Afhayeenka Xisbiga UDUB oo ku Baaqay in laga fiir sado Xubnaha K /Doorashooyinka ee la soo dhisayo
Hargeysa (Longlivesomaliland News)- Afhayeenka Xisbiga Tallada dalka haya ee UDUB Md. Cali Maxamed Yuusuf, ayaa si adag uga baaqay in laga fiirsado xubn aha Komishanka doorashooyinka ee la soo dhisayo, waxaanu Golaha Guurtida ku eedeeyay inay dhinac u olalaynayaan. Afhayeenku oo ka hadlayay nooca sifooyinka looga baahan yahay xubnaha Ko mishanka doorashooyinka noqon kara waxa uu yidhi“Mabda’ ahaan Anagu (UD UB) waxaanu aaminsan nahay wadankan cida doorasho gaadhsiin kartaa inay yihiin todoba xubnood (Komishanka doorashooyinka) oo laga dhex xulay ummad dhexdeeda kuwaasi oo laga doonayo inay dhex u noqon karaan murashaxiinta tartamaysa, todobadaasi xubnood inay leeyihiin kartidii iyo aqoontii looga baah an yahay.” Cali Guray wuxuu tilmaamay haddii laga fiirsan waayo xubnaha komishanka cus ub farta dhexda laga qaniini doono, waxaanu yidhi “Haddii laga fiirsan waayo xu lista Komishanka waxa dhici doona imika ayaan sii sheegayaa waxa iman doonta oo jira Komishankan imika aynu kala dirayno waxaynu nidhaahnaa waxa ka wan aagsanaa Komishankii hore ee doorashooyinkii hore qabtay, sida maanta muuq ata haddii komishanka cusubi kuwa aanu maqmaqlayno ay yihiin kuwo barito la odhan doona waxa dhaamay komishankii la kala diray.” Afhayeenka Xisbiga UDUB oo ka hadlayay Golaha Guurtida oo laba xubnood soo xulaya wuxuu yidhi “Waliba waxa muuqata Guurtida lafteedu inaanay dhex aha yn ee ay dhinac u olalaynayso, waxaan rajaynayaa in heshiiskii asxaabtu aanu noqon sidii ninkii nacaska ahaa ee inta uu lumay la soo helay ee yidhi maxaa la igaga farxi bariba waan lumiye’e, runtii waxaad moodaa in arrintaa bilowgeedii cagta la saaray. Waxaanay ka bilaabmaysaa komishankaasi nooca uu noqdo. Waxaan leeyahay murashaxiintu dib ha iskugu noqoto, Guurtidu dib ha isagu noqoto oo todoba xubnood oo cid kastaaba saxdo soo magacaaba” “Waxaan leeyahay waar ama afeef hore aynu lahaano ama adkaysi dambe aynu lahaano,waxaan leeyahay sadex murashax waar idinkoo Madaxweyneyaal doo naya inaad noqotaan ma waxaad ku heshiin kari weydeen inaad ku heshiisaan todoba nin oo idin dhex dhexaadiya, oo kolba intaad kudaafad meesha keensa taan markay doorashada qaban kari waayaana inaad tidhaahdaan kaalaya dad weynoow oo birta iska asla,”ayuu yidhi Cali Maxamed Yuusuf oo caawa u waram ayay Telefishanka qaranka ee dawladu gacanta ku hayso.
|