Al-shabaab oo Sheegatay Masuuliyadda Qaraxyadii Dadka Badan ku Dhinteen ee La Beegsaday Somaliland

 

Kooxda Al-shabaab ee ka dagaallanta koonfurta Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka dambeeyeen weeraradii argagixiso ee Arbacadii lala beegsaday xurmo muhiim ah oo ku yaal caasimadda Somaliland ee Hargeysa, waxayna sidaa ku sheegeen cajalad fiidow 30 daqiiqo socotay oo ay ku baahiyeen boggaga ay ku leeyihiin internet-ka.

Sida ay goor dambe oo xalay ah baahiyeen telefiishannada Al-jazeera, Al-arabiya iyo SBC waxay kooxda Al-shabaab ku sheegeen cajalada in kooxda weerarkaa fulisay uu hoggaaminayey nin lagu magacaabo Cabdicasiis, looguna yeedho Sacad, isla markaana ay ka koobnaayeen toddoba qof oo dhallinyaro ah.

Iyada oo cajalada fiidowga ah laga arkayey muuqaalo dhallinyaro baabuur iyo qoryo ku tababaraysa, kuwaas oo ku dhawaaqayey erayo diini ah, isla markaana u digay waxay ugu yeedheen daba-dhilifka cadow islaamka ee gaalada, iyaga oo ku hanjabay inay weeraro is qarxin ah si isdaba joog ah ku qaadi doonaan waxay ugu yeedheen gaalada.


Canjaladan oo laga maqlayey codka qaar ka mid ah dadka is qarxiyey oo ku dhawaaqaya erayo dardaaran iyo guubaabo isugu jira oo ay u jeedinayaan muslimiinta. Waxa si gaar ah codkiisa loo maqlayey ninka ka muuqday muuqaalka cajalada ay Al-shabaab soo bandhigtay oo lagu magacaabo Cabdicaasiis (Sacad), kaas oo erayadiisa ka mid ahaayeen; “Magacaygu waa Sacad, waxaan ahay argagixiso, maxaad iga qaadi kartaa? Waxaannu doonaynaa in aannu u tagno oo aannu weeraro ku soo qaadno dad gaalo ah.”


Waxaannu ninkani ugu dambeyntii eraygiisii ugu dambeeyey ku jeediyey af Ingiriisi, isaga oo si guud uu cambaareeyey ciidammada Itoobiya iyo kuwa nabad-illaalinta ee ku sugan Soomaaliya iyo waxay ku sheegeen daba-dhilifyada la socda, waxaannu digay in ay weeraro is qarxin doonaan ilaa iyo inta cadowgu ka baxayo dhulka islaamka.


Cajaladan fiidiyowga ah ee Al-shabaab soo bandhigtay ayaa ka dambeeyey qaraxyo dad badani ku dhinteen oo ka dhacay oo Arbacadii Madaxtooyada Somaliland, safaaradda Itoobiya iyo xarunta hay’adda UNDP.


 

 



Jamhuuriya