuray wuxuuna yiri waa ba hal magacyo
badan oo aan manaafacaad lahayn. Meel xun ka bax, intii aan suuqa u
soo siday jaaq deedii iyo cidiyaheedii
ayaa wax walba iiga daran.
Manaafacaad la’aanta iyo magacyada badan
ee Bisadda waxaa la mid ah aqoonyahan isku
sheegga aaminsan afkaarta shisheeyaha iyo siyaasi beeleedka sebenka
fowdada soo ifbaxay. Waxaad ma qli:
Prof hebel, Dr hebel, wuxuu bare-sare ka yahay jaamacad heb
el, wuxuu haystaa shahaado sare “PHD”,
waa aqoonyahan, waa indheer garad wax walba odorosi kara.
Ha-yeeshee markey arrintu ficil iyo wax-qabad
gaarto waa magac qurxoon iyo muunad
la’aan, waa hungo iyo haan-maran,
waa aqo on la’aan ku wajahan baaxaa degga siyaasadda, waa faham la’a
an dhaqan dhaqaalaha bulshada iyo ku hagista hillinka toosan. Waxaan
aaminsanahay haddiiba Soomaal idu aqoonyahan
leedah ay waa suugaanleyda Eebbe hibada
u siiyey hal-abuurka maansa da. Tusaale heesta “Af
qalaad aqoonta miyaa” ee Cali Sugulle
allifey iyo heesta “Dadweynaha
hanuuninaa hasaa winaa danta u hagnaa” ee
Xasan Sh. Muumin allifey, fili maayo aqoonyahan ka soo
qalinjebiyey “Harv ard University” inuu
curin karo erayadaas oo habkaas bulshada u abaabuli karo.
Derbiyada gudaha Madxafka Qaranka waxaa lagu xardhay magacyada
indheergaratadii alliftey qora alka farta Somaalida, waxay ka
koobnaayeen (17 nin iyo Xaliimo Maxamed Cali), waxay kala ahaaye en 3
soo bandhigtay xuruuf Laatiin ah, 4 soo bandhigtay xuruuf Carabi ah
iyo 11 soo ban dhigtay xuruuf Hebrew ah. 18kaas indheergarad ama
aqoonyahan filimaayo midkoodna inuu kasoo qalinjebiyey jaamacadaha
reer Galbeedka, waxayse ahaayeen maskax-maal iyo suugaanley hibo u
leh wax curinta.
QURBA-JOOGTA QAFIIFTAY
Dalku waa isu furan yahay, shacabkana colaad ba’ani ma dhextaal,
walow ay weli jiraan, jirina doo naan dagaalladii reer miyiga ee ka
dhalan jirey ku hardanka: biyaha iyo baadka, barta iyo beerta iyo
wixii soo raaca. Ayaandarro dagaal siyaasadeed aan dhammaad lahayn
ayaa dalka ka oogan, waxaa daadihiya qurba-joog mar lebbisan shaati
aqoonyahan, marna lebbisan shaati siyaasi beele ed, marna lebbisan
shaati FEDERAL iyo Soomaali kala geyn.
Dagaallada sokeeye waxaa dabkooda huriya oo Soomaalida waalay waa
koox isku magacaawday “Diaspora”
balse lagu suntay “dayuusb
aro”.
Siday ila tahay Prof Axmed Samatar
waa horyaalka qurba-joogta qafiiftay,
waxaa asiibay qulub iyo jago jacayl.
Muddo dheer ka dib Prof Samatar oo caafimaad
doon ah waxaa Xamar loogu sheeg
ay dhaqtar ku xeel dheer daweynta cudurka
qulubka iyo
hoggaan u qafiifka.
Dhoolatus siyaasadeed qurbaha lagu soo bandhigay sida: durbaanka
xisbiga Hiil-qaran oo
la dananiyey, aftahamnimo fagaare yaasha wacdaro iyo indha sarcaad
laga dhiga y ka dib, Prof Samatar
wuxuu garaacay albaabka dhaqtarka rugta
caafimaadka ku leh
“Villa So malia”. Durbadiiba wuxuu u diray
“Sheybaarka dhexe”
dhiigga Profasoorka waxaa laga helay (saar-qabiil,
kursi-u-qooq,
hoggaamin jac ayl, isla-weyni,
af Ingiriis ku faan,
Gaalo jacayl iyo
cudurro kale oo halis ah).
Dhaqtarka Xamar oo ah
Kaadirka Carabta,
waaba iskala sarreeyaa ku hadalka Af-Ingiriiska wuxuu na
aaminsan yahay Af-Carabigu inuu yahay “afdalu
luqa, axsanu luqa” maadama Alle
ku soo dejiyey Qu r’aanka Kariimka ah.
Teeda kale haybta
Profasoorka ee ah Maxamed Case
dhaqtarku waa garan waay ey oo “Mesegada”
ka baxda Koofurta ayaa loo kala saaraa
“Shamuurey iyo
cas case ama cadood”.
Cas case waa
magac aan Koofurta ku
lahayn miisaan siyaa sadeed,
maalqabeen iyo
muruq milateri midna.
Prof Samatar
dulqaad iyo samir midna ma
muujin, afka labadiisa ayuu furtay, uma
hadlin asluubkii laga rejeynaayey oday aqoon
leh iyo anshax siyaasi. Wuxuu fagaare
kasta ka yiri “Xamar
waa qurun iyo qashin, waa qaxooti iyo qowleysato, waa meel
maamulkeedu u xiran yahay Hawiye &
Daarood kaliya ‘dual-monopoly’.
Anigoo Soomaali ah ayaan Xamar tegay,
anigoo Samaroon ah, ayaan kasoo laabtay.
Shalay midnimo ayaan doonayey, maantase
Somalilander baan ahay oo
Boorame ayaan tegayaa si aan u noqdo
caaqilka Samaroon. Aflagaadada
lagu dheehay erayada Ingiriiska ah ee Prof Samatar ku hadlo,
anfariir iyo amakaag ayey ku riday qaxootiga
ku nool qashinka Xamar, waxayse ku qanceen seddax arrimood:
1. Heestii Sulfa
ee ahayd “lama
miiraa lay mudaa oo waa laygu maasadaa”
2.
Nin lamaan oo magaalo ka duday
siigo yaraa
3.
Takartii maroodiga fuushay ee markey ka duushay ku tiri “i cafi
maroodi ilaa saakay dushaadaan dangiigay” maroodigiina ku yiri “maba
dareemin culayskaaga”.
Waa yaabka yaabkiisee, weligaa ma is weydiisay
Prof Samatar muxuu Soomaali hore ugu
qabtay? Muxuuse ku muteystay
madaxtini mada uu ku qafiifay? Muxuuse
maanta qaban karaa?
06/09/1967 ayaa
Prof Samatar Soomaaliya kasoo tegay. Waa maalin taariikhi ah
oo Soomaalidu wada taqaan, waa maalintii la
xiray Wasiirkii Arrimaha dibedda
Axmed Yuusuf Ducaale
oo lagu eedeeyey inuu gatay
qaddiyadda xoreynta Jabuuti. Axmed Ismacil Samat ar wuxuu ahaa
weriyihii maalintaas warka duhurnimo Radio Muqdisho ka tebiyey,
sida aan weli xusuusto wuxuu warka ka billaabay “Wasiirkii
Arrimaha Dibedda oo gacmaha laga duubay,
xabsigana loo dhaadhiciyey”. Durbadiiba
Axmed Samatar BBC ayuu shaqo ka helay wuxuuna uga sii gudbay
Ameerika, 06/09/1967 ilaa
10/09/2012 doorashadii Madaxweynaha JFS,
45-taas sano hal maalin dal ka dib uguma
soo noqon. Xooluhu waa xaab daaq, dadkuna waa xan daaq, sida aan
maqlay Axmed Samatar laguma sheegin halyey
lagu hirto oo dadka kaalmeeya. Fili
maayo hal arday oo jufadiisa ah inuu jaamacad u qal qaaliyey.
Filimaayo xataa boqol dollar inuu horumarinta
dalka ku taageeray. Filimaayo inuu
weligi hal dugsi dayac tiray. Waxaan maqlay
1993 kulan ka dhacay “Ottowa
Univers ity” oo Axmed Samatar xiriiriye ka ahaa inuu halkaas
kaga tookhay anigu
Soomaaliya uma socdo oo xataa bogcadii laygu aasi lahaa waan sii
iibsaday. Haddaba weydiintu waxay tahay,
Soomaaliya ma qashin qubkii
qurba-joogtaa? Soomaaliya ma hoygii
hawlgabkaa?
Axmed Samatar oo sida muuqata
70 sano sare u dhaafay muxuu maanta
Soomaaliya u qaban karaa? Axmed Samatar oo
hab dhaqan ka reer Galbeed niyad sami u aaminsan laga
rejeynmaayo xataa inuu maanta
oori yar arooso
oo carruur dhalo oo gurigiisa ay ku kor aan dhowr qof oo
qaraabo ah, taasi waa inta ugu yar ee uu Soomaali maanta u qaban
karo.
Murtida laga dhaxlay awooweyaashii hore waxay tahay “wax la tacbo
dad baa ugu fiican — irsaq waayi-meysid aroosoo ubad kordhi – qofkii
kaa dad badan kaa deeq badan – dhashaada iyo dhul baa magan loo
yahay” waa hidde dhaqan soo jireen ah, ha-yeeshee aqoonyahannada
Axmed Samatar hormoodka u yahay waxay
aaminsan yihiin “uba ilbax waa laba uun ama
la noolow islaan cad oon ubad dhalayn”.
Dagaalkii 2aad kadib
rag Soomaaliyeed ayaa degay Yurub. Raggaas oo ahaa dhallinyaro awood
jinsi leh, sida ayax doog helay oo kale waxay ku daateen
haweenkii
caddanka ah, wiil helay haweenay gole-joogsi wacan leh, timo sugul
ah iyo indha cawlan oo eegmo caas haq leh “blonde
hair and blue eyes” balse minka iska
xirtay iskana tallaashay ubad dhalis ,ayaa
aabbihi u soo
diray farriin leh “maand how maxaad dad iyo
duunyo haysaa?” Wiilkii wuxuu su’aashaas kaga jawaabay
aabbe waxaan la noolahay haweeney caddaan ah
oo joog iyo jamaal leh, laakiin in ay
ubadh dhasho laga rejeynmaayo. Odaygii wuxuu wiilkiisa u soo
diray murti xambaarsan waano dhaxal gal
ah, wuxuuna kula dardaarmay:
•
Mar haddaaney awlaad ku dhalayn, loo abtirinaayo
•
Amaaney adduun ku dhaqayn, ari iyo geel toona
•
Layskama abaahiyo
islaan, abasaxoo weyne
•
Maandhow ka ag fogow,
Eey la nool
ubadka diidaysa
Ajnebi ka dooro INDHAYAR waa inkaar waalid iyo ilduuf geyaan. Wiil
ciyaar ka booday ayaa ku heesay “waxa Mijir-ka-hoos magaala da yaal
Maryaney ,maxaa mara-meydka ku xiiray”. Prof Axmed Samatar oo sida
guuxa dadweynaha lagu sheegay ka mid ah qurba-joogta gabayga sare
khuseeyo, himiladiisa hoggaan jacaylka ma riyaa mise waa hidde-raac?
Soomaaliya waxaa ka jira boqortooyo silloon oo si dadban u shaqeysa.
Halkudhegga iyo halbeegga boqortooyadu waa: aabahay, awoowgey,
adeerkey, abtigey, eedadey iyo ina-adeerkey baa madax ahaan jirey ee
anna waa inaan madax noqdaa oo hoggaamintu waa hibo dhaxaltooyo.
Raggii kartida yaraa ee hanan waayey kaalintii kaga toosnayd
hawlihii miyiga (xoolo dhaqasho iyo beero falasho) ayaa hoos cararay
Maamulladii Gumeysiga, waxayna ka heleen fursadihii shaqo ee waagaas
jirey. Oday baa arkay nin gacan yare u ah Gaalkii geyiga xukumay
balse markuu miyiga joogay aan soo hoyn jirin waxar jaban, dabadeed
wuxuu tiriyey afarreydaan:
•
Allahayow Faranjigii ,muxuu doqon fariideeyey
•
Muxuu feydo laawiyo, nin raggah faylka wada joojay
•
Muxuu nimaan aabbihi fuuli jirin, faras u heenseeyey
Turjubaannadii, ilaaladii, adeegeyaashii, kookeyaashii iyo wixii soo
raaca ee Gaalada u shaqeyn jirtay carruurtii ay dhaleen waxay u
dallaceen Gaal-yare ama “house niger” xukunkii dalka iyaga ayaa kala
wareegay Gumeysteyaashii tegay. Carruurtii ka farcantay koo xdii
guryaha Gaalada ka shaqeyn jirtey waxay noqdeen kooxda ina-K (ina-kooke,
ina-kaabul, ina-kormeere, ina-karaani, ina-warkee ne, ina-kidbeeye,
ina-kirishboy, ina-kalkaaliye, ina-kadindhowre, ina-kaabaqabiil,
ina-kayd-haye, ina-kaabe-waardiye, ina-kabraale)
Guud ahaan Soomaaliya waxaa maamula kooxda ina-K, gaar ahaan
Koofurtu waa budo gaar u tuman iyo boqortooyo silloon, halkudhe gu
waa “ballan aabbe iyo hoggaan beeleed”. Sannadihii fowdada
hoggaamiye kooxeed kastoo dhintay waxaa beddelay wiilkiisa ama
hadduusan wiil dhalin xaaskiisa iyo inantiisa, Jeneraal Caydiid
waxaa hoggaankii ka dhaxlay wiilkiisa ilaa Qareen Raajis oo ay
xilkii ka dhaxashay xaakiisa. 14/11/2001 goortii
Jaamac Cali Jaamac
loo doortay madaxweynaha Puntland waxaa diiday Cabdullaahi Yusuf
oo
3dii sano ee xilka loo igmaday ay ka dhammaatay. Dagaalkii qarxay
kadib waxaa lagu heshiiyey in doorasho cusub la qabto, sida
dast uurka Puntland ku qoran waxay ahayd xilliga kala guurka inuu
madaxweyne ku meel gaar ah sii ahaado Maxamed Cabdi Xaashi, mase
dhacin oo xilkii waxaa qabtay Yuusuf Xaaji Nuur oo ahaa Guddoomiyaha
Maxkamadda Sare. Xuruuf yaryar oo qof aragti gorgor leh kaliya
akhrin karo dastuurka Puntland waxaa ku qoran jagada madaxweynaha
Puntland waxaa qaban kara qof Maxamuud Suleymaan ah kaliya.
Koofurta beddelkeeda, boqortooyadaas silloon Isaaq
waa ka badbaaday
oo Cigaal wiilkiisu jagada kama dhaxlin,
C/maan Tuurna xaas kiisu
xilka kama dhaxlin, nasiibwanaag Isaaq
wuxuu fahmay laba eray
siyaasadeed oo Soomaalida kale aysan weli fahmin,
dulqaad iyo is-afgarasho
“tolerance and compromise”. Si looga fogaado dagaal mindhicireed
dhexmara beelaha Isaaq waxay madaxweyne u door teen
Daahir Riyaale
Kaahin oo sarkaal sare ka ahaan jirey
NSS-tii Siyaad Barre
“Notorious Gestapo Officer” waxay ahayd tallaabo ku dayasho mudan oo
Isaaq ka dhaxlay aayatiin wacan iyo haybad siyaasadeed, balse dhanka
kale waxay jahawareer iyo waalli ku riday beesha
Gudabiirsay oo qof
walba wuxuu u xusulduubay inuu madaxweyne noqdo, xataa haweenka
miyiga Boorame jooga waxay ku werdinayaan oo la riimayaan
haddii
Riyaale madaxweyne noqday anna waa inaan noqdaa. Damacaas safmarka
ugu dhacay guud aha an beesha Samaroon ayaa dhiigga iyo dhuuxa kaga
milmay Prof Samatar, wuxuuse u eg-yahay damacaan sinnaba ku hirgeli
karin, wa ana riyo maalmeed iyo rejo meehanow, maxaa yeelay nin
suldaan u suuban ayaa madaxiisa taaj la saaraa.
Prof Samatar hadalladiisa
faanka iyo tookha u badan kuma jiraan:
oorideyda heblaayo,
inankeyga hebel iyo
inanteyda heblaayo, wa xaa la fahmi
karaa inuu yahay faras leedo ah oon koore
lahayn. Dhaqan guud oo aadamigu isla ogol yahay ka sokow,
waddanka Prof Samatar ku nool yahay,
nimaan xaas iyo carruur lahayn
,hoggaamiye looma doorto.
Aan qoraalka ku gunaanado su’aal muhiim ah oo mudan in
si taxadar leh oo cilmi ku saleysan
looga jawaabo. Prof Samatar safarkiisa
“From Soomaali to Samaroon”
Ma siyaasad cusub baa?
Ma saldano jacayl baa?
Ma suluqsaaluq socodkii sebenkaa? Prof
Samatar maa nta safarkiisu waa
Muqdisho to Hargeysa,
berrito waa Jabuuti to Adis
Ababa, saad-dambe waa
Tel Aviv to Washington ee saakuun
safarka Prof Samatar xagee ku wajahan yahay?
Akhriste fadlan maskaxdaada ka
shaqaysii oo jawaab hufan soo gudbi. Wa Billaahi Towfiiq
Abdulkadir Osman
“Aroma”
|