Af-hayeenka Madaxtooyadda iyo Fadeexadihii uu sameeyay safarkii Koonfurta Suudaan


 

 

Hargeysa(TNN) Af-hayeenka Madaxtooyadda Somaliland C/laahi Cukuse ayaa lagu Eedaynayaa inuu lahaa inta badan Fadeexadihii ay wariyayaashii u raacaay Koonfurta Suudaaan u soo diri kari waayee n wararkii loo diray iyo Ictiraaf raadintii ay Xukuumadu lahayd way nagala qayb qaadanayaan.

Xogaha ka soo baxaya safarkaasi ayaa sheegaya in ay xukuumaddu wariyayaasha u qoondaysay lac ago ay isku maamulaan inta ay hawshaas ku jiraan, waxaanay u qaybisay laba qaybood oo midkood kaash gacanta looga dhiibay ahayd oo uu si hagar la’aan ah gacanta looga galiyay taas oo dhamayd sida la sheegay $10,000 halka ta kale ay ahayd mid si gaar ah Cukuse loogu dhiibay si uu ugu samee yo ama uga iibiyo wixii qalab ama agab ah ee ay u baahan yihiin wariyayaasha iyo weftiguba.

Lacaagtaas loo dhiibay Cukuse oo aan qadarkeeda si rasmi ah loo ogayn ayaa la sheegayaa inaanay wariyayaasha waxba ka soo gaadhin marka laga reebo Garamaan iyo Calamaan yar yar oo aanu qiim ahoodu gaadhayn wax ka badan $500, kuwaasi oo uu ka sii sameeyay Jabuuti si aan Hargeysa loogu ogaan qiimaha alaabta uu sameeyay.

Sida aynu la wada soconana Hargeysi maanta waa magaalo xaga madbacadaha Xayaysiisyada same eya meel fiican ka gaadhay, inta la ogyahayna waxa ku yaala sadex madbacadood oo kala ah Sagal, Asal iyo Tayo, kuwaasoo samaeeyay dhamaan noocyada xayaysiisyada haday noqoto boodh, garam aan, Koofiyado iyo Calamaaan kuwaasoo qiimaha aay ku sameeyaan yahay kuwa ugu jaban wadamad a aynu jaarka nahay.

Taasoo ay ahayd inaan lala garab marin maadaama aay dalka kaa jiraan cabashooyin la xidhiidha dhi naca ganacsiga oo lagu xanto xukuumadda talada haysaa inay uga sii dartay isla markaana ay fursad aha jira ee ay hayso cid gaar ah uga faa’iidayso.

Dhaqaalaha loogu dhiibay Af-hayeenka inuu ku sameeyo Alaabahaasi oo sida aynu soo sheegnay aan la garanayn inta uu leekaa iyo waxa uu ka sameeyay inta ay ahayd ayaa la sheegayaa qaybo ka mid ah inuu u isticmaalay safarkiisa oo ay ku baxday lacagta Diyaarada uu u raacay jaabuuti iyo Hudheel adii qaaliga ahaa ee ay galeen isaga iyo Guddoomiyaha wargeyska Haatuf oo ku wehelinyay socdaal kaasi halka ay Xukuumaddu kharash kale kaga bixisay Diyaaradii ay kiraysatay ee u gaarka ahayd oo ay labadoodaa kursi u sii banaanaayeen. Sidoo kale waxa la sheegay inuu Af-hayeenku intii uu Addis-ababa joogay lacagahaas u isticmaalay dhaqan xumo Sumcadii Somaliland dhaawac gaadhsiisay.

Dhamaan intii uu hawlahan oo dhan ku jiray waxa baaqday hawlihii looga baahnaa inuu sii fuliyo maad aama sababta ay isaga iyo wariyayaashu weftiga u raaceen ay ahayd in ay wararka ka soo tabiyaan isla markaana sida ay Xukuumaddu ku doodaysay ay ahayd inay wufuuda Caalamiga ah ee Xafladaasi imanaysay ay ka dhaadhiciyaan Somalilaand iyagoo aadeegsanaya Mihnadooda Saxafinimo hase yee shee waxaas oo dhami may dhicin waxaanay dhamaantood weftiga Somaliland wada gaadheen mar kaliya.

Taasina ay sababtay in ay dhamaantood si habqan ah u tagaan magaaladda Jubba oo cid kastaa ay diyaarsatay hawlahoodii haddii ay noqon lahayd meelihii ay istaagi lahaayeen iyo hadii ay noqon laha yd qalabka ay wararka ku soo diri lahaayeenba sida Internetka ay imika ku mar-marsoonayaan inaa nu ka jirin Koonfurta Suudaan, maadaama ay qaarkood horeba u tageen oo ay ogaayeen waxyaaba ha ka hor imanaya ee loo baahan yahay.

Si kastaba ha ahaatee xukuumadda Somaliland oo ay warbaahinta qaarkeed hore u qoreen inay guul daro kala soo kulmi doonaan xafladaasi iyagoo u arkayay sida ay Xukuumadda iyo Cukuse u maamule en hawshaasi inaanay ahayn sidii saxda ahayd gaar ahaana xafladda oo aan ahayn mid lagu soo cas uumay Madaxweynaha mooyee cid kale ayaa waxa looga baahan yahay inay dib u saxdo qaladaadka aay gashay isla markaana talaabo cad ka qaado khaladaadkii dhacay cida keentay.


Source:Waaheen