Anaa Aabooy ku badhiyeey, Huuno
(Gabiiley iyo Awdal),saw ta la
isku keen dirayo hadana!
Dhul-baa
is-diiwaan-galintiisa Awdal iyo Gabiiley isku haystaana
?
Anaa Aabooy ku badhi, sawta hadana mar kale la ii hoosaa-ligiseeyay
maaha!!!! Dhulkan labada gobol ee Awdal iyo Gabililey isku hayaan
maxaa afratii ama shantii sano ee kasoo wareegay doorashadii hore
loo xalin waayay, hadaan wax kale jirin ?.
Anaa Aabooy ku badhiyeey ma hadaa mar kale hadana dadkaygii deganaa
Awdal iyo Gabiiley la iskugu dhiibayaa hub oo la isku dhidhinayaa,
Aheey ah! Dadka degan labada gobol ayaa ishooda loo dhacay! Horta
Akhristoow intaa yaree tirtirsiga iyo dhaliishaba ah ka dib bal hada
ila eeg, dadka dega labada Gobol, waa Awdal iyo Gabiiley-e halka ay
kaga jiraan bulsho-weynta reer Somaliland iyo weliba Muraayada ay u
yihiin Dalka Somaliland intiisa kale.
Labada Gobol, waa Awdal iyo Gabiiley-e waxa ku nool oo ilaahay ka
biqliyay oo laga helayaa 90 % ama ka badanba bulshoyinka kala duwan
ee ku dhaqan dhul waynaha kale ee Somaliland oo dhan, bal ila eeg
aan Galbeed ka bilownee, waa Ciise, Samaroon, Gurgure, Akisho,
bulshooyinka laga tirada badan yahay ee kala duwan (Tumaal, Gabooye
iwm) Madigaan, Isaaq, Daarjire (daarood) iyo qaar kale oo badan, oo
dhamaantood isku milmay oo noqday dad ka duwan dadkeena kale ee reer
Somaliland, waxa ka unkanmay isku qoofalkaa bulshooyinka ama
beelahaa badan, hab nololeed ka duwan kii dadkeena kale ku nool
yahay ama noolaan aan jiray, waa '' habka Qodaalka ah-e'', waxa kale
oo ka bilaabmay caadooyin iyo lahjado horleh oo hodan ah oon dalka
intiisa kale laga aqoon, waxa taasi kuugu filan Magaca sare ee
sheekadan oo kali ah, bal dhadhanso erayadan '' Anaa Aabooy ku
badhiyeey, Huuno ''. May jiraan meel kale oo laga yaqaan oon ahayn
qodaalka iyo labadan gobol? ma malaynayo.
Dadka labada Gobol degaa waza ay is bedel aan hore loo arag ku
sameeyeen dhaqankeenii guunka ahaa ee reer Guuraanimo, oo ay inta ay
ka digo-rogteen kolba dhan u yaacii inoo horseedeen inaynu xasilino
nolosha, oo aynu samaysano Raas iyo Rug ma guurto ah, halkii aan
kolba roob iyo hilaac daba cararaynay ee degaanta ama nabaadka ka
soo baxana guluf iyo colaad isku dhamaynayanay, waxay inoo tuseen
labada gobol in si kale oo ka fudud sidaa oo ka nabad iyo barwaaqo
badan la heli karo, oonad ifkan si aad ugu noolaato ku khasbanayn
inad wax disho ama ha lagu dilo! waa tii reer guuraaga iyo geela-e.
Laba sac oo la maalo, Qindi ama qar la meeraro, Qoodi dhul ah oo la
qoto, Sagaro yaroo uudka iyo caleenta beerta lagu soo daabulo oo
aqalkuna ku dhex-yaal iyo balay ama ceel ama jidhaan laga cabo ayaa
ay ka heleen oo ka sameeyeen, wax ka badan waxii ay heli jireen
markii ay Geela boqolka halaada kolba meel ula guuri jireen, ama
waxii Cawl-ku waayay, Xasuuso '' bur dareemo ah, balay ku ag-yaal,
baadi doonyoo biciidkuba waa!" waa dhab inay sameeyaan oo suurta
galiyeen taasi dadka labada Gobol degaa, waxa ay dadka labadan
Gobol-i dabargooyeen in loo daaduumo gaajo darteed, sida aad kolay
maqashay ma dhacdo ama waa ay yaraatayba macaluushii laga sheekayn
jiray oo kolay intii dhulka la bartay qodistiisaba waxa loo helay
taasi gaashaaan adagoo caabiya oo waa dalaga beeraha ka soo go' a ee
Amad iyo Hadaar-ba leh.
Labadan gobol wax-soosaarkoodaa beeraha ah ee ay sameeyeen waxa uu u
horseeday inay kaalin muuqata oon laga maarmi karin ka galaan,
koboca iyo saldhigashada iyo weliba dhiirigalinta dhaqaalaha
qaraankeena Somaliland, heer tuulo, degmo, Gobol iyo Qaranba, iyaga
oo weliba inoo hakiya ama joojiyay lacago badanoo dibada inooga bixi
jiray, iska daa wax kaloo Jaad-ka Doolar-kii inagaga bixi jirtay
ayay qayb wayn hakiyeen! isla deganaantaa iyo ma guuraan-nimadaa
darteed waxa kale oo suurtagal u noqotay labadan Gobol inay xaga
waxbarashada guud ee qarankana meel wayn bishlaan oo laga sameeyo
dugsiyo badanoo soo saara dad waxbarasho qaneecaad badan laga helay
soo qaatay..
Isku soo duuboo, Labadan Gobol waxay u yihiin dalkeena hormood iyo
hirasho aan mahadinay oo mudan in la dhiirigaliyo oo lagaga daydo,
waxase jira hadaba oo cawodaro ah, malaha, nimco kastaaba nusqaan
lehe, saluug aan la qarin karin oo dhex hawaara bulshadan Galbeediga
ah!! Saluugaasi oo ah, in kolba nin qarad lehi uu Xareedaa iyo
Miidaa macaan ee ay samaysatay bulshadaa Galbeediga ahi , waa dadkan
degan labadan gobole, ka dhooqeeyo! oo la iska ahorkeeno oo la isku
diro, Labadan gobol dadka degani waxay aad ugu nugul yihiin dhulka
oo ah halka ay kala soo baxaan nolol maalmoodkooda, waana bartaa
meesha uu kolba ninka MUNAAFAQA ah ee qoriga dabka ah la wareegaa uu
ka taabsiiyo, waana nasiib daro in maanta oo aynu leenahay qaran
Somaliland ah, oon ahayn mid shisheeye hogaankiisa hayo oo uu inagu
kala fogaynayo sidii kuwii ina soo maray ( ex-somaliya), aynu hadana
kolba damqasho iyo xanuun hor leh dareeno oo dad isla inaga ahi waa
reer Somaliland, ay doog iyo caabuq kicinayaan, halkii ay ka dhayi
lahaayeen Boogihii aan ka dhaxalay waxii la odhan jiray Somaliya ee
isku keen dirtay, nabaro cusubna ka hor tagi lahaayeen.
Labada gobol dadka degaa aad bay ugu xeel dheer yihiin sida dhulka
loogu kala hagaago, oo Xadhig, Xusul iyo Taako ayay ku kala qaydaan
Madayaasha beeraha,waxase meesha ku jira wax kale! hadaanay ku jirin
wax kale maxaa marka doorasho jirta uun loo soo nooleeyaa
carqaladaha shuleed ee la irmaanaynayo isku haysigooda. Bulshada
sharafta leh ee ku dhaqan Guud ahaan Somaliland waxan odhan lahaa
nabada iyo kala danbaynta hala wayneeyo, labadan gobol ee Awdal iyo
Gabiileyna waxan odhan lahaa, Huuno oo Huuno yaan dorashooyinkaa wax
kale la inoo soo raacin, waynu naqaan tabta iyo xeelada dhulka lagu
kala madeeyo, inagaa macalin ahee yaynaan kaalinteena gabin. I-iinyo
iyo diidnay dagaal iyo colaad. Dhulka si qodaalnimo ha loogu kala
baxo, oo yaanay Siyaasad kala jiidisi soo dhexgalin.
Intaa iyo nin meeshi la saraaba Huuno tahay taladii dheh.
Somaliland ha
Jirto oo ha Joogto weligeed.
By: Cali Cumar
Xasan
|