An Hanbalyayno Golaha Guurtida

 


 

Meel kasta oo ay xummadda iyo xaraaradduba gaadheen, habeenkii Jimcaha  ho os-u-dhaceedii ayaa bilaabmay. Ma hoos-u-dhac iyo baad tidhi oo aad  aammust ay. Xawliga hoos-u-dhacaasi ku socday mar ayaan ka baqay in aynu farxadda  iyo reyn-reynta la suuxnaba. Ma habeenkii xalay ahaa! Waa telefishannadii oo gudbinaya odayaashii  Gola ha Guurtida oo meel ku wada qadaynaya. Hadda qaar baa indhaha marmaranayay oo  ru maysan waayay. Maxaa intaa raacay? Waa  kh udbado gaaggaaban oo jilayaashii  Golah a Guurtida ugu mudnaa dadka ugu  bush aaraynayaan in ay isku saamaxayaan. Ma sida ay munaasabadda u doorteen? Ma sida ay u dareemeen werwerka iyo walaaca  ummad da ku habsaday ee ka dh ashay muranka dhexdooda ka aloosmay beryahan ugu  danbee yay! Ma sida  cad owgu ugu farxay. Ma sida gacal iyo xigaalba wixii ay Somaliland lahayd uga  naxe en.

Alleylehe isha ayay ka rideen. Ka naxow nafta waa. Isku baxa intii murankaa u rixisaay. Haddii ay murankaa cidi ka adeegtay oo alooskiisii ka qayb-qaadatay, inkaarta shacbiga Somaliland idin ku dhacday oo Ilaahay idankii kama kacdaan oo kama soo kabataan. Xasan Ganey iyo hal-abuurka tufka leh aan u rakaabsano oo nidhaahno:

 


“Dalka kii xumeeyoow,
Deg-deg oo ha noolaan,

Ma haddii la waayo oo habaarkaasi idin cuskan waayaa, Xasan Ganey ayaanu mar kale ku noqonaynaa, waxaanu leenahay:

“Dagantaad dhacaysaan,
Waa duul an lagu jirin,”

 


Hanbalyo dhammaan Golaha Guurtida madax iyo minjaba. Si wanaagsan ayaad ka yeesheen istiqaaladdii Sheekh Axmed Nuux. Sidii ugu fiicnayd ee ugu naxliga yareyd ayaad u maareyseen. Golaha Guurtida dhexdiisa ayaad ku maareyseen iyada oo aanay nac iyo naxli midna ku jirin. Haddii kale waa ay inagaga dheeraan lahayd, faraqyo badanna waa loo yeeli lahaa oo dhinac walba waa laga soo geli lahaa. Nac iyo naxlina kama madhnaadeen. Aan hanbalyayno Sheekh Axmed Nuux. Si wanaagsan ayuu yeelay. Go’aankii wadareed ayuu u hoggaansamay, ballan-qaadna raaciyay. Si loo ducaystana qedo sharafeed la isku beer-xaadhay ayuu ku khatimay oo lagu ducaystay. Qalabka war-baahinta kama aynu maqale, waxaan ku hanweynahay in Sheekhu fadhigiina ku daray oo casuumaddu is-raac ahayd. Hanbalyo iyo hanbalyooyin aan odeyga Saleebaan ah gaadhsiinno. Si mas’uuliyadi ku dheehan tahay oo xilkasnimo leh ayuu u dhaqmay si mowjadaha kacay dal iyo dadba looga muquurto. Diiradda iyo seebka islama seegine si fiican ayuu inoo la dabbaashay.

Aan hanbalyayno jilayaasha kale ee xisbiyada iyo daneeyayaasha kale lahaa. Haa markii xiisaddu ay curatay dhinacyo kala duwan ayay sheekada ka joogsadeen. Baaqyo ayaa laga soo saaray. Shirar jaraa’id oo nac iyo naxliba cokanaa ayaa laga qaban-qaabiyay. Idinkana aan idiin qirno in aad maalmahan danbe naga aammusteen. Xukumimayno ‘baaddinkiinna’ bal se inta ‘daahirkiinna’ nooga muuqatay waa la idinka ammaan helay. Arrinkii arrin Guurti oo faro-gelintu ku yar tahay ayuu noqday. Iyaguna sidii ay ku cel-celiyeen in badan waa kuwaa maaro u helay.

Xaaji Cabdi Xuseen, Dhugad iyo dhammaan xildhibaannada Golaha Guurtidaba aan hanbalyaynno. Noqda kuwii aan shacbiga la kufin…noqda kuwii aan la kadeedmin…noqda kuwii aan la kadmin….noqda kuwii aan kadh-kadh la marin….noqda kuwii kaarkooda iyo xummaddoodaba qiyaasa ee hadba xiisadda ku aloosanta bakhtiiya.

Alleylehe xil ayaad naga furateen. Culays aannaan qaadi karayn ayaad naga dul qaaddeen. Salaaddiin baan isu yeedhan….Culimadii ayaan is-raadsan…indheer-garad baan isu baaqin….ganacsatadii ayaan baadi-goobka ku daalin….barbaartii ayaan baaqyo is-baafin……haweenkii ayaan hayaayda hagoogan….intaas iyo in kale oo badan oo aan soo gurman ayuu xilku idin solay oo aad ummaddan daallan furateen…Sow tii maah-maahda lagu heesay ee hore loo yidhi:

“Hadday caano daataan,

Dabadood la qabayaa.”

Maanta dhiilladu waa doorashooyinka baaqday. Waa kuwa waqtigoodii dhow yahay ee qaabka Golaha Guurtida loo soo dooranayaa ka kow tahay. Waa ta Golayaashii Degaanka ee muddo-dhaaftay ee u baahan in dib loo muddeeyo si xeradii iyo xeyndaabkii sharciyadda loogu soo noqdo. Waa doorashada ugu muhiimsan ee shacbiga noloshiisa si toos ah u taabanaysa. Horaa loo yidhi: “Haani gun ayay ka tolantaa.” In ay ka mudnaato mooyaane kama liidato ta Madaxtooyada iyo ta Golaha Wakiillada midna. Ajendaha ku darsada oo sharciyaddeeda dhakhso ha loo maareeyo.

Maanta waxa ay ahayd in aynu isu diyaarinno doorashada Golihii Degaanka ee 2aad. Meersiyo badan ayaynu toli lahayn. Gefaf badan oo aynu hore u soo gallay ayaynu sixi lahayn. Haatanna waxa aynu ku dhow nahay in aynu iskaba illowno doorashadii Golayaasha Degaanka oo doorasho-la’aantoodu wax caadiya iska noqoto. Bal ka warrama haddii ay doorashooyinkuba jidkaa wada qaadaan oo kuwii ay ahayd in la doorto oo ay xeerka dhowraanna inoo aamusaan innaguna inta guul qeyrkeen suntaday kaga gaabinno.

Ha daalina…..ha dakaamina…..daalaa-dhaca iyo deel-qaafba inaga ilaasha…..dedaalkiinnii hore wax ku dara….soo jeeda oo ha seexanina….safafka murmaya ha kala suntannina…..ha la kala soconina….ha u kala soconina…idinkana yaanay idiin kala socon…yaanay idinla kala socon….xil culus baad siddaane ha seexanina….ha salcaamina….sakalaha siyaasadeed…..dabinnada saynsaaban iyo surimmada cidhiidhyoon Ilaahay sibiq idin ku dhaafi

Aan kaga baxo tuduc Timacadde lahaa oo Golaha Guurtida mid ahaantiisa ugu idhaahdo:

 


“Xilka weyne ku saaranood,

Siddaan guul kugu siinnayoo,

Cadawgaa ma siraato oo,

Taladu kaama sal-guurta oo,

Arrimaa siddahoodana,

Ilaahay kuma seeja oo,

Sidaana waan ku duceeyay”

 

Qalinka:Boobe Yuusuf Ducaale
cankaabo@hotmail.com