Al-Islaax: Miyaad Is-lahayd Hargaysa Gudaheeda Ayaa Nin Mar eexaan ah Oo Madax-wayne doonaya Looga Ololayn?!!!


 


Nin baa laga sheegayay; ''laba walba isa saarayoo wali laba tagoogood isma saarin''! mid kalena waa kii lahaa; ''aduunyada nin nooloow maxaa aragti kuu laaban''! mid kalaa isna yidhi; ''ma anigaa waalan mise cadanbaa laga heesayaa''!...............Reer xamarka cad-cadka ahina afkooda iska-maga aliga ah waxay ku dhahaan; ''cimrigaagoo dheeraaday geel dhalaayana wuu ku tusaa''! Waxaasoo xigmad ahi waxa ay kusoo aroorayaan hal god oo ah, ''U-qaadan-waa anfariir leh''!

Intii madaxaygu saan lahaa wax badan ayaa jira oo i dhaygag galiyay oo iga yaabiyay, kuwaasoo aa n u kala qaybin karo qaar aan maqlay, arkay, akhriyay, daawaday ama maankaygaba ka soo maaxd ay oo inay suurto-gal noqon karaan aan laftarkayguba maleeyay! Waxase sheekadii ugu mucjisada badnayd ee aan abid maqlaa noqotay arin ka dhacday dhawaan dalka Somaliland caasimadiisa Hara gaysa! Arintaasi waa tee? waa shirka Siyaasadeed ee urur diimeedka magaciisa la yidhaa Al-islaax uu ku qabtay Hargaysa! Ururkan Al-islaax waa urur u ololeeya ninka u sharxan madaxawayne-nim ada Soomaaliya ee magaciisa la yidhaa; Dr Cabdiraxmaan Macalim Cabdilaahi '' Baadiyow''! Oo ah nin MAREEXAAN ah!

Taageerayaasha ugu waawayn ee ururka Al-islaax uu leeyahay maad taqaan cida ay yihiin? Waxa ay u badan yihiin dadkii godobta ka galay reer Somaliland! Miyaad ka war qabtaa in Col, Canjeex oo ah ninka lagu eedeeyo inuu ka danbeeyay Xasuuqii Jasiira (muqdisho 1989) ee lagu dilay 57- nin ee reer Somaliland, uu ka mid yahay raga rukunka u ah u ololeynta Dr Baadiyow (mareexaan) iyo wali ba Al-islaax!

*Halkan Hoose ka akhri kana daawo (You-tube).

https://www.youtube.com/watch?feature=player_embedded&v=eKwrnJ-BxdY

Aheey ah, Kama soo wareegin rubuc qarni maalmihii raxan-raxan ragooda xulka ah la isku xidhxidha yay ee dhegta dhiiga loo daray! Dharaarihii maatidooda iyo maxastooda diyaaradaha lagu garaaca yay! Maanta oo ay ahayd in waxii ay soo mudatay Hargaysi cadawgeedu ka caagaa oo uu ku soo dhiiran waayaa inuu yimaado iska daa inuu wax ka sameeyee, waadiga arkaya waxa ka soconaya! Waar dadkani (reer Somaliland) ma umul-baa ilowshiiyo dhawaa! Waar dadkan MAXAA KA SI AH! Walee waa yaab!
 

 

 


Dr. C/nuur Xaaji