Al-Qaacida oo cambaareysay dowladda Somalia

 


Baaq la sheegay inuu soo saaray ninka labaad ee ugu sareeya ururka al-Qaeda, Ayman Al-Zawahiri, ayaa waxa uu cambaareeyay dowladda cusub ee Somalia.

Baaqan oo ahaa fariin duuban ayaa la soo geliyay internet-ka. Waxaana lagu sheegay in Somalia laga dhisay dowlad fulineysa dalabaadka Mareykanka.

Hadalkan ayaa soo baxay kadib markii Madaxweynaha Somalia Shariif Shiikh Axmed uu ku laabtay magaalada Muqdisho. Ka hor inta aanu ku laaban Muqdisho 11 ka tirsanaa ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Africa oo u dhashay Burundi ayaa lagu dilay weerar bam oo is qarxin ah.

Isagoo ka hadlayay magaalada Muqdisho ayaa Madaxweyne Shariif uu cambaareeyay weerarka lagu qaaday AMISOM, isagoo sheegay in ciidamadu halkaasi u joogaan inay nabadda ilaaliyaan.

 



Source:BBC