Akhristow ‘Googaa” ?

 


Googaa macnahedu waa hab su’aaled dhaqankena ku jirayay oo loo adegsan jiray in halxidha ale la isugu gudbiyo.
marka qof hadalkiisa ku bilaabo “ Googaa,” waxa laga filan jiray inuu waydiimo soo wado. Intaa kadibna waxa loogu hadal celin jiray“Cigale”. Oo ay la socot jawaab looga celin jiray waydiima hisa, siday la noqoto qofka u jawaabaya.

aniguna sidoodi, bacda salaam akhritow maqaalka sheekadi koobani waa GOOGAA… ?
ee ku bilow hadalkaaga siday kula tahay jawaabtu CIGALE adigoo mahadsan……

GOOGAA… Xayawaanka waxa loo qaybiyaa, duur joog (wild animals ) iyo dad la joog ( domest ic animals ).Duur joogta waxa kamida dugaaga dad iyo xoolaba halis ku ah waxana ka mida .. Shabeelka, Marodiga iyo kuwa kale oo tiro badan, waxana ugu halis badan oo xataa lagu shee ga inuu boqor u yahay Libaaxa.

dad la joogta oo loo yaqaan duunyo’ waxa kamida Geela, Lo’da iyo Adhiga, waxa intaa soo raa ca kuwa dadkeeni hore u adegsan jiren gadid ahan, sida Fardaha, iyo dameeraha.waliba waxa ugu mudnaa looguna jeclaa xoolaha la dhaqdo Geela, oo ahaaba midka guurka lagu kala gudoo ma wiilku gayaankiisa gabadha uu ka calmaday ka bixin jiray, oo dadkeeni hore Dahab meher ah, iyo doolar dhaban ah shaqo kumay lahayn ee waxa la is dhaafsan jiray boqol halad iyo ba ar qabkoodii.waxa intaa soo raaca in geelu ahaaba midka magta lagu bixiyo oo malah maanta sii jirtaba.

hadaba si guud hadii loo eego noolaha naaslayda dhamaantii waxay ka simanyihiin marka ay d hashaan shayga u horeeya ee ay quutaan inuu yahay caanha Hoyadod.
oo ilaa inta ay ka gaadhayan ababka ( waqtiga ay cunto cuni karaan ) mid kastab cunto u go oniya ha yeeshee, waxa hubaal ah in marka hore laga simanyahay ku noolaanshaha Caanaha Hoyada. waliba loogama baahna inuu xoogsi tago. Oo soo dhacsado nolol maalmeedkisa. Ee wu xuu sugaa inta hoyadii u keenayso daray ah oo markaasun ay u godlatay.

hadaba sidaas oo ay tahay marxaladdaa nololeed ee noolaha yari ku nool yahay ma oga waxa hoyadii ku nooshahay. Oo war iyo wacaal kama hayo in hayadii caano cabto, caws cunto, ama cad cunto.markuu il iyo baal saaro wuu ku ordaa wuxuuna beegsadaa halka uu ka dhamayo ca anaha hoyadi oo ah naasaha

malaha wan ku dheeraaday sharaxa ee aan usoo daadago maqaalkayga sheekadan googaa.
waa sida ay tahayba’e xoolaha lama raaciyo Nirgaha, oo ah Geela dhashoda, Waylaha oo ah lo’da iyo maqasha oo ah adhiga dhalankooda ah. waxay inta badan joogan meel u dhaw xerad oda ama ardaaga reerka leh dunyadaasi. Waxayna ku sugaan waqtiga ay soo noqon doonan hooyoyinkod. duurjoog iyo dadla jogna way ka simanyihin midaasi. oo noolaha dibadgal ahi wu u qadhab tagaa isago ubadkisana uga sii taga meel uu ku ogyahay..

hadaba maalin aya waxa dhacday in libaax yar ( caga baruur ) oo aan wali ababin kalidina ah usoo dhaqaaqay meel ay joogaan, Nirgo, Waylo, iyo maqal.geed ka ag dhawaa goobta ay joog een ayuu iska hoos fadhiistay. Wuu daawaday isaa oo is waydiinaya waa maxay noolahani ?
wayo ? hooyadii iyo walaaladii cid aan ahayn muu arag mana maqal. Waxa arkay oo u yimid Ni rig kamida nirgihii meesha joogay oo arkayay Libaaxan yare e geedka hoo fadhiya kalidii, isna sidoo kalena layaabana ….. geedkii aya la wada fadhiistay in cabaar ah waa la sheekaystay
sheekadooda waxa ku jirtay caanaha ma cabtaa.? Iyo Haa….adna ma cabtaa … ? iyo sidoo kale haa… Kadib waa la kala socday oo Libaaxii yara wuxu dib ugu laabtay halkii uu ka yimid.
nirigiina sidoo kale goobtisii ayuu ku noqday. Laakiin wax balan ah lama kala qaadan. Ee is bar asho iyo malaha ciyaar caruured arintoodu may dhaafin. malintiibaana isugu horeysay isuguna danbaysay……. Oo Maxaa U sobobay in la isu soo xiisi waayo oo laisu soo noqon waayo…….waa yaab… BAL ADBA . …………

waxa dhacday in Nirigii yaraa Hoyadii uga sheekeeyay saaxiib cusub oo ay maanta is barteen astaamihiisii iyo siduu u eeka … hadiiba Hoyadii nirigu aqoonsatay ( waa Hashii dhashay niriga’ e ) wuxuu u sheegayaa inuu yahay dhal Libaax oo malaha ah cadawgoda koowaad ee aakhiro u diri kara.ayay booday hurdadii iyo daalkii aya ka duulay… waxayna ku dardaartay
oo ku tidhi…HOOYO:-

Meeshaa uu kuugu yimid dib ha u tagina adi iyo asxaabta kaleba.
saxiibkan aad soo baratay Abihii ayaa dilay Abahaa oo waliba cunay.
Waliba asxaabtaada waalidook iyo ehelkooda wuu laayay’ qaarkood wuuna cunay.
Isaguna wuxuu doonaya inuu ku dilo adiga iyo asxaabtaadan kale oo uu idin cuno.
( iyado ula jeeda,asxaabta kale , Waylaha iyo maqasha. ) Nirigii yaraa oo yaaban ayaa Hooyadii ku yidhi ‘” …. Ee Hoyo, cunto ma cuno ee caano ayuu cabaa hadii aad markii noo iman lahayd waxaan siin lahaaba caanahayga badhkood.

… yaab iyo amakaag kadib Nirigii yaraa wuu aqbalay taladii hooyadii,asxaabtiisii kalena wuu u sheegay iyaguna warkii way is gaadhsiiyeen xataa Hooyoyinkod ayay ula taggeen oo sidii niri ga hoyadii oo kale looga raariday arintii. waliba waxa la tusay lafihii Ehelkooda oo meelo yaala y, looguna sheegay wakaa markhaatigii…..

KA SOCO DHINICII LIBAAXII YARAA IYO HOYADII..maxaa kala qabsaday iyagana….

Libaaxii yaraa ( cago baruur ) isna hooyadii ( Gool ) ayuu uga waramay saxibkiisa cusub iyo ax saabtiisii kale oo noocyo badnayd aadna u qurux badnayd. goosha oo ah libaaxa yar Hoyadii, oo lagu xanto dabeecad xumo iyo cadho badan ayaa markuu warka u dhameeyay Ul u qaadat ay libaxii yaraa. xoogaa markii ay yar ciqaabtay ayay ku canaanatay in fursada uu dayacay a anay dib usoo mari doonin.

Waliba waxay xasuusisay maalin uu ku yidhi Hooyo caanuhu maanta macaana.waxay ku tidhi caanaha waxa macaaneeyay maalintaa inuu ahaa Hilibkii nirigaa ehelkooda oo ay maalintaa mid kazoo cuntay…. Cajiib. Libaaxii yaraa ayaa yidhi : lakin Hoyo maxaad u cuntay. Gooshina aya ku jawaabtay : wiilkayiiyow calafban ku lahaa’ oo fursadan aad daayacday oo kale ayaan ka fa’idaystay malintaa anigu………. Libaaxii yaraa wuxu hoyadii waydiiyay inay iyadu caano cabto, lkn waxay ugu jawaabtay in aanay caano cabin ee ay Dhiiga iyo Cadka saxiibkiis iyo Ehe lkiisu yahay noloshooda……Libaxii yaraa malinta wuxuu Ogaaday in saxiibkiis aanu dib u heli
doonin maadaama ay kala yihiin Kaaf iyo kala Dheeri……………..arinkoodeni wuxuu ku danbeey ey.

waatan nabadii durugtee
horta yaa isu keen diray
danbiga ayaa iska leh
yaa dabinadaa dhigay……..

oo wayo ?
Niriga iyo asxaabtiisaba noloshoodu waxay ku xidhan tahay Meel
barwaaqo ah oo caws, rays, dhir, iyo Biyoba leh. Taa badalkeeda .
Libaaxa yar noloshiisu waxay ku xidhantahay meel. Xoolo, ama ugaadh
leh’ oo meel Caws, rays, iyo dhirba leh uu gaajo ugu dhimanayo…..

…………… D H A M A A D …….. waad ku mahadsantahay waqtia aad siisay
akhriska sheekadan. ………………
 

wa bilaahi tawfiiq.


Mohamed Mohamud Ahmed ( M. Arts )
Gabiley Somaliland.
E-mail, maxamedarts1@gmail.com
Tel : + 252 63 4466498
Tel : + 252 65 9875050