“Hargeysa Ingiriiskii Baa Nagu wareejiyey. Ragan dhawaaqay Ee U Qabtay Sabeyste In lagu soodaayo 24 Saac Haday dhici waydo Anigoo Huba In Aanay dhacayn Dumarka Iyo Caruurta Hakala dhuunteen Ceebtooda,” Buur-madaw

 


Hargaysa (TNN):- Akhri Nuxurka Qoraal uu baahiyay Boqor-buurmadaw: “Waxa beryahan teli fishanada iyo warbaahinta ka muuqda rag ku hadlaya afka madax dhaqameedka subeer awal, khaasatan sacad muuse runtii maaha salaadiin sida Wakiil Xasan Suldaan Cabdullaahi iyo kan ay ku sheegaan Mawliid Sabeyste oo sida reer Hargaysa oo dhami yaqaanin ah ragii ku bar ba aray Dooxa, beesha uu sheeganayaa waxaay u dooratay Ugaas Cabdullaahi Xawaareeye, oo ah nin aad u sharaf badan.

Runtii Salaadiin qiima badan ayaa jira oo ah Beesha Subeer Awal iyo Sacad Muuse, sida Sulda an Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan, Suldaan Maxamuud Axmed Sheekh, Suldaan Cismaan Cali Kooshin ,Suldaan Xandule ,Suldaan Baxar.

Hadaba, mushkilada jirtaa waxa weeye siiba madax dhaqameedka Sacad Muuse ,waxay ku soo bar baareen ama dhaqankoodu ahaa inay la shaqeeyaan Diisayada iyo Badhasaabada, looga mana baran mucaarad iyo afxumo,mana ay ahayn salaadiin daryeel iyo ixtiraam ku qaba shac abkooda. Hadaba Wakiil Xasan dhibka haysata wuxu ku indha dillaacsaday mucaarad uu la bila abay xisbiga UCID, waxayna ahayd Wakiilnimada ka hor ,hadaba xayawaanka Diinka la yidhaa hdo waxa ilaaliya qolofta ku dahaadhan Xasan iyo ragan qaylinaya qoloftii ilaalin lahayd ama daryeeli lahayd waa xukuumada ,qolaftii xukuumada iyaga ayaa iska tuuray , markaa inay qud haanjadu cunto iyaga ayaa galabsaday mana nasan doonaan ilaa ay u soo noqdaan dhaqanko odii , xukuumadana la shaqeeyaan .

Waxa kale oo aan arkaa hanjabaad soo noq noqonaysa oo aan waxba lagu tarayn iyo sheega sho la sheeganayo caasimada Hargeysa, beel ahaana anagu ma garawsanin hanjabaada iyo faanka aan loo meel dayeeyn, beel ahaan waxaanu sheeganaynaa halgankii xoriyadii 19660kii oo ay gacantooda ku soo qaadeen Dube Cali Yare iyo Maykal Maryama iyo halgankii Faarax Oomaar iyo Shiikh Bashiir iyo tii halgankii u dambeeyey ee Axmed Siilaanyo hogaaminaayey ma na yeelayno in marka xoraynta iyo halgan kana nalooga danbeeyo, marka dheeftana nin wali ba faan iyo xiniinyo sheegto ,anaga Hargeysa Ingiriiskii baa nagu wareejiyey Badhasaabadii iska bedelay Cismaan Indhoole iyo Shaadh Yare ,dadkan hadafaanayaa taariikhda dib haw akh riyeen .

Ragan dhawaaqay ee qabtay Sabeyste in lagu soo daayo 24 saac haday dhici waydo anigoo huba in aanay dhacayn , dumarka iyo caruurta ha ka la dhuunteen ceebtooda .

Gabagabadii ,hadii lasugi waayo doorashada ama la tixgelinwaayo Dastuurka iyo Sharciga Da wladnimo cid kasta waxaan u sheegayaa sidaan taariikhda kaga soo hadlay Soomaaliland god kii aanu ka soo saaray bay ku dhici doontaa waynuna eegi doonaa ciday eersato .

Arinka Haamaha ,mawqifkaygu wuu cad yahay , anigu waxaan qabaa in Xukuumadu hayso ha diise laga garnaqo Subeer Awal Faransiis iyo Tootal buu ka iibiyey hadii aanu ka qaadnay muw aadaniin Soomaaliland oo dhanka kooban ku wareejino Belo dhacaysaa ma jirto luqadan aanku hadlay waan ka xumahay hase yeeshee maah maah baa tidhaada cal gal cal gal baa saara am a qaniinyo qaniinyaa kaa reebta Soomaalilaand waan ka tacsidaynayaa inagoo marayna 2015 in loo wada hadlo si beelaysan,  Salaadiinta  Sacad Muuse waxay tabashadu kabaaysaa kolk ay u noqdaan la shaqayntii wanaagsanayd ee looga barta”.