Alle ha u naxariistee Suldaan Cabdiramaxaan Sheekh Muxumed oo ahaa suldaanka guud ee Beelaha Jibril-abokor,sidoo kalena ahaa xildhibaan ka tirsan Golaha Guurtida,ayaa maanta si heer qaran ah loogu aasay xabaalaha Boqol-jire ee Magaalada Hargeysa

Suldaan Cabdiraxmaan Sh. Muxumed oo muddo dheer ahaa bukaan jiifay oo uu xannuun hayey,oo xalay geeriyooday, ayaa waxa aaska jinaasadiisa ka qeybgalay Madaxweyne-ku-xigeenka Md. Axmed Yuusuf Yaasiin,Shirguddoonada labada Gole Baarlamanka (Wakiillada iyo Guurtida),Guddoomiyayaasha iyo masuuliyiinta sare ee xisbiyada mucaaradka ah,xildhibaano ka kala tirsan labada gole, wasiiro, madaxdhaqameed fara badan, saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska iyo Milatariga iyo dadweyne aad u tiro badan.

 

Waxaana isla madashaa aaska kadib lagu caleemo-saaray Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan.

 

Madaxweyne-ku-xigeenka Md. Axmed Yuusuf Yaasiin oo isagu tukiyey salaadii lagu tukaday Marxuunka, ayaa hadal kooban oo uu halkaa ka jeediyey waxa uu tacsi u diray eheladii, qoyskii iyo guud ahaanba shacbiga Somaliland ee uu Marxuunku ka baxay. Waxaannu sheegay Md. Yaasiin in Suldaanku uu ahaa nin si weyn uga soo qayqaatay halgankii iyo horumarka Somaliland ee hadda.

“Suldaanku wuxuu ahaa addoon saalax ah oo aannu soo wadashaqaynay, waxaannu kaalin weyn ka soo qaatay horumarka dalka,” ayuu yidhi Madaxweyne-ku-xigeenku.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa isna sheegay in Suldaan Cabdiraxmaan uu ahaa nin taariikh weyn ku lahaa dalka Somaliland, waxaannu yidhi; “Wuxuu ahaa nin taariikh weyn ku lahaa Somaliland oo shakhsiyad weyn leh, wuxuu ahaa nin horumarka dalka si weyn uga soo qaybqaatay.”

Sidoo kale, Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo isna halkaa ka hadlay, ayaa sheegay in Marxuunku uu masuul ka ahaa baabiinta kaantarooladii dhallinyarada Somaliland waddooyinka dalka dhigteen markii dalka la soo galay.

“Wuxuu ahaa marxuunku raggii dalka dib-u-dhiskiisa ka qaybqaatay ee dhallinyaradii waddooyinka xidhatay ka qaaday, wuxuu ahaa mujaahid ka qaybgalay halgankii dalka lagu xorreeyey,” ayuu yidhi Eng. Faysal Cali.
 

 


 


Hadhwanaagnews.com