Afhayeenka Xisbiga Udub Mujaahid Cali Guray Oo Kul miye Ku Eedeeyey Inuu Ka Galgalanayo Heshiiskii 6 Qodob Ee Doorashada
 


“Udub Wuxuu Ku Dhegan Yahay, Heshiiskii Saddexda Xisbi Ay Ku Gaadheen  Doora shada, Laakiin Kulmiyuu La Xumaaday Oo Xeelad Uu Kaga Noqonayo Gocanaya”.

“Xisbiga Ragii Kaadiriinta U Ahaa Ka Ay Ka Baxeen Waa Kulmiye”

“Talo La Soo Rogrogo Oo Cid Gaar Ahi Ay Go’aankeeda Leedahay, Dimuqraadiyad Uma Arko” Mujaahid Cali Guray

Hargeysa, December, 30, 2009 (Timacade News) - Afhayaheenka xisbiga Udub Mu jaahid Cali Maxamed Yuusuf (Caki guray) ayaa xisbiga mucaaridka ah ee Kulmiye ku eedeeyey inuu ka galgalanayo heshiiskii sadexda xisbi iskula gaadheen  dooras hada madaxtooyada, oo uu tilmaamay in hadalada ka soo yeedhay Kulmiye ay  ho rdhac u yihiin dib uga rogasho siyaasadeed isagoo intaa ku daray in xisbigooda Udub ay wali aaminsanyihiin heshiiskaasi kana dhul sugayaan komishanka  dooras hooyinka. Mujaahid Cali Guray waxa kale oo uu ku eedeeyey in Kulmiye  sababtee da lahaa talaabadii doorashada deegaanka dib loogu guray.

Mujaahid Cali Guray waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi khaasa oo uu xalay  war gayska Haatuf la yeeshay oo dhinacyo badan taabanaya, waraysigaasina waxa uu u dhacay sidan.

S: xisbigiina Udub waxa lagu eedaynayaa inaanu doorashada daacad ka ahayn, oo aad ka warwareegaysaan inay qabsoonto taas maxaad ka odhan lahayd?


J: ilaa iyo bilawgii Udub waxa uu ahaa xisbiga taagnaa in doorashadu tahay xalka kaliya ee lagu soo afjari karo khilaafka siyaasadeed ee dalka maanta ka taagan, hadii aanu udub ka hayn daacad doorashada yaa daacad ka ah, ma waxa daacad ka ah cida xalka ka doontay in labada gole ay fadhiistaan oo madaxwaynaha iyo madaxwayne ku xigeenka xilka ka qaadaan ee ay u socon wayday, ma waxa  daac ad ka ah cida mashruuca baarlamaanka geysey ee xilka xayuubinta ah ee isaguna aan sharciga iyo nidaamka aan midnaba ku dhisnayn, ma waxa daacad ka ah cida liiskii uu Samoora soo saaray ee aanu koomishanka doorashooyinka ka soo bixin ku sheegtay inuu yahay liis sax ah oo xalaal ah oo doorashada lagu galayo ee ay u socon wayday ma waxa daacad ka ah cida ogalaatay cida haayadii koomishanka ee sharciga ahayd ay hay’ad ajanabi ahi ka fara maroojisay sharcigooda, xal  doo nku waa doorasho doon, xal diidku waa doorasho diid wakhtigan xaadirka ah  ana gu ilaa hada lixdii qodob ee doorashada ayaanu ku dhaganahay, mana jirto  go’aa no kasoo baxay koomishanka oo Udub diiday oo cid kale ogalaatay, hadalkan  wax aanu u qaadanaynaa in heshiiskii lakala saxeexday cid qayb ka hayd uu hada la xumaaday oo ay gocosho ku keentay, oo ay doonayso in dib u gurasho xeeladeed ay dib ugaga noqonayaan heshiiskii qalinka lagu duugay.

S: waxa jira xisbigan Udub ee aad ku soo biirtay adigoo Kulmiye ahaa, Udub-na la leeyahay waa fadhiid oo taageeradii shacbiga aad uga leexatay xisbigaagii  Kulmi yana la sheegayo inuu taageero badan ka haysto Somaliland taasi miyaanay jirin?


J: waa u caado is macaashsiintu qolada Kulmiye laakiin anigu waxaan qabaa in  niy ad jabkii dadka kaga soo dhacay mucaaridku, markii hore laga yaabaa in taageero badan oo isbadal doon ahi ay jireen, taasina xaga mucaaridka u xaglinayeen dad badani laakiin rajo xumada iyo quusta waxay usoo celisay in la yidhaa yaynaan iskaga darin bal intaynu meel gaadhayno ma hayno badiil wax u noqon kara Udub iyo xukuumadan imika jirta midna, hadii la yidhaa dhismaha xisbigu waa qabyo oo ma aloosna ama dhismihiisa la naqdiyo waa macquul inay taasi tahay waananu ku jirnaa in sidii aanu u abaabuli lahayn inaanu dhismaha xisbiga kor ilaa hoos dhisno gobolada,dagmooyinka wada gaadhsiino, xaruunta hagaajino waa hawl imika aanu wadno laakiin xaga taageerada shacbiga waxan filayaa Udub in uu wax sii kordhiyo mooyee wax ka dhinmay aanay jirin.

S:waxaad sheegtay inaad doorashada diyaar u tihiin, maxaad ku cadaynaysaa inaad run ka sheegaysaan ?


J: waxaanu ku cadaynaynaa doorashada siday u qabsoomayso lix qodobbaa lagu heshiiyey in loo maro, waananu saxeexnay ilaa iyo hadana wax alaale iyo wax  aa nu ka qabnaa ma jirto, mudadii waxa cayimaya koomishanka oo iyaga uun baanu ka sugaynaa, liiska lagu galayo doorashada cod-bixiyayaasha komishanka soo  sa araya anagu waxa aanu ka qabnaa inay doorasho dhacdo oo ay sida ugu  dhakha saha badan u dhacdaana ma jiro.

S; afhayeenka Kulmiye Muj.Maxame Kaahin wuxuu sheegay in adigoo afhayeenkii iyo xoghayihii guud ee Udub aad dhawr goor ka dhawaajiseen in diwaan galintii aanay waxbakasoo baxayn arintaa maxaad ka odhan lahayd?


J: midi waa aragti shaqsi ah oo waa hilaadin anagu liis soo baxay oo aanu diidnay ma jiro,aragtidayda marka ay 53% aan far laga qaadin oo 700,000 qof oo aan far saarini jiraan waxa lagu kala sameeyo ee mihiimka ah ee baaramitiris-kuna ay  far ta ahayd way adkaanaysaa oo qofku wuu qiyaasi karayaa ee iyagu ma waxay  le eyihiin waa la hagaajinayaa oo 100% baanu hubnaa in la hagaajinayo cida ay u qabtaan waxay ogyahiin ee aanaan ogayn hanoo sheegaan, anagu ka hor dagi mayno diwaan galinbaanu doonaynaa in lagu galo, diwaan galin la’aana dooni  ma yno, diwaan galintana waxaanu doonaynaa inay noqoto mid cadaalada oo xaqa oo muwaadin wal oo reer Somaliland ah xaq u siinaya inuu codkiisa hal mar ka dhiibto taana waxaanu ka sugaynaa koomishan hay’ad kale iyo khabiir kaleba u daba fadhiisan mayno ugu danbaysta liiska uu soo saaro komishanka ayuun  baa nu cidii diidan la odhan karaya waxbay diiday laakiin imika waxaanu diidnay ma jiro, aragtida qofkana waa la hagaajin karaa iyo lama hagaajin karo qofba siduu doonu u arki karaa.

S: mujaahid waxaa la sheegaa markaad Kulmiye kasoo baxday ama xantaada  siy aasadeed la sheego in Cali Guray xisbiga uu yimid uu ku jaha wareeray Udub aan dhisnayn oo xataa jaran jaro maamul lahayn iyo cid wada tashanaysa taa maxaa ka jira ?
 

J: horta marka xisbiyada qaranka laga hadlayo xisbi aan galdaloolooyin lahani ma jiro, Udub waa xisbul xaakim dawlada lafteedaa ka dhisan oo wax farabadan oo dhinaca xukuumada laga wada oo hawlaha xisbigia ahi way jiraan  goldaloolooy inka Udub waa kuwo kooban oo khatartoodu Udub dhexdiisa hawlihii dadaalkii uun laga yaabo inay wax wiiqi karaan laakiin maaha kuwo saamayn ku leh sida Kulmiye oo kale inay qaranka wax yeelaan, doorashada, nabadgalyada arimahaas oo dhan Udub waa wax aan ka suuro gal ahayn markaa hawladahoodana waa u dad ceelna uma qodna cidina uma maqna way jirtaa oo waan leeyahay. Waraysigaasi oo dhinacyo badan taabanayay,isla markaana aad u dheeraa oo uu kaga hadlayo arimo ku saabsan waayihii soo maray muddadii uu xisbiga UDUB ku dhex jiray iyo ujeedooyinkii uu ugu soo digo rogtay xisbigiisa kulmiye,siyaasiyiintooda cusub ee udub ku soo biiray iyo arimo kale oo xiiso badan la soco waraysigaasi qaybtiisa labaad cadadke danbe.
 


Source:Haatuf