Agaasimaha Gaadiidka Madaxtooyadda oo Qasriga Madaxtoo yad da ku dhex
weeraray Wasiirka Warfaafinta oo Madaxweyne ku-xigeenka warbixin ka
siinayay wax ka qabashada weerarkii Agaasimaha Walaalkii u geystay
Wargeyska Hubaaal

imanewWaxa uu weeraray Wasiirka oo Madaxweyne ku-xigeenka kala
hadlaya wax ka qabashada falkii lagu weeraray wargeyska oo jiitamay
Hargeysa (TNN):- Agaasimaha Gaadiidka Madaxtooyadda Somaliland
Abshir Xasan Xaashi oo ay
walaa lo yihiin
Askarigii weeraray
Wargeyska Hubaal ,ayaa shalay Madaxtooyadda ku weeraray
Wasirrka Wasaaradda Warfaafinta Abiib Diiriye Nuur, oo Madaxweyne ku-xigeenka
Somaliland C/raxmaan C/l aahi Ismaaciil Saylici waxrbixin ka siinayay
tabashada Warbaahinta ee weerarkii Wargeyska Hubaal.
Agaasime Abshir oo ay cadeeyeen Wariyayaasha Wargeyska Hubaal markii
ay walaalkii qabteen in uu telefoonkii ay ka qaadeen kala hadlayay
ayaa la sheegay in uu u gacan qaaday Wasiir Abiib ka dib mar kii uu
maqlay in Abiib ka xun yahay dhacdadaasi isla markaana uu ku dhiiran
yahay in Xukuumaddu si dhakhso ah wax uga qabato.
Dad goob jog ka ahaa dhacdadaasi oo ay wada fadhiyeen Madaxweyne
ku-xigeenka, Wasiiradda, Gud dida qaban qaabada Xuska 18 May ayaa
Waaheen u xaqiijiyay in Agaasime Abshir iyo wasiir Abiib Diiri ye
Nuur gacanta isku qaadeen ka dib markii uu Agaasimaha Gaadiidka oo
goobta fadhiyay isku dayay in uu Wasiirka ka hor istaago ka hadalka
dhacdadaasi, oo shalay saamaysay Xukuumadda iyo Warbaahin ta isla
markaana ay xukuumaddu ka hor istaagtay inay qabsadaan isku soo bax
ay ku muujinayeen dar eenka ay ka qabaan weerarkii Wargeyska Hubaal.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland oo ah masuulka Xukuumadda
u qaabislan Xidhiidhka W arbaahinta ayaa shalay mar uu ka hadlayay
Weerarkii lagu qaaday wargeyska Hubaal waxa uu yidhi “Arrintaasi ka
Wasaarad ahaan iyo Wasiir ahaanba waanu cambaareynayaa, arrin aad
iyo aad u fool xun weeye, arrin aan dhaqan iyo caado inoo ahayn
weeye Somaliland waxay saxaafaddu ahayd waxya abaha aynu kaga
wanaagsan nahay dhulka kale, iyadoo aan mu’aamarad iyo afduub aan
loo geysan jirin saxaafadda.” ayuu yidhi wuxuuna intaas raaciyey in
kiiskaa ay gacanta ku hayaan Ha’yadaha naba d-gelyadda.”
Hase yeeshee illaa hada Xukuumadda Somaliland wax talaabo ah oo ay
ka qaaday ma jirto Askariga Da nbigaasi loo hayo, sidoo kale ma jirto
tlaaabo laga qaaday Agaasimaha Gaadiidka ee wasiirka
Warfaaf inta
kula dhex dagaalamay Madaxtooyadda iyada oo uu Madaxweyne
ku-xigeenkii Dalku fadhiyo.
Madaxtooyadda Somaliland ayaa u muuqata meel aan go’aan ka qaadan karin rabshadaha iyo weerara da ay madaxdeedu isku kacdo, dhawaana
waxa dhacdo la mid ah tan oo kale ka dhacday Guriga Madax weyne
ku-xigeenka iyada oo ay fadhiyaan masuuliyiin badan taasoo dhex
dhinaca Afka ku dhex martay masuuliyiin ka mid ah Xukuumadda.
Taliyaha Booliiska Somaliland ayaa Baarlamaanka hortiisa ka sheegay
in ay Xeer ilaalinta iyo Garsoorka ba ka dalbadeen in la sugo inta ay
Kiiska baadhayaan balse ma muuqato wakhti cad oo ay baadhisto oda soo
af-jarayaan iyadoo wakhtigu dheeraanayo durba.
Si kasta ha ahaatee Xukuumadda Somaliland waxa ay wali ka cago
jiidaysaa in ay sharciga hor keento Askarigii weerarka ku qaaday
Wargeyska Hubaal isla markaana ay soo qabato dadkii kale eek u jiray
hawshaas oo uu ugu horeeyo ninkii kale ee baxsaday ee hawlgalkaas ku
jiray.
Source: Waaheen
|