ALLAYBADAY AYAA MAANTA WAXA KORMEER KU YIMID MADAXWAYNE KUXIGEENAK JSL AXMED YUUSUF YAASIIN

 

Waxa maanta kormeer ku yimid Magaalada Allaybaday Madaxwayne kuxigeenak JSL Axmed Yuusuf Yaasiin waxayna ujeedada Safarkiisu la xidhiidhay sidda uu sheegay Wacyigalinta Diwaangalinta, waxa kale oo uu soo maray goobtii uu ka dhacay dab baabiiyay Meherado ganacsi kuwaasi oo dhamaantood ku shufbeelay dabkaasi, halkaasi oo uu isaga oo indho-indheeyay baaxada uu khasaarahaasi ugaystay Guud ahaan maheradaasi ganacsi intaasi kadib waxa uu dib ugu soo laabtay khayriyada Allaybaday oo uu dadka kala hadlaayay, hadaba intii uuna halkaasi ka hadlin waxa hadal kooban ka jeediyay fagaarahaasi Gudoomiyaha Degmada Xasan Cabdi cali oo kawaramay guud ahaan xaalada Degmada iyo sidda ay tahay wakhtigan, waxa kale oo uu warbixin ka bixiyay dabkii dhawaan qabsaday Meherado Ganacsi oo gaadhaya 14 Meheradood oo uu ku sheegay Masiibo Qaran, waxa kale oo uu intaasi raaciyay oo uu ka hadlay wacyigalinta iyo sida ay Degmada Allaybaday ugu diyaargarowday,waxaanu sheegay in Cuqaasha, Odayaasha, culimo awdiinka iyo dhalinyarada ku dhaqan Degmada Allaybaday ay xilwayn iska saareen siddii ay dadka u fahansiin lahaayeen qiimaha Diwaangalintu leedahay isaga oo yidhi waxa aanu hawshaasi ugalay markii aanu waynay NGOyadii qaatay wacyigalinta oo aan Degmada Allaybaday kasoo Xaadirin, waxa kale oo uu ka codsaday M/wayne kuxigeenka Gaadiid booliska loo helo isaga oo yidhi waxa soo socda Doorashooyin isdaba jooga booliska degmaduna malaha wax gaadiida intaasi ayuu gudoomiyaha degmadu hadalkisii kusoo koobay.

Intaasi kadib waxa makarafoonkii lawareegay M/wayne ku xigeenka Axmed Yuusuf yaasiin waxaanu hadalkiisii ku bilaabay oo yidhi waxa aan soo aragkay dhibkii uu dabku ugaystay Magaalada waxaanan ka tacsiyaynayaa dadkii Maalkoodu ku baaba’ay goobtaasi wixii aanu idinkala qaban karnan waanu idinkala qaban,waxa kale oo uu yidhi waxa aan baryahanba waday wacyigalinta diwaangalinta arintaasi oo ah ayuu yidhi hawl Qaran,markaasi waxa mihiima in la qaato kaadhka muwaadinimada oo aan la’aantii laga qayb qaadan karin doorashooyinka soocoda,waxaanu yidhi dadwaynaha Degmada Allaybaday waxa aan aad ugu dhiirigalinayaa in ay ka qayb qaataan diwaangalinta,isaga oo yidhi waxa wax lagu qaybsan doonaa saamiyo oo degmo kasta waxa lagula xisaabtami doonaa inta iska diwaangalisa oo sinaanmaayaan degmada ay iska diwaangaliyaan 30.000 kun oo qof iyo tay iska iska diwaangaliyaan 2000 qof oo waxbaa lagu qaybsan hadii ay noqoto iskuulo,dhakhtaro iyo waxkastoo laqaybsanaayaba dib la isku dulmiyimaayo ee ku dadaalka diwaangalinta ayuu yidhi, isaga oo intaasi raaciyay 5 cisho ee hadhay fadhiga ka kaca ugu danbayntii waxa uu hadalkiisii kusoo afmeeray oo yidhi hala ilaaliyo Amaanka oo ah kaynu wax kasta ku gaadhnay.

Waxaa 2 cisho ka hor kormeer ku saabsan Diiwaangelinta iyo Masiibada dab ee ka dhacay magaalada Allaybaday wafdi culus oo hogaaminaayo Gudoomiya/xigeenka golaha wakiilada JSL Mudane Sh. Abdiasiis Mohamed Samaale.

 

 



Wariye: ISMAIL ABDI MUXUMED (Hilqad)