Agoomaha
iyo Naafada Ciidanka Qaranka oo Banaan-bax samee yey, eeddo kululna
u jeediyey Xukuumada Somaliland
Hargeisa (TNN) Qaar ka mida ah Mujaahidiinta , Agoomiha SNM iyo
Naafada Ciidanka Qaranka ee ku dh aqan Magaalada Hargeisa ayaa
shaaca ka qaaday in aanay marnaba aqbali doonin Qorshaha ay
Xuku umada Somaliland kaga Reebtay Mushahar kordhinta ay u samaysay
Ciidamada iyo shaqaale weynaha kale ee dalka,isla markaana ay ka
dhiidhiyi doonaan talabadaasi ay Xukuumadu kula kacday,taasoo sida
ay sheegeen ula muuqata Arxan daro kaga timi Ragii Hogaaminayey
wakhtigii halganka ee iyaga oo dhaawaca kaga tagay Halka ay Maanta
joogaan,kuwaasoo ay ku eedeeyeen in ay abaal uga dhigeen inay
Xaqooda duudsiyaan markii ay talada dalka mar kale gacanta ee ay
codkooda ku soo saareen.
Mujaahidiintan iyo Hooyooyinka Agoomaha ah ee SNM oo ay weheliyaan
Qaar ka mida ah Naafada Ciid anka Qaranka Somaliland oo Maanta
banana bax ka hor sameeyey Xarunta Wasaaradda Gaashaandh iga
Somaliland ee Magaalada Hargeisa waxay sidoo kale Xukuumada
Siilaanyo ku Canaanteen,sida ay indhaha uga xidhatay Duruufaha
qalafsan ee shacabka la soo darsay Mudaddii koobanayd ee ay dalka ka
taalinaysay oo ay ugu weynyihiin dhaqaale Xumada iyo Sixirbararka
baahsan ee Bulshada ku habsa day,Sida uu sheegay Mid ka mida
Naafada Ciidanka Qaranka Somaliland oo markii ay banan baxa
samaa ymayeen Warbaahinta la hadlay. “ Bahalka Diibka la yidhaahdaa
Masa-cagalayda Ma cuno, bakaylaha Ma Cuno,waraabaha ma Cuno oo
Harimacadka ma Cuno,laakiin intii Xukuumada Cusubi dhalatay ayaa
intaba la cunay Baahi Awgeed,markaa iyadoo dadkii bakhtiyayaan ayaa
annagana taan naluugu daray”.
Muj:C/lahi Aabi oo ka mid ahaa mujaahidiintii SNM ee waxyeeladu ka
soo gaadhay Dagaalkii Hubaysnaa ee ay kula jireen Taliskii Siyaad
barre oo isaguna Mujaahidiinta Maanta Cabashada la hortegay
wasaar adda Gaashaandhiga ku jiray ayaa si kulul ugu eedeeyey
Masuuliyiinta ugu saraysa Xukuumada Gaar ahaan Madaxweynaha iyo
Hogaanka sare ee Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye,kuwaasoo oo uu
shee gay inay ahaayeen Hogaankoodii SNM ee xiligii
Halganka,islamarkaanaa markii ay dalka xoreeyeen iyaga oo dhaawaca
ay kaga dhaqaaqeen cidla,hadana markii ay talada dalka dib ugu soo
celiyeen ee ay cod ku soo saareen ay talaabadaasi Araxan darada ah
ugu abaal gudeen,waxaanu yidhi isagoo arintaasi ka hadlaya. “nimanka
hada dalka taladiisa la wareegay waxay ahaayeen hogaankayagii
SNM,waxaanay markii dalka la xoreeyey nagaga dhaqaaqeen halka aan
maanta joogno,annagoo dhaawac ah,markii aanu taladii dalka maanta
faryada ugu soo celinayna waxay Abaal nooga dhigeen,inay yidhaahdaan
Mushaharka loo kordhin maayo oo dhegahayaga ku soo dhacay,waxaanu ka
yeelaynana maaha”.
Qaar kaa mida ah Hooyooyinka Agoomaha Haysta ee Mujaahidiintii SNM
iyo Ciidanka Qaranka ayaa sid oo kale Xukuumada ku
dhaleeceeyey talabadan ay ku kacday Mushahr kordhin
la,aanta,waxaanau Mad axweynaha iyo Wasiirka Maaliyada ka
Codsadeen inay Go,aankaasi ka noqodaan oo Mushaharka loo ko
rdhiyo,sida shaqaalaha iyo Ciidamada kale ee dalkaba loogu kordhiyey.
Cabashadan muj: Agoomaha iyo Naafada Qaranka ayaa ku soo beegmaysa
Xili wasaaradda Maaliyadu ku mashquulsantahay diyaarinta
Miisaaniyada Qaranka ee sanadka 2011 oo ay ku jirto mushahar
kord hinta shaqaalaha iyo Ciidamada dawlada Somaliland,mana jirto
wax Jawaab ah oo ilaa hadda ay Xuku umadu ka bixisay banana
baxan ay ku dhaqaaqeen Muj, Agoomaha iyo Naafada Ciidamada Qaranka
Somaliland.
Source:Waaheen
|