Agaasimaha Warfaafinta iyo Maareeyaha TV Qaranka oo ka war bixiyay
heshiisyo ay Wasaaraddu gashay

Maareeyaha TV-ga qaranka Md Khadar Cali Gaas ayaa maanta si wada jir
ah uga warbixiyey arrimo ku saabsan...........
Hargeysa (TNN) -Agaasimaha Guud ee wasaaradda warfaafinta,
Wacyigelinta iyo dhaqanka Md Cabdirashiid Jibriil Yuusuf iyo
Maareeyaha TV-ga qaranka Md Khadar Cali Gaas ayaa maanta si wada jir
ah uga warbixiyey arrimo ku saabsan heshiisyo ay wasaaraddu kula
jirtay Shirkado kale oo qaarkood dib u eegis lagu sameeyey iyo
talaabooyin horumar ah oo loo qaaday dhinacyada baahinta Tv-ga iyo
Idaacadda.
Maareeyaha Tv-ga Qaranka Md Khadar Cali Gaas ayaa ka warbixiyey
waxqabadkii TV-ga Qaranka ee mudadii uu xafiiska joogay, waxana uu
tilmaamay in la tayeeyey dib u habayna lagu sameeyey barnaamijyada
TV-ga , halka sidoo kalena lagu soo kordhiyey labo Studio oo cusub
oo laga kala furayo dhowaan dalalka Sweden iyo Maraykanka, kuwaasoo
loo dhamaystiray qalabkoodii.
Md. Gaas waxa uu caddeeyey in ay joojiyeen heshiiskii hore ee
shirkadda TAICOM oo lacag aad u badan oo qarankani awood u lahayn ay
ku bixi jirtay, isla markaana ay heshiiskii cusboonaysiiyeen ka dib
markii wax ka bedel lagu sameeyey lagana saaray gacan sadexaad oo ku
dhex jirtay, taasina ay keentay in waddanka ay u badbaado lacag
badan oo heshiiskaa hore ku bixi jirtay.
Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta Somaliland Md Cabdirashiid
Jibriil Yuusuf ayaa isaguna ka hadlay talaabooyin ay u qaadeen
dhinacyada isku xidhka waaxyaha wasaaradda iyo shaqaalaheeda.
Md Jibriil waxa uu sheegay in si guud loo tayeeyay dhamaan baahinta
ka baxda Idaacadda iyo Television-ka Qaranka, kulamo xidhiidh ahna
ay la yeesheen shaqaalaha si loo dardargeliyo shaqada ay wasaaraddu
u xilsaaran tahay.
Agaasimaha guud waxa kale oo uu tilmaamay in isku xidhka shaqaalaha
ka sokow wada shaqayn iyo isku xidhnaan laga sameeyey qaybaha laydh
tiriiga iyo internetka ee wasaaradda.
Timacade News Desk
Hargeysa ,Somaliland
|