Akhriso qisadan cajiibka ah ee ku Saabsan wiilka Madaxw eyne hore Axmed Siilanyo ee Kulmiye Axmed Siilanyo ,muddadii aabihii ahaa Madaxweynaha Somaliland!

 


Xusuus hore...Muddo aan ku qiyaasayo sanadkii 2013-kii, ayaa maalin waxaa madaarka ka dhoofayey Kulmiye Axm ed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ,oo ah ninkan dhaliyarada ah ee aad sawirkiisa aragtaan, anna waxaan ka shaqa ynayey madaarka Egal International Airport, weliba qaybta protocol madaarka oo ay maraan dadka madaxda ahi.

Kulmiye waxaa ku socday dalka Kenya, isaga oo uga sii gudbiyayey Suudaan oo uu shaqo ka hayey sida uu ii sheeg ay, weliba shaqo United Nations ah.Isaga oo ila jooga oo dadkii madaarka keenayna ay ka tageen ama ka noqdeen ayaa na loo sheegay in ay diyaaradii baaqatay uu raaci lahaa Kulmiye iyo dad kaleba.Waxaa uu iga codsaday in aa n qaado oo magaaladii ku celiyo mar hadii ay diyaaradii baaqatay, shaqadii baan ka soo fasax qaatay oo waan soo qaaday, jidka markii aanu soo soconay buu igu yidhi telefoon ii garaac si askarta madaxtooyada loogu sheego in ay ina soo daayaan waayo ima garanaya askartu.Ka dibna waan yaabay waxaan is idhi sidee Kulmiye oo madaxweynih ii qaranku dhalay aan madaxyooyadii looga garanayn!!!!!

Su'aashii baan weydiiyey oo aan ku idhi miyaan askarta iyo hawlwadeenada madaxtooyadu aanay ku garanayn?
Waxaa uu igu jawaabay ima garanayaanoo dalka waxaan u imadaa in aan sii arko aabo iyo hooyo wax kalena dalka uma imaado, intaa yar ee aan dalka joogona waan is qariyaa si aan loo odhan ina Axmed Siilaanyo ayaa halkan ma rayey, sababtaas baan askarta iyo cid kale toona ii garanayn oo madaxtooyada ka shaqeeyaa aanay ii aqoon.

Telefoonkii buu xaafadii kula hadlay oo codsaday in askarta lagu balamiyo si loo soo daayo, askartii laguma odhan Kulmiye Siilaanyo soo daaya, balse waxaa lagu yidhi labada nin ee gaadhiga noocaas ah wata soo daaya, markii aa nu albaabkii isa soo taagnayna gaadhigii iyo labadayadiiba waa nala baadhay, markii askarta na baadhaysay ma ay garanayn in uu ina Siilaanyo yahay.Ninkii Kulmiye sawirkiisa ayaan maanta arkay, ka dibna waxaan xasuustay dhac dadii 2013-kii.

 



Qalinkii:Cabdilaahi Axmed Caarshe