WARSAXAAFADEED

 


Hargeysa August 8  2010 (TNN)-Waxa jira shir ay dhawaan xubno ka mid ah Madax  dhaq ameedka beelaha Bariga Burco  iy o Buuhoodle kaga hadleen arrimaha nabad-gelyadda  e e deegaamadooda, waxaana sida la sheegay shirkaasi ay odayaashu isku afgarteen  qod obo ay u arkeen in ay nabad gelya da deegaamadaasi caawinayso.

Waxa kale oo ay kaga hadleen sida ay warbaahinta u sheegeen qodob ay ku soo qaadeen ciidamadda Qaranka. Kaasi oo sida muuqata dheeraad ku ahaa oo aanay xaq u lahayn in ay ku darsadaan go’aamadooda.

Xukuumadda Somaliland oo sideedaba u taagan sugidda qaranimada Somaliland iyo  adka ynta nabad gelyadda waxa ay mabda ahaan soo dhawaynaysaa dhaq-dhaqaaq kasta oo u adeegaya Nabad gelyadda iyo wada hadallada heer kastaba leh ee la xidhiidha  arrintaa si nabad gelyada min qoys ilaa Qaran.

Waxa kale oo ay xukuumaddu si cad u sheegaysaa in arrinta ciidamada Qaranku aanay  a hayn mid ay laba beelood iyo laba kooxood midna ka talin karaan ee ay tahay arrin u  taa la Dawladda Somaliland.

 

 


Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland
Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse)