Aniga oo Adam Yusuf Caalin iyo Marwadaydaa Canab Amin iyo caruurtayda , Mustafe,Liban , Muhamed , Fosiya , Omar , Filsan , Ali iyo Ahmed waxan anagoo aad uga tiiraanyeysan Tacsi u dirayaan dadweynaha Gobolka Gabiley, guud ahaanba ummadda
Somaliland iyo gaar ahaan Qoyskii iyo ehelkii uu ka baxay Suldaan Cabdirahmaan Sheekh Muxumed oo ahaa Suldaankii guud ee gobolka iyo dagaamada Gabiley, ahaana Shakhsi kaalin waxtarnimo iyo taariikh dahabiya ku lahaa dalka Somaliland.

Suldaan oo ahaa xubin ka mid Golaha Guurtida maanta 11-12-08 ayaa si Qaranimo loogu aasay magaalda Hargeysa. Waxaananu Illahay uga Baryaynaa in u naxariisto Janada Fardawsana
ka waraabiyo.

 

 



Aamiin Aamiin Aamiin