UDUB:
“Kani Galbay, Ku kale Mooyee”
1. Hordhac:
Akhriste, weli ma aragtay ama ma maqashayba xisbi siyaasi ah oo
talada dalkiisa haya (xisbul-xaakim) isla markaana uu jiro Wasiir
Arrimo Dibadeed oo xisbigaa ka tirsan, oo haddana magacaaba xilka
Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee isla Xisbigaasi ?
Haddaba Xisbiga UDUB ayey arrintani ka suurto gashay, waana dhacdo
ku cusub saaxada iyo goleyaasha lagu gorfeeyo siyaasadda!
Arrintan waxa la odhan karaa waa ifa-faale lagaga sii saadaalin karo
in Xisbiga UDUB dhexdiisa ay durba ka bilaabantay dil-dillaac iyo
loollan awoodeed oo loogu kala dheeraynayo hoggaanka Xisbiga, haddii
lagaga adkaado doorashada madaxtooyada ee inagu soo fool leh. In
kasta oo dad badani ay aad uga dayrinayaan aayaha dambe ee
jiritaanka UDUB doorashada ka dib, haddana waxaa guud ahaanba la
isku raacsanyahay in ay jiraan calaamado tilmaamaya sida ay Xisbiga
UDUB dhexdiisa uga jirto herdan iyo loollan adag oo awoodeed oo
beelnimo iyo isbaahaysi salka ku haya. Waxa muuqata inuu Xisbiga
UDUB cagta saaray dariiqii bur-burka ee Xisbiyada Cunsuriga ahi
hortii mareen.
2. Taariikhda mugdiga ah ee Xisbiyada Cunsuriga ah:
Waxa ka jira Dalal badan oo dunida ka mid ah Xisbiyo xag jir ah ama
Cunsuri ah. Dalalka ay ka dhisan yihiin waxaa ka mid ah: Ingiriiska,
Holland, Belgium, Denmark, Switzerland, Austeria iwm. Xisbiyadan xag
jira ama cunsuriga ah (rightwing / extremist political parties) waxa
lagu yaqaannaa inay ka soo unkamaan salkana ku hayaan
caaddifad,colaad iyo nacayb fog oo ay u qabaan qaybo bulshadooda ka
mid ah. Waxayna si joogto ah ugu hawlan yihiin una faafiyaan olole
huwan naxli, nacayb, belo-carin iyo iska horkeenka bulshada iyo bah-wadaagta
nabadda ku wada nool. Haddaba, haddiiba ay dhacdo in Xisbiyadaa
xag-jirka ahi ay talada dalkaa ku guulaystaan ama ay kuraasba ku
yeeshaan goleyaasha sharci dejinta(parliament), waxay muddo aad u
kooban gudaheed ku guuldarraystaan inay la yimaaddaan nidaam iyo
qorshe wacan oo ay dalka ku hoggaaminayaan.
Xumaantii, xag-xagashadii, nacaybkii iyo hanjabaadii ayey halkii ka
sii wadaan maadaama ayna haynin bernaamij iyo qorshe siyaasadeed oo
ay bulshada ka iibin karaan. Marka xisbiyada cunsuriga ah lagu
yidhaa: “sidani idinka socon maysee la yimaadda caqli kale oo kan
dhaama”, inta ay qaylo iyo beer-laxawsi bulsho ku dhuftaan ayey
yidhaahdaan: “dalkeenu khatar buu ku jiraa, dalka waa la inaga
qaadayaa oo waa la inagu soo duulay, nabadgelyadii dadkeenna ayaa
halis ku jirta.”
Dabadeed waxa dhacda in bulshadu ay fahanto kana akhrisan weydo
qaabka ay wax u wadaan. Kooxdii dulmiga, xumaanta iyo xiqdiga
heshiiska ku ahayd ayaa iyagu iska hor yimaadda oo midba ka kale
farta ku fiiqaa oo ceebayn iyo canbaarayn dusha uga tuuraa.
Hubkii sunta ahaa ee xagga dibedda ku jeeday ayaa xisbiga gudihiisa
ka qarxa oo lagu bur-buriyaa. Xumaantii, naxligii, nacaybkii iyo
belo-carintii uu Xisbiga Cunsuriga ahi ku dhisnaa ayuunbaa marka
dambe isaga dib u bur-burisa. Sidaas ayeyna u gaaban tahay sooyaalka
taariikhda mugdiga ah ee Xisbiyada ku salaysan nacaybka iyo
cunsurinimadu.
Haddaba;
• Wacnaan lahaydaa inuu Xisbiga UDUB sooyaalka taariikhda dahabka ah
ku galo inuu ahaa hooyadii dimuqraadiyadda iyo hannaanka xisbiyada
badan ee dalka Somaliland!
• Wacnaan lahaydaa in Xisbiga UDUB laga dhaxlo qorshe iyo raad-raac
siyaasadeed oo qarniyada soo socda loo aayo waxna laga dheegto!
• Wacnaan lahaydaa in Xisbiga UDUB uu noqon lahaa barta lagu
barbaariyo laguna kobciyo fikirka, aragtida siyaasiga ah iyo qaabka
hoggaamineed ee da’yarta jiilalka/faca soo socda!
• Wacnaan lahaydaa in Xisbiga UDUB taajkii dahabka ahaa iyo
sharaftii ummadda Somaliland huwisay uu xurmeeyo, qadariyo, aanu ka
abaal ka dhicin!
• Wacnaan lahaydaa in Xisbiga UDUB uu ka midho dhaliyo himiladii iyo
hammigii uu ka lahaa Marxuumkii aasaasay M.X.Ibraahim Cigaal (AHUN),
taasoo ahayd ictiraaf iyo aqoonsi caalamiya oo ay Somaliland hesho!
Nasiib darro ma ay dhicin arrimahan kor ku xusani oo dhammi.
Waqti seegay, fursad soo maartay oo aanu UDUB ka faa’iidaysan dheh!
Siddeedii sanadood ee ay xilka dalka hayeen, Wanaag iyo Xumaan
markay u gudboonaadeen, UDUB dariiqa xun ayey ka doorbideen.
Xil gudasho la’aan, xumaanta oo la alooso, xiqdi iyo nacayb la
abuuro, bulshada oo la iska horkeeno, xadhig iyo xadgudub aan xaq
ahayn, Musuq-maasuq, Xoolo urursi iyo hantidii danta guud oo la
Xaraasho, Xeerka iyo sharciga oo la dacal maro, Xukuumad aan
xilkeeda gudan oo intaa xumaanta uun u heellan,
• Xisbi uu hormuud u yahay ma Xaqsoore iyo Madaxweyne aan xeerka
daryeelin oo xaqiraadda dadkiisa cidnaba uga horrayn!
• Dira-diraaga qabiilka iyo ku danaysiga danlaydana Madaxweyne u
sita digrii aad u sarreeya.
• Denta beesha caalamku, Madaxweyne aanay ahayn dantiisa, oo Dubai
iyo degello kaleba ka jeexday daaro dhaadheer.
• Madaxweyne lagu hongoobay oo diiddan horumarka dalka, ku yidhaahda
hawshiinna maaha oo ka hinaasa ciddii la timaadda himilooyin wacan!
• Madaxweyne dadka uu codka ka doonayo kala masuugay inuu si
saraaxad leh u horyimaaddo oo mar kale i doorta yidhaahdo.
• Madaxweyne mugdi iyo makeeki geliyey 18-ka May iyo taariikhdii
mudnayd.
• Madaxweyne aan xilkas ahayn oo aysan dhibayn xumaanta ay wadaan
kuwii umaddan xilka u qaaday iyo xaynta wasiiradiisa ee boobay
hantidii ummadda.
• Madaxweyne wanaaggii iyo sharaftii ummaddu huwisay ku bedelay
xumaan iyo danta guud oo uu xannibo!
• Xisbiga UDUB iyo Xukuumaddiisu xumaanta ay haatan wadaan:
Kaadhadhka oo la xado, Guddida doorashooyinka oo la xag-xagto,
markii la rabana la iska xidh-xidho.
Xisbi iyo xukuumad ku guul darraystay taladii iyo hoggaankii dalka,
xisbi iyo xukuumad la ambaday masuuliyaddii loo igmaday, inuu
haddana 8 sano ka dib yidhaahdo cod baan ka doonayaa bulshada
Somaliland waa arrin gef, ceeb iyo maangadba ku ah mustaqbalka iyo
aayaha dambe ee bulshada reer Somaliland.
In mar kale la doorto Xisbi iyo Xukuumad sidaas ah, waa arrin
muuqaal qaldan ka bixinaysa macnaha dawladnimo, milgaha iyo
habdhaqanka ummadnimo, himilooyinka ay ummaddu hiigsanayso iyo
sumcadda ay Somaliland bulshada caalamka ku leedahay.
3. Yaa inkaaro ummadda ka galabsaday?
Kuwa haatan ummaddii ay hagradeen ee ay hantidooda boobeen, cod kaga
raadinaya hebel iyo hebel baa marxuum Cigaal ka hor yimid oo
inkaartiisii ayaa ku dhacday, waxaan ku odhan lahaa:
Cigaal (AHUN) wuxuu ahaa geesi ummaddiisa qiimo ku leh, dhaxal
aayatiin wacan leh oo lagu xasuustona uga tagay. Wuxuu ahaa shaqsi
fikirkiisa laga hor iman karo ama loo hoggaansami karo. Ragga ay
marxuum Cigaal kala aragtida duwanaayeena, ma aha dembi inay
fikirkooda iyo sida ay wax u arkayeenba cabbiraan.
Maxaad adigu taariikhda ku gelaysaa ee lagugu xasuusan doonaa?
Weli ma garwaaqsatay in Xisbiga Cunsuriga ah ee aad ka mid tahay
UDUB uu waqtigiisii dhammaaday oo aad limiseen kalsoonidii iyo
karaamadii umadda?
Adiga iyo xukuumaddaadu waxaad dacal marteen diintii, dastuurkii
dalka u yaallay oo aad ku tumateen iyo dadweynihii oo aad
khaayinteen.
Markaa inkaaraha aad galabsateen aakhiro iyo adduunkaba intee ayey
baaxad le’eg yihiin?????
4. Naqdi caadifadaysan:
Guntii iyo gebo-gabadii, ragga ku caan baxay xinka iyo xag-xagashada
Xisbiyada qaranka, isku daya inay naqdiyaan barnaamijka siyaasadeed
ee Xisbiyada mucaaridka ah waxaan ku odhan lahaa: “Siyaasaddu Geddaa
Maaha”.
Iyaga oo ka tirsan xisbi fadhiid ah (UDUB) oo aan lahayn gole dhexe,
guddi fulineed, barnaamij siyaasadeed iyo qorshe cad oo wax qabad;
waxaa habboonaan lahayd inay marka hore dhalliilahooda ay dersaan,
dabadeedna ay la doodaan Xisbiyada mucaaridka ah ee si rasmi ah u
taabbo galay, dalka iyo dadkana uga lexe-jeclo badan Xisbigaa
Cunsuriga aah
Dabcan, wax waa la naqdiyi karaa ama la dhalliili karaa, balse waa
ceeb haddii ay arrintu noqoto xiqdi, xumo ku naax iyo ayaan lagaa
qaylo dheeraan: Xaashee nin libin kaa xisdiyey xumihii waa yaab.
Wa Billaahi Tawfiiq
Guul,Horumar iyo isbeddel Khayr leh oo dalka Somaliland ka dhaca
By: Architectural-Eng. Hussein Adan Igeh (Hussein Deyr) |UK &
Holland|
|