|
Amir Adan oo Ah Wiil Soomaliya oo Xildhibaan Ka Noqday Dalka Sweden

Sweden (TNN) -Maanta oo bishu tahay 6 oktoobar waxa la furay
barlamanka Sweden. Wax a halkaas joogey Amir Adan oo ah Xildhibaan
loo doortay Barlamaanka Sweden.waa malin taarikhi ah.
Amir Adan ayaa doorashadii Baarlamaanka Sweden ka soo baxay Xisbiga
Muxafidka (Cons ervative party) oo noqday xildhibaan. Xisbiga
Muxaafidku waa Xisbiga Dawladda haya. Amir Adan oo dadiisu ay tahay
25 sanno ayaa ah Xildhibaankii ugu horeyey ee dhalinyaro ah oo
afrika asalkiisu yahay ah oo soo galay barlamaanka Sweden.
Arrintaasina waa mid guul ah oo lagu farxo.
Dhalinyarada Somalida ah,
Afrikaanka iyo ajnebiga kaleba ee ku nool Waddanka Sweden, w axa uu
Amir Adan u yahay tusalo fiican. Amir Adan siyaasada muddo badan
ayuu ku jirey. Waxa uu fadhiyey Golaha Deeganka ee Xaafadda Hasselby,
Ururka Dhallinyarada ee Xisbig ana Gudideeda ayuu ka mid ahaa.
Amir Adan waxa uu ku dhashay magalada Stockholm, Sweden. Abihii ayaa
ka yimi magaalad a Sheikh,
Somaliland. Amir Adan laba jeer ayuu
tegay Somaliland. Markii ugu dambeysay w axa uu tegay
sannadkii 2009. Waxa uu booqday, Magaalooyinka, Hargeysa, Berbera,
Sheikh iyo Burco. Hargeysana waxa uu kula kulmey Gudoomiyaha Golaha
Wakiilada Mudane Abdira hman M Abdillahi iyo madax kale.
Amir Adan aad ayuu ula dhacay horuumarka fiican ee Somaliland ka
socda marka la eego dhinaca nabada, dimuqraadiyada iyo
baayacmushtarka. Amir Adan waxa ku yiri ”waxa aan ku faraxsanahay
sidii fiicneyd ee ay doorashadii madaxweynaha u dhacday waxa aan
rajeynaya in horuumarka fiican ee ka socda Somaliland uu hore u sii
socdo. Amir Adan waxa uu ku talo jira in uu sannadka soo socda
booqasho ku tago Somaliland.,,
Eidarus adan
|
|