Anigoo ku hadlaya magaca jaaliyada qatar waxaanu tacsi u diraynaa ehelkii iyo somaliland iyo ciidanka qaranka ee somaliland geridii ku timid ala ha u  nax ariistee muj .cismaan yuusuf nuur oo ku shahiiday fal argagixso oo ka dhacay magalada laascanood waxanu ilahay ka baryaynaa in ilahay naxaristii jano  k awaraabiyo amiin amin amiin waxanu ka codsanaynaa dowlada somaliland in gacan bira lagu qabto cidii falkaa ka dabaysay maxkmad dagdagan la saaro meshee lagasoo abuubulayna logu tagaa waxanan kusoo gunanadayaa  gaba ygan


Faaraxow galgaladkaan dhigiyo gama' la'aantayda
Gogoshaan ku jiifsaday hurdada goodkii igu yaacay
Gasiinkii la ii dhigay waxaan gawska uga daayey

Dar guryii ka yimi baa war baas iila soo galaye
Geeridii Xirsay sheegayeen gacal ha waayeene
Goblamooyin waxay ii wadeen guuldarriyo hooge

Gabbal baa u dumey reerihii geliga Booc yiille
Abidkii rag waa go’i jiree tanise waa gaw’e
Lix hal oo u wada gaar ahaa gocanayaa mooyi

Mid weeye haddii lays galoo geel la kala qaado
Gurmad noqonayaa iyo annagu guuto bixinnaaba
Giiryaalihii fule markuu gelelef rooraayo
Rogaalkuu giraangirin ogaa gocanayaa mooyi

Geb hadday maritidu soo tidhaa goor u nala joogo
Godka lagu janneeyow hadduu goosan la carraabo
Garab saar rag weeyee hadduu gogosha soo qaado

Gasiinkii la soo dhigay haddaad gal iyo daad mooddo
Bakhayl baa gammiima'e intuu gaadhka ka qoslaayo
Godolkuu ku haasaawin jirey gocanayaa mooyi

Gar adkaatay, xaajada gurracan, guurti kala maagtay
Haddii geedka laysugu yimaad golaha waayeelka
Waxay gola fardooddaba haddii la isku soo gaadho

Nin waliba hadduu gees damcoo giijo madixiisa
Wax la wada gorfeeyaba haddii la isu geyn waayo
Gaagaabsayaa iyo isagu gees u hadal yaaba
Guddoonkii la wada raaci jirey gocanayaa mooyi

Gugoo da'ay aroosyada haddii gowda laga saaro
Shir girmidha haddii loo kiciyo gob iyo reer aada
Gammaan naaxay heensaha haddii guudka laga saaro

waa gelin is daawada halkii garangar loo joogey
Gole igu bannaanaa wallee garab la'aaneede
Gunnaduu ka soo toocin jirey gocanayaa mooyi

Gardarrada sokeeyaha rag baa gees biciid u lehe
Gudcurkiyo caddadu waa walaal kalase guul roone
Gaadiid Ia dhaanshuu ahaa gibil ma diidaane
Guraduu na wada saari jirey gocanayaa mooyi

Alla wuxuu golxaalow ahaa gedefka reeraaye
Magaciisu waa gudubsanaa gaaliyo Islaame
Galbeed iyo Baraa laga yiqiin gololkii dheeraaye
Gaashaan biruu noo ahaa gocanayaa mooyi

Adduunyadatan laga guurayo ee gebegebaa taagan
Ee laga galbaday meesha iyo geeridii Maxamed (NNKH)
Anuun baa gubtanyoonaya oo geesigii tebaye

Gartaa u noqday Eebbow ma jiro garangar waartaaye
Allahayow wax badan baan gefaye Adigu hay goynin
Oo geesta Nebigii i mari maanta lays gurayo.
 

 


By: Maxamud Warsame Haybe
Doha Qatar