WAR-SAXAAFADEED
Shir ay yeesheen Golaha Wasiirrada Xukuumadda JSL oo uu
shir-guddominayay Madaxway naha JSL, lana qabtay24/12/2015, kana
dhacay hoolka shirarka ee Madaxtooyada, ujeed adiisuna ahayd adkaynta
nabadgalyada iyo amniga qaranka, gaar ahaan ilaalinta xuduud aha
dalka (Cir,Bad iyo Berriba) iyo khataraha ka iman kara isu socodka,
ayaa waxa lagaga dooday qoddobada hoos ku xusan:-
1) Arrimaha Isu-socodka Jam. Somaliland iyo Soomaaliya,
2) Adkaynta Xuduudaha ay Somaliland la leedahay dalalka deriska ah,
3) Ka hortagga Tahriibayaasha dhexmara Jam. Somaliland,
4) Dadka Ajaanibka ah ee sida sharci-darrada ah ku jooga Somaliland.
Haddaba, Golaha Wasiirradu markii ay si miisaaman oo qoto dheer uga
doodeen ugana ba araan dageen arrimaha Isu-socodka dalalka deriska
ah, isla markaana ay si qoto dheer ugu kuur galeen xaaladda haatan
taagan ee la xidhiidha Dadka Ajaanibka ah ee dalka sharci-darrada ku
jooga iyo Qul-qulka Tahriibayaasha iyo dadka wax tahriibiya, waxay
go’aamiye en qoddoban hoos ku xusan.
GO’AAMADA GOLAHA WASIIRRADA
1. Dadka u dhashay Dalka Soomaaliya ee u kala Safraya labada dal:
Dadka u dhashay Dalka Soomaaliya waxaa laga rabaa:
a) In ay haystaan aqoonsi buuxa (passport) si ay uga soo deggaan
garoomada dalka Jam. Somaliland ama uga soo galaan xuduudaha kale.
b) Qofkii ka dhoofaya garoomada Somaliland ee aan haysan passport
waa in uu ka soo qaato xafiiska socdaalka “Somaliland Immigration
Office” warqadda socdaalka ee ku laabashada dalkiisa “Go Home Paper”
ka hor inta aanu goosan ticket-ka duulista uu ku laabanayo.
c) Dadka reer Soomaaliya, si loogu fududeeyo looguna dhiirigeliyo
inay isticmaalaan Passport-ka dalkooda (Soomaaliya), qiimaha gelidda
dalka “Entry Fee” waxa laga dhigay $15 (shan iyo toban Dollar)
qofkiiba.
2. Muwaadiniinta Jam. Soomaliland ee u kala Safraya labada dal:
Muwaadiniinta Jam. Soomaliland ee u socdaalaya Dalka Soomaliya
“Marka laga reebo inta aan xeerararka JSL u oggolayn” waxa looga
baahan yahay in ay haystaan:-
a)Passport-ka Dalka Jam. Somaliland, haddii kale Ticket looma goyn
doono ama
b)Warqada aqoonsiga jinsiyadda muwaadinka Jam. Somaliland (ID),
Muwaadinka u dhashay Jam. Somaliland ee ku soo noqonaya dalka waxaa
looga baahan yahay:
a) In uu haysto/in ay haysato Passport Jam. Somaliland ama
b) Warqada aqoonsiga jinsiyadda muwaadinka Jam. Somaliland (ID) ama
c) In uu keeno/ in ay keento qof dammiin ah oo isaga/iyada garanaya
in uu yahay /in ay tahay muwaadin u dhashay Jam. Somaliland ah, isla
markaana uu soo buuxiyo/ ay soo buuxiso Warqadda Macluumaadka
Shaqsiga oo ay bixin doonaan Shirkadaha Diyaaraduhu.
3.Arrinta Dadka Ajaanibka ah ee Sharci-darrada ku jooga Dalka iyo
Qul-qulka Tahriibayaas ha:
1)-Waxa reeban in qof ajaanib ahi uu dalka iska soo galo bilaa Fiise
(Cir, Bad iyo Berri)’ fiisaha dalka lagu soo galayo waxa laga bixin
doonaa marinka ugu horeeya ee uu qofku Jam. Somaliland ka soo galayo,
iyadoo si degan loo hubinayo. Sidoo kale, Fiisaha dalka lagu soo
galayo waxa uu qofku ka soo qaadan karaa dalka uu ka imanayo isagoo
maraya Xafiiska Somaliland uga furan dalkaas.
2)-Waxa reeban in dadka shisheeyaha ah ee aan isir ahaan u dhalan
JSL ay sharci-darro ku joogaan dalka. Laga bilaabo 01.01.2016 ruux
kasta oo sharci-darro ku jooga JSL waa in uu kaga baxo 30 cisho
gudahood, ama waa in uu muddadaa gudaheeda ku qaato Warqadda
Oggolaanshaha Degganaanshaha Dalka. Muddadaa kaddib, Hay’adaha
Ammaanka ee ay arrintani khusayso waxa ku waajib ah inay qofka ka
saaraan Dalka Jam. Somaliland.
3). Laga bilaabo 01.01.2016-ka, go’aamada ka soo baxay Xukuumaddu
waxay si rasmi ah u mamnuucayaan in Goobaha Ganacsiga sida
Hoteellada la seexdo, Xawaaladaha, Guryaha la kireeyo, Macraddada
Baabuurta, iwm ay qofka u adeegaan illaa ay si buuxda u hubiyaan
sugnaanshihiisa oo ay waydiiyaan aqoonsi “ID card” isla markaana ay
nuqul ka reebaan aqoonsigiisa.
4) Laga bilaabo 01.01.2016-ka, go’aamada ka soo baxay Xukuumaddu
waxay si rasmi ah u mamnuucayaa in Shirkadaha Telefoonnada iyo Is-gaadhsiintu
ay iibiyaan sim-card-ka telefoonka aqoonsi la’aan. Cid kasta oo loo
furayo khadka telefoonka waa in la diiwaangeliyo, koobi aqoonsigooda
ahna laga reebo.
5) Xukuumadda JSL waxay shacbi weynaha Jam. Somalilandka ku
adkaynaysaa inay feejignaadaan kana wada shaqeeyaan sugitaanka
amniga iyo xasiloonida dalkooda. Sidoo kale, Xukuumaddu waxay shacbi
weynaha ku wargelinaysaa inay u hoggaansamaan go’aannada cusub isla
markaana ay si buuxda ula shaqeeyaan Hay’adaha Qaranka ee amniga ku
hawlan.
6)-Waxa reeban in qof ajaanib ahi wax shaqo ah ka qabto
Jamhuuriyadda Somaliland ruqsad la’aan. Cid kasta oo aan u dhalan
dalkan, waxa ku waajib ah in ay qaadato Warqadda Ruqsadda Shaqada.
Laga bilaabo 01.01.2016-ka, qof kasta oo Ajaanib ah oo ka shaqeeya
Dalka (nooc kasta oo ay tahayba) waa inuu muddo ku siman 30 cisho ku
qaato Warqadda Ruqsadda Shaqada“Work Permit”. Muddadaa kaddib,
Hay’adaha Ammaanka ee ay arrintani khusayso waxa ku waajib ah inay
qofka ka joojiyaan shaqada uu hayo, haddii aanu lahayn sharcina ay
Dalka ka saaraan.
7)-Wasaaradda Arrimaha Gudaha (Laanta Socdaalka) iyo Hay’adaha kale
ee ay arrintani khusayso waa in ay kormeer joogto ah ku sameeyaan
meel marinta iyo fulinta go’aamadan saamaynta ku leh arrimaha
nabadgelyada dalka.
8)-Iyadoo laga duulayo xaaladaha amniga mandaqada Geeska Afrika,
dhinaca kalena mudnaanta la siinayo nolosha iyo daryeelka
muwaadiniinta JSL, Xukuumadda JSL waxay si cad ugu digeysaa
Tahriibayaasha dalkeeda dhex mara. Ciidamada iyo Hay’adaha kale ee
ammaanka waxa la farayaa in ay ka qaadaan tallaabada ku habboon.
ALLAA MAHAD LEH
Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.
|