Agaasimaha Guud ee Wasaarada Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda oo Maanta Xilkii la Wareegay.

 


Agaasimihii hore ee Wasaaradda Kalluumaysiga Cabdiraxmaan Cawil Xasan madasha

Hargeisa (TNN)-Wasiirka Wasaarada Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda C/laahi cismaan Jaa mac (Geeljire) ayaa Xilkii u kala Wareejiyay Agaasimaha Cusub ee Wasaarada Maxamed Cilmi Aadan iyo Agaasimihii hore ee Wasaarada C/raxmaan Cawil Xasan.


Munaasabada Xilwareejinta labada Agaasimaha oo Maanta lagu Qabtay Hotel Summer Time ee Maga alada Hargeisa ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasiirka Wasaarada Kaluumaysiga iyo Kh ayraadka Badda C/laahi cismaan Jaamac (Geeljire), Agaasimaha Guud ee Wasaarada Ganacsi ga iyo Warshad aha Abiib Axmed cali, Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada, Salaadiin,Badhasaab-ku-xigeenka ahna ku-simaha Badhasaabka Madoori-jeex, Guddoomiyaha Gobolka Saaxil Saraak iil ka Tirsan madaxtooyada iyo Marti sharaf u Badan Shaqaalaha Hay’adaha Madaxa banana.

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka mid ahaa masuuliyiinta ka qaybgashay xil-wareejinta ayaa amma anay waxqabadka uu ka tagay agaasimaha hore oo uu sheegay inuu isagu ka markhaati kacayo.

“Waxaan ogahay, qarankuna ogyahay oo taariikhduna ka markhaati-kacaysaa waxqabadka wanaag san aad baan ugu ammaanayaa, waxaan leeyahay Cabdiraxmaan shaqo kamaad tagin laakiin taarii kh baad dhigatay. Waxa kale oo leeyahay Agaasimaha cusub in Ilaahay u fududee yo inuu wasaara dda gaadhsiiyo meel ka sii sarraysa halka Cabdiraxmaan gaadhsiiyey oo maal inta ay ka dhammaato isna uu taariikh ka wanaagsan taa kaga tago. Kuraasidu ma dhammaa to ee bini’aadamka ayaa dha mmaada nin walibana waxa uu kaga tago ayuun baa raandhiis u ah,” ayuu yidhi Md. Rooble.

Agaasimihii hore ee Wasaaradda Kalluumaysiga Cabdiraxmaan Cawil Xasan madasha ka hadlay, aya a halkaasi ku soo bandhigay waxqabadkii u hirgay muddadii uu xilka hayey iyo qaybaha wasaaraddu ka kooban tahay oo uu mid mid ugu tiriyey.

Mr. Cabdiraxmaan waxa uu tilmaamay in wasaaraddu ka kooban tahay saddex waaxood oo ka la ah, Maamulka, Kalluumaysiga iyo Qorshaynta oo ay ka hawlgalaan shaqaale tiradoodu dhan tahay 69 qof, kuwaas oo kala jooga gobollada xeebaha leh ee Awdal, Salal, Saaxil iyo Sanaag iyo weliba xarun ta wasaaradda, iyadoo gaadiidka wasaaradduna yahay 5 gaadhi oo dhammaantood shaqeeya.

“Wasaaraddu sannadkii 2011 ilaa 2012-kii waxay soo xeraysay dakhli dhan 2,360,641,831 shillin Som alilnad (laba bilyan lix iyo sodon milyan, lix boqol iyo kow iyo afartan kun siddeed boqol iyo kow iyo sodon) oo u dhiganta $339,440, haddii aynu soo qaadanno saddex biloodkii u dambeeyey wasaarad du waxay soo xaraysay dakhli dhan $34,000 (afar iyo sodon kun oo doollar),” ayuu yidhi Mr. Cabdira xmaan Cawil.

Agaasimaha hore waxa uu sheegay in waxqabadkii u hirgalay ay ka mid yihiin shuruucda siyaa sadd a shaqada iyo qaab-dhismeedka wasaaradda, sharciga kalluumaysiga, ururinta xogta kall uumaysiga ee dalka, xarumaha kalluumaysiga ee gobollada oo gacanta lagu qabtay, maamulna loo sameeyey, dayactir lagu sameeyey haamaha kalluumaysiga iyo baraf dhaliyayaasha, kallu umaysatada oo ay siiyeen qalab isugu jira doonyo, tallaagado iyo qalabka lagu kalluumaysto, iyadoo tababaro la siiyey shaqaalaha kalluumaysiga iyo iskaashatooyinka, diiwaangelinta doonyaha kalluumaysiga, dhiirigelin ta maalgashiga dalka iyo kaalin weyn oo wasaaraddu ka qaadatay dakhliga dalka iyo waxyaabo kale oo ay waxqabad ka sameeyeen.

Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Kalluumaysiga Mr. Maxamed Cilmi (Ilkacase) oo isna xafla dda ka hadlay, ayaa ballanqaaday in aannu waxba ka hagran doonin waxqabadka iyo horuma rka Wasaarad da, isagoo codsaday in la sameeyo suugaan lagu dhiirigeliyo wax-soo-saarka badda.


“Waxaan odhan lahaa ganacsatada iyo hay’adaha wadaniga ah in wax-soo-saarka badda laga faa’ii daysto oo aynu samayno iskaashatooyin ama sidii aynu dadka kalluumaysatada ah ugu samayn lah ayn aynu falowgeena galno, waa in aynu is garab-dhignaa baabuurka Lankuruusa lka ah iyo Laash ka ka inoo qiimaha badan,” ayuu yidhi Mr. Ilkacase.

Ugu dambayn Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Cabdillaahi Jaamac Cisma an (Geeljire) oo xilka u kala wareejiyey labada masuul, ayaa ku ammaanay agaasimihii hore karti, hab-dhaqan wanaagsan iyo naxariis badan, isagoo agaasimaha cusubna kula dard aarmay inuu raa co raadka saaxiibkiisa hore.

Wasiir Geeljire oo la dardaarmayey Agaasimaha cusub waxa uu yidhi, “Maxamed waxa ii muu qata inuu wasaaradda ku soo kordhin doono firfircooni, hal-abuur iyo waxqabad hor leh, waan hubaa inuu boodhka naga wada tumi doono oo uu hore noo kaxayn doono, wuxuun baan leey ahay in aad na kaxaynayso waan hubaaye ha nala dheerayn. Mashiinka wasaaradda wadayaa waa adiga, markaa waxa lagaaga baahan yahay in aad foojignaato, xukuumaddu waa wax ballaadhan oo qof keliya wax gacantiisa uguma jiraan, waa in aad ka digtoonaato.”