Eedaysanayaashii Dilalkii ka dhacay Deegaanka Seemaal iyo Buqdhada oo maxkamad Milatar iga la horkeenay iyo kiiska oo u Janjeedhsaday Masuuliyiin ka Tirsan Xukuumadda

 



"Aniga waxaa la ii dhiibay lacag dhan
$100,000 , oo loo soo dhiibay masuuliyiin Golaha Wasiir ada ka tirsan xukuumada ,raggaas oo imika Wasiirro ah,". ayuu yidhi Maxamed Maxmuud Cawaale( Cawar Xareed)  .........

Hargeysa(TNN)waxa manta markii labaad maxkamada la horkeenay, Maxamed Maxamuud Caw aale (cawar-xareed) iyo 4-qof ookale oo ku eedaysan dilal kala dambeeyey oo wakhti hore ka dhacay deegaanka Buqdhada ee Galbeedka Gabiley, oo salka ku hayey khilaafka de egaanka Ceel-berdaale.


Dacwaddan ayaa maxkamadda Milaterigu ka furtay maalintii khamiistii ee Bishu ahayd 25-july-2013-ka Saldhiga dhexe ee Magaalada Hargeysa oo maxkamdani ku leedahay xafiis dac wadaha lagu qaado marka loo baahdo.

Cawar-Xareed oo loo haysto inuu ahaa Abaanduule Hogaaminayey kooxaha dilalkan loo aan aanaynayo inay geysteen, ayaa markii la horkeenay maxkamadda Ciidanka Militariga waxa uu cabasho weyn ka muujiyey sababta isagoo shacab ah maxkamadda ciidanka loo keenay ee dacwaddiisa loogu qaadi waayey maxkamada Rayidka, waxana uu ku dheeraaday in had dii la doonayo in kiiskan la soo afjaro la geeyo halkii ku haboonayd oo ah maxkamad Rayid ah.

Cawar-Xareed ayaa halkaa ka sheegay inaaanu isagu gacantiisa waxba ku dilin, cidda leh cawar wax buu dilayna maxkamadda horteeda kaga caddayso, waxana uu xusay inaanu dafiri karin lugtii uu kiiskan ku lahaa.

Nin sheegtay inuu ka mid ahaa Rag lagga lagu laayey Deegaankaas oo ka Baxsaday intii aan la dilin oo markhaati ka ah Kiiskan loo haysto Cawar-xareed, ayaa max mkamadda horteeda ka sheegay In Cawar-xareed iyo koox uu wato oo uu ku jiro Qarxiye ay ka Af-duubeen jidka u dhexeeya kala-baydh iyo Dila wakhti Habeenimo ah oo ay u geeyeen Ciidan kale Oo Meel buur ah joogay, intaa ka dibna cawar-xareed ka soo noqday, islamarkaana ay ninkan Bad baaday u suuro gashay inuu meeshii ka baxsado.

Cawar-xareed ayaa hadalka ninka markhaatiga ah ka marag kacay, waxana uu sheegay in  ay ku lugl ahaanshaha kiiskan ay ku dhiirri geliyeen Niman masuuuliyiin ah oo ka tirsan xisb iga Kulmiye iyo Golaha Wasiirada.


Ninkan Dacwaddu ku socoto ee Cawar-Xareed, ayaa maxkamadda horteeda ka sheegay in lacag dhan $100,000 (boqol kun oo doolar), loogu soo dhiibay masuul Golaha wasiirada ka ti rsan gacantana uu uga dhiibay Cawar-xareed, Raggaas oo imika Wasiirro ahna haddii la hor keeno uu ku caddaynayo kiiskaa ay lugta ku lahaayeen.

Dacwadda Dadkan loo haysto ayaa la xidhiidha Dilal isdaba joog ah ka dhacayey Deegaam ada Buqdhada iyo Seemaal oo ay muran dhinaca deegaanka ahi ugu dhaxeeyey laba Beelood oo halkaas wada Dega, waxana Dacwaddani iftiiminaysaa Tuhun Hore looga qabay dad masu uliyiin ah oo kiiskaa lala xidhiidhinayey.

 



Timacade News Desk
Hargeysa,Somalilnd