Akhriska iyo aqoonta casriga ah
Haddii aad eegto bogga 188-aad ee dhiganihii ku magac-dheeraaday
”Nabaaddiino: Suugaanta Soomaalida ee Xuquuqda Aadanaha” uuna qoray
qoraaga caanka ah mudane Xa san Cabdi Madar, waxay markaaba
indhahaagu qaban doonaan beydad ku jira maanso magac eedu “Dhacsi”
yahay oo uu tiriyey abwaan la yidhaahdo Cabdiraxmaan Nuur.
Beydadkaasi waa:
Qalinkoo la dhuuxaa,
Dhaqashiyo tacabloo,
Wax kastaba dhudhumiyoo,
Dheemman lagu islaaxshaa.
Waan run oo in aanu qalinku ciyaar-ciyaar ahayn maanta waynu wada
garanaynaa. Aqoonta waxa lagaga bogtaa qalinka oo u taagan qoraal
kasta oo faa’iido leh iyo akhris. Wax kasta oo cilmi ah afkeenana ku
qoran haddii aynu waxtarka ku jira akhris iyo faham kula soo baxno,
isla markaasna aqoonta iyo macluumaadka kale ee faa’iidada leh
afafka kalena ku qoran aynu dhu uxno dadkeenana la wadaagno waa
arrin fiican oo wax-ku-ool ah.
Qof kastaa inta uu akhriyo uun buu yaqaanaa. Sidaa darteed waxa
lagama-maarmaan ah in ay dadkeennu horta akhriska xoogga saaraan.
Marka wax badan la akhriyo uun baa qiimaha aqoonta la dareemaa.
Marka wax badan la akhriyo ayaa qoraal ama halabuur cusub kolba kii
la doono lagu dhiirran karaa.
Dood beri dhexdaas ahayd socotay ayeynu qoraalyarida dadkeenna kaga
hadalnay. Markaa arrintu qoraalka uun ma aha ee akhriskuna waa la
mid. Afaf kale ha inoo dambeeyaane, dhiga naasha tirada yar ee
maanta maktabadaheenna yaalla afka soomaaligana ku qoran dad aad u
tiro yar baa marmar akhriya. Halkaa waxa markaa ka muuqda gaabis loo
baahan yahay in ayn u wax ka beddelno.
In kasta oo xaqiiqadaas aynu soo sheegnay ay jirto, haddana
dadkeenna oo keliya uun akhris ku kuma yara ee bulshooyin kale oo
aynu isku dhowdhownahay ayaa jira. Maqaal sannadkii ho re
dhammaadkiisii lagu qoray wargeyska Gulf News boggiisa internet-ka
ayaa waxa meel laga ga xusay xog laga soo xigtay tirakoob guud oo uu
ururka Qarammada Midoobay soo saaray. Xogtaas waxa lagu sheegay in
celcelis ahaan muwaaddiniinta carabta ah ee Bariga Dhexe ku nooli ay
akhriyaan ugu dhowaan afar bog oo qoraal ah sannadkii, halka dadka
caadiga ah ee Maraykanka iyo Ingiriiska u kala dhashay ay sannadkii
ka kala akhriyaan 11 iyo 8 buug sida ay u kala horreeyaan. Haddii ay
sidaas tahay waa arrin cajiib ah!
Ummaduhu, sida jirta, waa ay kala cilmi badan yihiin. Laakiin waxa
aan haddana gar ahayn bulshadeenna oo nolosha magaalo, hababka
casriga ah ee aqoonta loo kasbado iyo dhaqanka dawladnimoba ay ku
cusub yihiin in la barbardhigo ummado intaba kaga horreeya oo
qarniyo soo tamariyey. Iyada oo ay sidaas tahay ayey haddana muhiim
tahay in isbeddellada socda fiiro loo yeesho kolba intii la karana
la dadaalo. Haddii kale dib baa loo dhacayaa, ama halka maanta la
joogo ayaa lagu dhagaxoobayaa.
Haddii aynu u fiirsanno isbeddellada xilligan waxa inoo soo baxaysa
arrin ah in ay dadkeennu magaalooyinka aad u soo gelayaan, miyigiina
ay aad uga soo socdaan. Lama diiddana in ay d adku magaalooyinka
dalalkooda yimaaddaan, oo taa xaq bay u leeyihiin. Laakiin runtii
dadkee nna badankoodu aqoon ama xirfado kala duwan ma laha, dhaqaale
kalena ma jiro. Sidaa darte ed mustaqbalka marka magaalooyinka la
isugu wada yimaaddo waxa dadka ku adkaan doonta nolosha magaalo,
waayo waxaanay lahayn aqoontii ama xirfadihii magaalooyinka waaweyn
la gaga hawlgeli lahaa. Markaa waxa habboon inta goori goor tahay in
waqtiga laga faa’iidaysto, lagana sii fikiro sidii timaaddada
isbeddel kasta oo soo kordha loola jaanqaadi lahaa.
Akhrisku waa waxa lagu kala garto cidda doonaysa in ay wax kororsato
oo ay waqtigeeda ka faa’iidaysato iyo cidda kale. Laakiin maanta
waxa loo baahan yahay aqoon casri ah. Looma baahna in wax loo barto
sidii hore ee ahayd in wax la qaybo waqti yar kadibna la iska
illaawo. Waxa loo baahan yahay habab cusub oo waxbarasho iyo aqoon
fikirka toosinaya, hibooyinka qarsoonna soo ifbixin kara. Waxa loo
baahan yahay aqoon shaqaynaysa oo isku xidhi karta qofka iyo nolosha
dhabta ah.
Dadkeennu, gaar ahaan ardaydu, runtii waa dad fiican oo firfircoon.
Waxa fiican in ay aqoon tayo leh helaan, haddii kale waa ay
qayilayaan ama meelahaas ayey macnadarro la taagtaagnaanayaan. In
Washington, London, Jiddah, Sanca, Qaahira iyo meelo kale oo
shisheeye had iyo jeer looga sheekeeyo iyada oo manhajyo qalaad
duudduubka lagu qaadanayo waxa uga door roon in dalkooda iyo
xaaladaha nololeed ee uu berri-ka-maalin wajihi doono wax laga
fahamsiiyo.
Manhajyada ummadaha kale wax badan oo faa’iido leh waa laga qaadan
karaa, laakiin waxa aynu ardaydeenna baraynaa waa in uu noqdaa wax
ay shaqo ahaan ku hawlgeli karaan. Intaa ka dib, in akhriska iyo
waxcurinta la dhiirri-geliyo lana barbar wado barashada ayaa iyaduna
ah arrin fiican oo midhodhal noqon karta. Qof beri shahaado qaatay
oo meel walba faan la taagan waxa ka khayr badan mid dhiggiisa ah oo
wax akhriya oo maalin walba wax cusub kororsanaya.
Dadkeennu maanta waxay baahi weyn u qabaan aqoon, horumar iyo
waxsoosaar. Si ay intaas oo dhan u helaan una barwaaqoobaan waa in
ay wax fiican akhriyaan. Biyo sacabbada ayaa laga dhergaa, aqoonna
akhris ayaa lagaga bogtaa.
Axmed Iid
Aadan
ahmediid@hotmail.com |
|