Agaasimhii Hore Ee
Khaarajiga Oo Markii Uu Ogaaday In Shaqada Laga Eryayo Miciinsaday
Is-Casilaad, Lana Sheegay In Xayiraad Laga Saaray Inuu Dalka Ka Baxo
Inta Baadhistu Socoto

Hargeysa, (TNN) – Agaasimihii hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda
Maxamuud Raage Ibraah im ee isagu Isniintii Todobaadkan ku
dhawaaqay inuu shaqadaas iska casilay, ayaa la sheegay in war qada
Erigiisu ay miiska saarnayd, markii uu ogaaday in la eryeyo-na si
dagdg ah ugu dhawaaqay in uu shaqadaas iska casilay.
Ilo Wareedo lagu kalsoon yahay ayaa Wargeyska Haatuf u sheegay in
Mr. Raage uu ku
haftay shaq adaas, taasinay ay keentay in Madaxda ka saraysa
ee Wasaaradaasi ay saluugeen hanaankiisa sh aqo, isla markaana
keentay inuu cadaawad u qaado Wasiirka Khaarajiga iyo
Wasiiruldawlaha Dr. Ma xamed C/laahi Cumar iyo Dr. Maxamed Rashiid
Sheekh Xasan.
Ogaanshaha uu ka war helay in shaqada laga eryeyo ayaa keentay inuu
Maxamuud Raage Ibraahin Aflagaado iyo weeraro qaawan kula galgasho
Wasiirada Khaarjiga iyo Madaxtooyada Dr. Maxamed C/laahi Cumar iyo
Xirsi Xaaji Cali Xasan, kaas oo ku eedeeyey musuqmaasuq iyo awooda
dawladda oo ay si khaldan u isticmaalaan.
Xogo kale oo Wargeyska Haatuf helay ayaa tibaaxay in
hanti-dhawrka guud amar ku bixiyey in
ina anu agaasimihii hore ee arimaha dibadda Maxamuud Raage
aanu dalka bixin inta baadhitaanka han
ti-dhawrku ka wado Wasaaradda Khaarajigu uu dhamaanayo.
sidoo kale Agaasimihii hore ee Arrimaha dibadda ayaa isagu ka mid
ahaa Qurbo jooga Somaliland ee deganaa dal UK, kaas oo markiisii
hore ka haajiray kuna noolaa Koombkii Sabalaale ee koonfurta dal ka
Somalia, ayaa mudadii koobnayd ee uu xilka ka hayey Dawladda
Madaxwayne Siilaanyo la sheeg ay inuu ku haftay inuu guto
waajibaadkiisa shaqo ee uu qaranka u hayey.
Dhinaca kale mar aanu xalay khadka tilifoonka kula xidhiidhnay
Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka Ma xamuud Dheer si aanu wax uga
waydiino arinta la xidhiidha eedaha Agaasimahaasi u soo jeediyey
labada wasiir ee Madxtooyadda iyo Khaarajiga ayaa ka cudurdaartay
inuu ka hordhaco baadhista ay ka wadaan Wasaaraddaas, balana qaaday
inuu badka soo dhigi doonaan cidii wal oo wax lunsatay.
Source:Haatuf
|