Afduubkii dhulka,bada iyo cirka:- sheeko dhaba
oo xiiso badan: Qaybtii 1
aad

Waxa uu yidhi cabdiyaw aniguba
waxaan doonayaa in aan ilaa jibouti socdo oo aan reerkayga la qaxo
waayo waxaan ahay nin reer jibouti markaa hadii aad doonayso in aad
jidkaa dheer marto dhul badan ayaa inaga xiga burco iyo
jiboutibee.By:Sacad ciise cumar.
Marka hore waxaan salaamayaa dhamaan umada reer s/land meel kasta oo
ay joogaan marka xigta waxaan salaamaya bahda saxaafada intooda
ogsoon in xil qaran saaran yahay..
Afeef ninka sheekadan ka qoray oo u dhashay jamhuuriyada Somaliland
ha da joogaa mid kamid ah magaalooyinka waaweyn ee s/land , marna ka
mid noqday hawl wadeenada wasaarada arimaha gudaha, waxa uu ka cudur
da artay in magaciisa oo sadexan ku xardho sheekada ku dhacday
maalmo ka mid ahaa noloshiisii uu soo maray, laakiin waxaan ku soo
koobayaa cabdi ra shiid..
c/rashiid waa nin dhuuban, cas oo aad u qurux badan waxa uu ku
dhashay kuna soo barbaaray magaalada kismaayo oo wax barashadiisii
waxa uu ka bilaabay ilaa malcaamadii quraanka isla magaaladaa
kismaayo, cadbi waxa uu ahaa arday dadaal badan waxaana uu si fiican
u bartay luuqada carabiga oo uu si fiican uga hadlaa waxa uu
waxbarashadii dugsiga sare la kulmay dagaaladaa wadanka Somaliya ka
dhacay ee u dhaxeeyey jabhadaha iyo xukuumadii siyaad bare, sidaa
daraadeed dugsiga sare markii uu laba sano ku jiray ayaa albaabada
loo laabay, waxaana bilaabay qax inkastoo aanay markiiba u suura
galin in ay magaalada ka baxaan cabdi iyo qoyskii uu ka dhashay
hadana wax la waayey nolol maalmeed oo wax adkaaday sidii loo
helaayey sadexda waqti ee daruuriga u ah qofku in uu wax cuno,
cabdi markaa da ahaan waxa uu yahay ilaa dhawr iyo toban sano jir
reerka caruurtooda isaga ayaa ugu weyn markaa, waxaana markasta
dhagtiisa ku soo duulaysa hebelkii aad isku galaaska ahaydeen waa la
dilay ama waa la waayey dhalasho ahaana cabdi uma dhalan halkaa uu
joogo waayo waxa uu yahay sidii aan horeba u sheegay nin reer s/land
ah.
Tashiga ayaa cabdi marba dhan u kaxeeyey wax uu sameeyo ayuu garan
waayey waayo arin ka facweyn ayaa la soo gudboonaatay, cabdi waxa uu
u
waraysi tagay mid ka mid ah macalimiintiisii gaar ahaan kii u dhigi
jiray
taariikhda oo la yidhaahdo xasan oo meel loogu sheegay bal si u soo
ogaado inta burco iyo kismaayo isu jiraan inta magaalo ee la sii
maraayo, maadaama oo uu ku dhashay kismaayo oo aanu wax aqoon ah u
lahayn jamhuuriyada Somaliland,macalinkii xasa oo waqti casar ah ka
soo baxay masaajid u dhaw gurigiisa ayuu la kulmay macalinkii ayaa
gartay isaga laftiisu aad u naxay ardaygii uu ugu jeclaa galaaska oo
soo dhex maray maleeshiyaad iyo dhalin yaro mindiyo iyo gudmo wax ku
dila meelo ay joogaan, is gacan qaad kadib waxa la galay gurigii
macalinka xasan, waxaana bilaamay iswaraysi cabdi waxa uu aad uga
xishoonayaa in uu macalinka xasan waydiiyo cida uu yahay waayo wax
lagu soo barbaariyey in aanay somaliya ka jirin wax qabyaalad ah oo
ay dadku yihiin Somali keliya,macalinkii oo dareensan in uu cabdi
xishoon aayo ayaa ku yidhi waar yaa cabdi maanta maxaan kaa caawiyaa,
macalinkii oo hadalkii sii wata ayaa mooday in uu cabdi yahay nin
bilaa qoys ah oo raadinaaya cid uu la noolaado sidaana uu ku yimi
guriga waxaana macalin xasan yidhi ma waxaad doonaysay cid aad la
noolaato oo markii hore ayaa nad hooyo iyo aabo la noolayn ee
waxaad la joogtay cid kale oo aad ehel tihiin, cabdi oo ka
jawaabaaya su’aalahaa macalinka ayaa yidhi mayee macalin aabo ma
joogo laakiin hooyo iyo caruutii kale oo aan anigu ugu
weyn ahayba way joogaan, laakiin macalin waxaan doonayaa in aad
faah faahin badan iga siiso inta habeen gaadhigu u socdo
kismaayo ilaa burco, macalinkii ayaa aad u naxay waxaana uu ogaaday
in uu cabdi yahay nin u dhashay Somaliland meeshanina tahay kismaayo
oo ay xoog ku leeyihiin qabiilooyinkii taageeri jiray xukuumadii
siyaad bare, macalin xasan ayaan talo ku cadaatay waxa uu yidhi
cabdiyaw aniguba waxaan doonayaa in aan ilaa jibouti socdo oo aan
reerkayga la qaxo waayo waxaan ahay nin reer jibouti
markaa hadii aad doonayso in aad jidkaa dheer marto dhul badan ayaa
inaga xiga burco iyo jiboutibee waynu is weheshan doonaa hadii alle
idmo gaadhina reeraha waynu ku wada rari doonaa inkastoo aan filaayo
in dadka qaxaaya il gaara lagu eegaayo maalinta salaasada,,,
Cabdi yare ayaa neefika soo baxday waxana uu yidhi waa yahay macalin
waxayna u tahay nin burco dhexjooga waayo macalimiintiisii kii uu
ugu jeclaa ayaa u sheegay in uu raaci doonoilaa burco laakiin cabdi
way ka qarsoon tahay rafaadka burco ka xiga.
Dib ayuu cabdi u soo laabtay waxa uu yimi gurigii hooyadii ayuu u
sheegay in ay guurayaan maalinta salaasada sidaa daraadeed wixii
allaab ah ee la qaad an karo ay xidhxidhaan..
La soco qaybta 2aad
oo aad u xiiso badan
Sacad ciise cumar.
Berbera Somaliland
e-mail f_bihaary@hotmail.com
NB:- waxaan akhristayaasha
sharadfta leh xasuunayaa in dhacdooyinka ninkaasi la soo kulmay ayaa
ahaayeen
qaar xanuun badan dhamaantoodna aan soo wada qori doona insha
allaaha… |