Afeef: Waxa jira buug laga qoray Silsiladda Deelleey, oo uu soo saaray A F. Cali Idaajaa, oo ka horreeyey buuggan aan tixraaca ku sameeyey

 

Lakiin ma aan arag buuggaas. Waxaa se maanta gacantayda ku jira buugga la magacbaxay "Saadaal Rumawday" oo lagu soo ururiyey dhammaan Maansooyinkii ku jiray Silsiladdaas. Buuggan aan gacanta ku hayo waxa qoray Cabdi Yuusuf Ducaale oo ku magacdheer "Boobe".

Waxa aan jecelahay in aan marka hore ee horraameedba aan ku soo hordhigo tuducyo ka mid ahaa Maansadii labaad ee uu kaga qaybgalay silsiladda Deelleey, Abwaankii caanka ahaa, halgamaagii Cabdi Iidaan Faarax IHN-tee. Maansadaas oo la yidhaa "Daad-wararac", waxa ay leedahay: " Rag Alloow ma dooxaa, Ma dillaaciyaa nabar. Daboow duur gal oo olol, Adigu na digooy gubo, Danba maw idhaahdaa?. Dibigii xareeddiyo, Dooxadu u buuxdaye, Dinnaahyeeyayee ciyey, Isagiyo dibbaradii, Duulduulka Karantiyo, Dayrtiyo jidhaamaha. Dareenkiisu kama foga. Ilaahay ha u naxariisto'e, isaga oo Cabdi Iidaan sii faahfaahinaya waxa uu ka hadlayo iyo dhibka taagnaa ayuu sidan u dhigayaa mar kale:

Dab dhaxamooday baa jira,
Dabar waashay baa jira,
Dameeraaba Weyl dhalay,
Sacab timo ma laga deyey?

Afartaa dheh Deelleey,
Dabray oo ka jeedladay.

Dood kalena waxay tahay,
Habartii docdeediyo,
Degelkay ku noolayd,
Daruuruhu ku hooreen,
Dadka wada hel mooddoo,
Daad wararac bay tidhi.

Isweydiintu waxa ay tahay maxaan halkaa uga bilaabay. Waxa aan uga bilaabay markii la joojiyey Deelleey oo socotay wax ku siman lix bilood ayuu IHN-tee Cabdi Iidaan bilaabay silsilad kale oo uu ku bilaabay Gabay. Waxa uu ka guuray jiiftadii ay ku socotay Deelleydu, waxa uu u guuray Gabay. Waxa kale oo uu ka guuray xarafkii Deelka, waxa uu u bedelay Shiin. Sidaas ayuu ku bilaabay Shiinleey la odhan karo waxa ay furaysay weji cusub oo ka sii kulul kii Deelleyda. Si aan akhristayaasha u xasuusiyo tuducyadii ka midka ahaa Shiinleydii uu Cabdi Iidaan ku bilaabay waxa ka mid ahaa:

Markii Midho-yarii wada shuq yidhi shidantay Deelleeye.
Shinbir-dharabtu meel Aar fadhiyo shuuqa kama dayne.
Sha'dii baan hayaanka u rarriyo shaanbis geeddiga'e.
Afarreey ha lala soo shirtago shoolli booliyahe,
.................................................................................
Shib ba waxa dibnihii looga dhigay shar iyo khayr daayey.
Abwaan wuxuu murtidii uga shakiyey sheeg haddaad garato.
Runtii shimiqda waxa looga dhigay una shareerraatay
Ee beentii shaaraca ku timid sheeg haddaad garato
Shirkii lagu ballamay faalladii shaaca laga qaaday
Shalmadi koore raacdaye waxbaan sheedda ka arkaaye
Shishe u garannay haasaawihii shaadirka lahaaye
Shafdhiggeedii meeshuu hirdiyey sheeg haddaad garato.
.....................................................................................

Belaayada shinkeed galay fidmada laga shaqaynaayo.
Shoocaalligeedaa hirmacay waa se sheen go'aye
Halka shalaxda lala maaggan yahay sheeg haddaad garato
Cadceedduba Dayaxa shiiqisee waase laba shay'e
Wuxuu shamacba taagtii u huray sheeg haddaad garato.
Shatartii qabiilkiyo wigladan lagu shaqaynaayo
Waxa Qaranka shuushkii ka baxay dib ugu shaasheeyey,
Duqdii oo shakaalkiyo qabrigii, shebeggii hayn waayey.
Shaarubo libaax iyo hadday shaadh ammaan tolatay
Sharcigii qaban lahaa meel u jiro, sheeg haddaad garato.

Waxa aan hordhaca sidaa ugu bilaabay si aan u fududeeyo fahamka qoraalkan kooban ee aan kaga faalloonayo silsiladdii Deelleey. Buugga aan tixraacayaa waa buugga uu qoray qoraaga caanka ah Boobe Yuusuf Ducaale, oo sida Hordhaca buuggaba aynu kula kulmayno xogogaal u ahaa ama la odhan karoba wax ku seeganaa "Deelley" mabay jirin. Maxaan u soo qaddimay Cabdi Iidaan. Marka laga yimaaddo dilkii loo geystay badhtamihii 1980-kii oo lagu dilay magaalada Hargeysa, sababta loo dilay na ay ahayd uun gabayadaa uu tiriyey. Waxa kale oo uu tusaale u yahay laba aragtiyood oo aad u kala fog oo shacbigii reer Somaliland ay aragtidoodu ku xidhnayd kolba xaalladii markaa taagnayd. Waxa aad u fiirsataa geeraarkii calansaarka ee uu Cabdi Iidaan ka tiriyey debbaaldeggii Juun 26keedii 1960kii, waxa uu yidhi: "NFD-ii ninka joogiyo, Kan Axmaaradu laysiyo, Obokh meel la yidhaahdiyo, Labadaa ku arkaaya, Sidii Aaranka Geeloo, Inta uu ul ku goosmay, Intaad Ooho tidhaahdo, Ururiyoo dulsudhnaw.

Calankii la saaray lixdankii ayuu dareenkiisa oo uu la qabay bulshada inteedii badnayd uu ku muujiyey. Waxa aad baydkaas ka fahmaysaa sida uu u ugu rajada weynaa in calankaa Hargeysa la sudhay ama Somalilandba uu noqon doono mid ururiya oo isu keenna shantii Soomaaliyeed. Akhriste, waxa aad ila wadaagtaa labaatan sannadood dabadeed dareenkii Cabdi Iidaan Faarax ilaahay naxariisttii janno ha ka waraabiyee, aamiin. Waxa ka mid ah gabaygaa Shiinleyda ee uu weydiimaha faraha badan soo bandhigay: "Shan soomaaliyoo wada socdoo, calan ku sheekeeya. Shimmaa la arkayaa waa su'aal, sharad ka yaallaaye. Waa laba dareen oo aad u kala taggan. Waa sababta Deelleey u dhalatay, waa sababta keentay in la miciinsado silsilad Maanseed, loo arkayey ama ahaydba sida keliya ee lagu gaadhi karo dhegaha shacbiga. Waayo Idaacadihii ay ka tegeen Ingiriiska iyo Talyaanigu oo midna Xamar ku taallay midna Hargeysa, wax kale laguma kordhin. Labadoodiina waxa laga dhigay kuwo ku hadla af keliya, oo u heesa maamulkii markaa jiray. Dhalliil laga sii daayo haba joogtee, waxa dadku ku dhaga barjoobeen heeso aan kala go'-lahayn oo ay ka mid ahaayeen. "Horta qabo Siyaadoo bal qof kale ku soo dara, Guulwade Siyaad Aabihii Garashada Geyigayagoow iyo wax la mid ah. Waa taa ta keentay in dareenkii lixdankii uu noqdo mid ka dhiga sharad in la heli karaba shan soomaaliyeed oo calan ku sheekaysta.

Akhristayaal badan ayaan dhalan xilligaas oo maanta laga joogo 29 sannadood. Laakiin qofkii garaad lahaa waa uu xasuusanyahay xaaladii dadku ku jiray. Waxaana tusaale cad u ah in xaalladdaasi aad loogu kala aragti duwanaa. Mansada "Daad-wararac" ayaa kuu faahfaahinaysa in intii ku dhodhowayd xukunkii keli-taliska ahaa ay u arkayeen in dadku dhergey, halka dadka intoodii badnayd ay dareemayeen dal sii burburaya, Qaranimo god lagu riday, qabyaaladdii la yidhi´waa la aasayaa oo dib u soo baxday. Waana markii ay bilaabmeen jabhaduhu. Intii hore dadku waxa ay qabeen rajo, oo waxa ay is lahaayeen wax uun baa is bedeli. Iska daa isbeddel ee cadaadiskii waxa uuba isu rogay dil, dhac, kufsi, jidhdil aan loo meel-deyin. Waxa la odhan karaa xaalku wuxuu gaadhay "Kii roonoow reerka u hadh". Maamulkii kelitaliska ahaa waxa uu ku guulaystay in uu iska horkeeno beelaha soomaaliyeed. Garaadkoodana kala kaxeeyo, waana ta ilaa maanta aan la isugu garaabi karin wixii dhacay. Waana ta maanta ay dadka qaar ku doodaan in la burburiyey Qarankii soomaaliyeed halka dad badani ay qabaan in aan marnaba la dhisin Qaran Soomaaliyeed. Dadka qaar baa doona in ay qariyaan wixii dalka ka dhacayey labaatankii sannadood ee uu dalka ka talinayey M Siyaad Barre.

Deelleey, waxa ay ka dhalatay cabudhintaas. Waxa ay dadka ku gaadhay muddo aad u kooban. Dalka gudihiisa iyo dibeddiisaba waa ay gaadhay. Waxba yaanaan innagu xiijin qoraal dheer ee aynu yara dulmarno xilligii ay bilaabantay iyo sidii ay ku bilaabantay Deelleey. Waxa aynu kaloo dulxaadsan doonnaa dhawr Maanso oo aan inoo soo dooro. Waxa aan wax yar ka soo qaadan doonaa qoraaga buugga qoray iyo Gogoldhigga hore oo ay qoreen laba Abwaan oo caan ah, ahaana xubnihii safka hore kaga jiray dareenkii ku xeernaa Deelleey. Labadaasoo kala ah: Rashiid Cabdillaahi "Gadhweyne" iyo Maxamed I Warsame "Hadraawi" Waxa aan isku deyi doonnaa in aan faahfaahin dheeraad ah ka bixiyo sababta Maansooyinkaasi u noqdeen kuwo aad loo hadal-hayo. Maxaa silsilladaha maantaba loo xiisayn waayey ee laga hadal hayaa 28 sannadood ka hor.? Weydiimahaas waxa aad warcelintooda ka heli doontaa qoraalka kan xiga.
 

 


La soco...........
Qore: Sayid M Yuusuf
Sweden