Anigaa
La ii Taagwaayey

Waxay ku beegnayd badhtamihii Sannadkii 1988 , Gudagalkii Xoogagii
SNM , waxaa labada magaalo ee Hargeysa iyo Burco ka socday Dagaal
kulul oo u dhexeeyey Mujaahidiintii SNM iyo Ciidamadii Kaligii
taliye Siyaad Bare, waxaa dal ka intiisii kale ka aloosanaa Qax
iyada oo ay maatidii ( haweenkii iyo caruurtii) ay ka firdhanayeen
Xasuuqa iyo Xab ada la isway-daarsanaayey halka in badan oo kalena
ay isku diyaarinayeen Qaxitaan.
Aynu u daadagno Tuduca Maqaalka, goobtu waa Degmadii Gabiley ,
khaasatan, goob u dhaxaysay magaalooyinka Arabsiyo iyo Alaybaday ,
waa hoygii nin la odhan jirey Faarax oo hadda xijaabtay Alle ha u
naxariistee oo isku diya arinayay inuu Lafihiisa iyo ka Qoyskiisa
kula fakado dhinaca Ethiopia, balse intuuna ka hayaamin Hoygii uu ku
nool aa waxaa soo dhinac maray Ciidan lug ah oo uu sii jeeday
dhinaca Magaalada Arabsiyo. Tacadigii ,Xasuuqii, iyo Dhi btii
Shacabka la baday , Guda galka SNM waxay u ahayd Farxad iyo Fursad
Dahab ah waxayna kusoo dhaweyeen si farxad iyo qiiro huwan . Faarax
oo markay Ciidanku dhinac marayeen ku sugnaa Guriga Isaga iyo
Qoyskiisu , waxa uu isku qanciyey inuu Gulufkan Ciidan ay yihiin
Xoogagii SNM, waxaana uu go’aansaday inuu farxad iyo rayn-rayn kala
hortago balse Qoyskiisii ayaa u sheegay inayna ahayn Xoogagii SNM oo
ay yihiin Faqashtii waxayna ku dhaw aaqayeen qoyskiisu; “ Faaraxow
ka joog” Aabo Ka jog” “Aabo ha is haligin” Oday faarax qiiradii
madaxmartay dart eed kama uu qaadan digniintii qoyskiisa kaga timid,
waxaana uu si miyir la’aan ah ugu dhex dhacay Ciidankii mees ha
maraayey isaga oo ku dhawaaqayey erayo soo dhaweyn ah oo ay qiiro ku
dheehan tahay, Faqashtii fahantay Oday Faarax waxna may dareensiin.
Faarax waxa uu ka codsaday inuu kamid noqdo xooga meesha maraayey oo
uu isku qanciyey inay guluf dagaal ugu socdaan Faqashta degan
Arabsiyo, Faqashtii aqbashay oo ku rartay Agab badan oo ay siteen,
siday u socdeen ayay galeen Saldhigii Arabsiyo , halkaas ayaa
Caqligii ugu soo noqday oday Faarax , kuna garawsaday cida uu la
socday inay yihiin Faqashtii , Ileen tallo iskuma kaa sheegto, waxa
uu hoos isugu canaantay ” Allaw dhulka yaa hoos kuula gooya” Allaw
yaa riyo kaaga dhiga” Faqashtii isla markiiba qol-yar oo madaw ku
xabistay Faarax, Maalmo ku jir halkii, Qoyskiisiina firdhay, Nasiib
wanaag waxa naftiisii bad-baadshay Taliyihii Saldhiga oo ahaa nin
kasoo jeeday Gobolka Sool oo ahaa nin aan ku milmin habdhaqankii
foosha xumaa ee Faqashtu ku haysay Rayidka aan waxba galabsan ,
taliyahaa badbaadiyey hadda waa Saraakiisha Ciidanka Police ka
Somaliland waxaana la yidhaa Cabdi Abokor.
Oday Faarax markii laga sii daayey Xabsiga /Saldhiga waxa uu u
fakaday Magaalada Alaybaday oo ay wakhtigaa ku sugnaayeen Qoyskiisii,
waxaana uu ku calaacalay markii uu gaadhay Reerkiisii , kor iyo
hoosba waad iigu sheegteena , ANIGAA LA II TAAGWAAYEY!
Gabagabadii, Kor iyo Hoosba waa la inoogu sheegay Taariikhda
Siilaanyo, balse INAGAA LA INOO TAAGWAAYEY! ‘ Ma qaranimadii ayaa
qabaail isku bedeshay” “ Ma Hayaddihii Sheekh Shariif baa Hargeysa
ka shaqeeya” “ Ma xoolihii umaddaa la xalaashaday’ “ Ma
dhaameelkiibaa lasoo casriyeeyey” “ Ma Mujaahidiintii iyo
maatidoodiiba milicda iyo dhaxanta loo daadshay” Ceelna inooma qodna
ceelalyana inooma maqna, Maxaa hadda inala gudboon ummad yahay si
aynu Qaranka, iyo Midnimadda Ummada Somaliland u bad-baadino?
Shirbeeleed waa MAYA oo waa dib u noqosho. Kacdoon Shacab HAA, oo
waa badbaado Qaran, sida Carabtaba ka dhacday.
Wabillahi tawfiq
Cabdirasaaq
Sh Cali Askar
Political Analyst
Hargeysa,Somaliland |
|