Af-Soomaaliga
La Qoray Iyo Qasaarahii Uu Keenay!
- Intii cimrigu ku simay ee soo gaadhay ama qayb-ba ka soo noqotay
maamuladii kala danbeeyay ee soo maray dalkii la isku odhan jiray
Soomaaliya mudadii u dhaxaysay 1960-1991-kii, ayaa malahayga ninba
aragti ka haysaa uu ku cabiri karo waxa uu u qabo xumo iyo samo-e
anigu, kolay waxan ka mid ahaa da'dii ku barbaartay gurdankii iyo
goolaaftankiii madhnaa ee kacaankii ay Askartu hor boodayeen! Waxa
aanu ka mid ahayn oo sida aan qabo aanu waliba meelaha u horeeya
kaga jirnay ugu yaraan labaatan da'ood oo hirar xidhiidh ah oo isku
xiga ahaa oo dugsiyada wax-barashada galay sanadihii 1970-1990-kii,
oo qoraalka Afka-Soomaaliga ah la kow-saday! Kuwaasoo ahaa da'ahii
wax-barashadooda oo dhan(cashar kasta) dugsiga hoose, dhexe iyo
sare-ba ku soos qaatay Af-soomaaliga, oo aan aaminsanahay inuu
waxyeelo badan afkaa Soomaaliga ah ee XIISAD kasta lagu dhigayay uu
u gaystay kobicii maskaxeed ee da'yartii u oomanayd in lagu dhuro oo
laga haraad-trio aqoontii ay baahida ba'an u qabeen, waxan qabaa
inuu afkaa Soomaaliga ah ee lagu sanduleeyay in cashar kasta lagu
qaataa mustaqbalkoodii nololeed uu naafeeyay oo uu curdin-dhadhay!
Sida aalaa dadka u ehelka ah agaasimida ama baalalaynta hawlaha/qorshayaasha
ugubka ah ee aan hore loo bilkaydin ee guulaystaa ay sheegaan, talo
kastaa oo lagu dhaqaaqayaa waxa ay mudan tahay in marka hore inta
aan faraha lala galin dabka loogu xidigiyo, oo dhan kasta laga eego,
oo gabogabada hadlii la isku af-garto in la gudo-galo, inta aan
dheefteeda durba la malaysan ee aan miiska la keenin la soo
hormariyo dhibaatadeeda iyo waxa si ka noqon kara! Waxad moodaa
hadii aan qodobkan uun ku eekeeya sheekada in askartii afka
qoristiisa dabada ka riixaysay ay ku qanacsanaayeen uun af baanu
qornay ee aanay male kale oo hadhkooda dhaafsan madasha la iman! Oo
alalaaskii, is-mahadintiin iyo Jibadiina ay waliba raaciyeen in la
joojiyo afafkii kale ee caalamiga ahaa badandkooda!
Bal qiyaas hada, qof ku dhashay Afrika, gaar ahaan-na waxii la isku
odhan jiray Soomaaliya oo halka ay aduunyada ka galayso ilbaxnimo
ahaan, dhaqaale ahaan iyo aqoon ahaan-ba aan ognahay inay tahay
meesha ugu hosaysa! Ee loogu taliyay in laga godoomiyo caalamkii ay
ahayd in la daba-eryo oo jidkii ay Aduunyadu bari hore qaaday lagu
rido si uu bal u sheed-bildhaansado uun! Tolow maskaxda sidaa ku
talisay maxay maaganayd?.
Dhalintii ku soo qaadatay waxbarashada Afka-Soomaaliga ah intoodii
nasiibku gaadhsiiyay dugsiga sare inay dhameeyaan waxa ay dhibaato
adag oo aanay waxna ka qaban karaynin soo food saartay, markii ay
dibadaha yimaadeen ee ay caalamkii edega lagaga ooday iyaga oo wax-barasho
doon ah ama xoogsi tag ah, ama qaxooti ah ay dantu ku khasabtay!
Markaasaa ceeb iyo ciil u soo hoyday! Wiil ama gabadh wax la soo
barayay mudo ka badan 12 gu' oo ''quluu-balaa'' soo rogan la' oo loo
turjumayo, runtii waa midh laga xumaado!. Intaasi oo kali ah maaha
muudorada uu keenay af-soomaaligaasiye sida aynu wada ognahay
aqoon-biirsigu kuma koobna uun ta laga kasbado dugsiyada ee waa ay
baahsan tahay, waxana boqol jeer ka badan ta guud ee aad ilaha kala
gadisan ee ay ka midka yihiin, buugaagta, jaraaidoda, idaacadaha,
tv-yada, iwm leh ka daalacanaysid. Waxase shardi u ah waxaasoo dhan
inad marka horeba afka lagu soo gudbinayo garanayso! Ninka
Af-soomaali kaliya ku haldayaa ama akhrisan karayaa waa iska cadaan
inuu caydh ka joogayo wax kasta oo Cilmi ahba! Sidaas darteed waxan
odhan karaa, dhagar-nololeed oo aan cafis lahayn ayuu maamulkii
Askarta ahaa ka galay dad badan oon cadad iyo xisaab toona lahayn oo
uu agnaaneeyay kaskoodii!
Dadkii xiliyadaa aan soo sheegay (1970-1990) ababkooda wax-barasho
ahaa ee waayahaa aan ka soo sheekeeyay soo mushaaxay ayaa u badan
dadka mudo-karka ah ee dibadaha jooga, cawo-daro badankoodu waxba
waa ka qabsan kari waayeen, ha jiraan xaalado kale oo gaar ah oo
saamayn qudhoodu ku leh waxase aan muran gali karin in Af-soomaaliga
wax lagu soo bartay door wayn ka ciyaaray guul-daraysigaasi
dul-hoganaya!
Aan ku xidho maqaalkan kooban, in la qoraa afka ma xuma, hadaadse
wax qoraysid waxa fiican kow; inad wax cusub oo ugub ah qortid oo
aanad soo amaanaysan erayo rag hore u samaysteen, ta labaad; waxa ay
ahayd in uu ku koobnaado uun in cashar ahaan af-soomaaliga loogu
dhigo dugsiyada lana daayo luqadaha kale ee ka horumarsan ee
caalamiga ah sida Ingiriisida, Carabaida iwm, taasina waa ta haatan
la garwaaqsaday ee meelo badan oo dalkii la isku odhan jiray
Soomaaliya ka mid ahaa ka hano-qaaday ee Af-af kale loogu dhigo
caruurta, sida dalka jamhuuriyada diimuqraadiga ah ee Somaliland.
Hubaal waxa ah inaanay dhalinta danbe ee hada wax-baranaysaa
bah'dilaadii na qabsatay mid la mid ah meelnaba kale kulmayn, oo aan
cawo-daraanta, iyaga oo jaamacado ama ugu yaraan dugsi sare ka soo
baxay caruurtooda loo kala af-celinayn! Sida ka dhacda maalin kasta
Yurub, USA iyo dalalka kale ee dibada.
''Af-Soomaaligaa la qoray............Dhibna keenye la soco''!
|