Marwada Koobad Ee Qaranka Somaliland Oo Kulan La Qaad atay Madaxda Hay’ada Ugu Weyn Mucawinooyinka Ireland Ee Concern World-wide.+Sawiro

 

 


Dublin (TNN):-Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Marwo Aamina Waris Sheekh Maxamuud Jirde, oo kamid ah Waftiga Madaxweynaha ee ku sugan dalka Ireland, ayaa kulan la qaadatay Madaxda ugu saraysa hay’ada ugu weyn waddanka Ireland ee Mucaawinooyinka dee qaha gaadhsiisa dalalka Afrika, taas oo loo yaqaan Concern World-wide Charity.

Marwada Madaxweynaha Somaliland, Marwo Aamina Waris waxaa xarunta Hay’ada ku qaabilay Guddoomiyaha hay’adaas, Dominic MacSorely iyo saraakiisha sarar sare ee Concern World-wide. Madaxda ugu sareeya Hay’ada Cincern ayaa sheegay in laamaha ururkooda ee Afrika ay ka shaq eeyaan qaybo kamid ah Gobolada Galbeed ee Waddanka Somaliland, gaar ahaan Gobolka Gabilay, isla markaana ay u qorshaysan tahay inay isbadal ku sameeyaan sidii Gobolada kale hay’addu u gaadhi lahayd.

Marwada Qaranka Somaliland, waxay u soo bandhigtay inay xooga saaraan Gobolada Bariga ee dalka sidii ay u gaadh siin lahayeen takulayn tooda. Sidoo kale waxay ka codsatay inay Xukuum adda Ireland ku dhiiriyaan sidii ay ugu soo biirilahayd waddamada ku midoobay Sanduuqa Horum arinta Somaliland ee loo yaqaan SDF. Waxayna Madaxda hay’adda Concern World-wide ballan qa deen inay baladhin doonaan mashriicda Somaliland. Hay’adan Concern World-wide ayaa ah mida ugu weyn dalka Ireland dhinaca mucaawinooyinka, waxayna wax ka qabata, Waxbarashada, Beeraha iyo Biyo Xidheenada.

Marwada Madaxweynaha Somaliland, waxaa kulankaas ku wehelinaayay Wasiirka Warfaafinta Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) La-taliyaha Madaxweynaha ee hay’adaha Caalamiga iyo kuwa Maxaliga Cabdifataax Siciid Axmed iyo La-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha Saxaafadda Khadar Xasan Cali Gaas.