Adduunka ama Kownka(Qaybtii 37aad)

 

Shaydaanka
Shaydaanku waa cadaw cad,oo Insaanku leeyahay,Alle ayaa inoo sheegay,oo inooga digey,waana in mar walba,la iska naaro,oo Alle laga magan galo:
أعود بالله من الشيطان الرّجيم
Alle ayaan ka magan galay Shaydaanka,la arjimay,ee la dheereeyey.
Qofka muslinka ahi,waa in uu ku jiro,feejignaan iyo digtoonaan,oo aanu u ogolaan,in Shaydaanku helo,fursad uu ku soo galo arrimihiisa,oo ku rido khalkhal,iyo in uu u qurxiyo waxa diintu ka reebtay,oo u sakhiro,markaa waa in mar kasta la iska naaro:
فإذا قرأت القرءان فاستعد بالله من الشيطان الرّجيم إنّه ليس له سلطان على الّذين ءامنوا وعلى ربّهم يتوكلون إنّما سلطانه على الّذين يتولّونه والّذين هم به مشركون (النحل)
Aayadda:haddii aad akhrido Quraanka,Alle ka magan gal Shaydaanka,oo cawdu billayso,isagu wax xujo ah,uma helayo kuwa Alle iyo Nebigiisa rumeeyey,ee Rabbigood talasaartay,waxa uu xujo,u helayaa kuwo la jira,ee isaga la shariig yeelaya.
Mar kasta waa,in qofka muslinka ahi,Shaydaanka iska naaro,oo wax kasta,oo uu qabanayo,Alle ka magan galo,in uu Shaydaanka ka dheereeyo.
وقل ربّ أعوذ بك من همزات الشّيطان وأعوذ بك أن يحضرون(المؤمنون)
Aayadda:dheh(Nebi Allow)Rabbiyow waxan kaa magan galay,Shaydaanka waswaaskiisa,iyo dareengelintiisa,iyo in uu igu soo xaadiro,oo ii yimaaddo.
Shaydaanku waxa uu ka mid yahay,makhluuqaadka Alle abuurtay,ee Alle caasiday,ee amarkiisa ka hortimi,Shaydaanka waxa Alle ka abuuray naar,halka Insaanka laga abuuray dhoobo:
ولقد خلقنا الإنسان من صلصال من حماء مسنون والجانّ خلقناه من نار السّموم(الحجر)
Aayadda:xaqiiqa'e,waxannu Insaanka ka abuurnay,dhoobo aannu qallajinnay,oo qaabaynay,Jinkana waxa aannu ka abuurnay,naar huraysa.
Shaydaanku waxa,uu ka mid yahay Jinka,oo markii Malaa'igta,uu Alle amray,in ay u sujuudaan Aadan,way wada sujuudeen Malaa'igtu,Ibliiska oo Jinka ka mid ahaa,isagu wuu diiday in uu sujuudo:
وَإِذْ قُلْنَا لِلْمَلَائِكَةِ اسْجُدُوا لِآَدَمَ فَسَجَدُوا إِلَّا إِبْلِيسَ كَانَ مِنَ الْجِنِّ فَفَسَقَ عَنْ أَمْرِ رَبِّهِ أَفَتَتَّخِذُونَهُ وَذُرِّيَّتَهُ أَوْلِيَاءَ مِنْ دُونِي وَهُمْ لَكُمْ عَدُوٌّ بِئْسَ لِلظَّالِمِينَ بَدَلًا(الكهف)
Aayadda:waqti xus(Nebi Allow)aannu ku nidhi Malaa'igta u sujuuda Aadam,oo ay u sujuudeen,Ibliis ma ahaane,waxa uu ka mid ahaa Jinka,oo wuxu fasakhay,oo buriyey amarkii Rabbigiis,waar ma waxad ka yeelanaysaan,isaga iyo durriyadiisa kuwo jaal ah,oo aad la jirtaan,iyagoo idiin ah cadow,waxa xumaaday daallimiintu,waxa ay bedel ka yeesheen.
Shaydaanka innagu ma arki karno,halka isagu ina arki karo,oo waa amar Eebbe,iyo xikmadda Eebbe,in ay sidaas ahaato:
إنَّهُ يَرَاكُمْ هُوَ وَقَبِيلُهُ مِنْ حَيْثُ لاَ تَرَوْنَهُمْ إِنَّا جَعَلْنَا الشَّيَاطِينَ أَوْلِيَاء لِلَّذِينَ لاَ يُؤْمِنُونَ) الأعراف)
Aayadda: isaga iyo qabiilkiisu,way idin arki karaan,idinkuse ma arki kartaan
Shaydaanku kibir,iyo isweyneyn darteed ayuu Aadan,ugu sujuudi waayey,oo maadaama Alle ka abuuray naar,ayuu iska weyneyey basharka laga abuuray dhoobada:
ولقد خلقناكم ثمّ صورناكم ثمّ قلنا للملائكة اسجدوا لأدم فسجدوا إلا إبليس لم يكن من السّاجدين قال ما منعك إذ أمرتك قال أنا خير منه خلقتني من نار وخلقته من طين (ألأعراف)
Aayadda:xaqiiqa'e waannu idin abuurnay,dabadeed suuradda iyo qaabka ayaan idiin samaynay,oo ku nidhi Malaa'igta u sujuuda Aadam,way sujuudeen Ibliis mooyee,oo kama mid ahayn inta sujuuddey,waxa Alle ku yidhi;maxaa kaa manciyey,oo kuu diidey in aad u sujuuddo,haddaan ku amray,wuxu Ibliis yidhi;anigaa ka khayr badan,oo waxa aad iga abuurtay naar,isagana waxad ka abuurtay dhoobo.
Shaydaanku waxa uu ballan ku galay,in uu lumiyo,oo xumaha u qurxiyo Insaanka,oo ka hor istaago,cibaadada Alle,waxana arrinkaa cadaawaddu bilaabantay,markii uu diiday,in uu u sujuudo Aadan,ee la nacladay,oo la dheereeyey,waxana uu Alle ka dalbaday,in uu siiyo cimri,oo aanu dilin,ilaa Qiyaamaha,Allena wuxu u ogolaaday, in muddo ah oo Alle ogyahay:
قال ربّ فأنظرني إلى يوم يبعثون قال إنّك من المنظرين ألى الوقت المعلوم(الحجر)
Aayadda:(Shaydaanku)wuxu yidhi Rabbiyow i eeg,oo i daa,ilaa iyo maalinta la isa soo saarayo(Qiyaamaha)waxa Alle ku yidhi;waa lagu eegayaa,oo lagu daynayaa,ilaa waqti go'an.
قال أرءيتك هذا الّذي كرّمت عليّ لئن أخرتن إلى يوم القيامة لأحتنكنّ ذرّيّته إلا قليلا قال إذهب فمن تبعك منهم فإنّ جهنّم جزاءكم جزاءً موفورًا واستفزز من استطعت منهم بصوتك وأجلب عليهم بخيلك ورجلك وشاركهم في الأموال والأولاد وعدهم وما يعدهم الشيطان إلا غرورًا إنّ عبادي ليس لك عليهم سلطانٌ وكفى بربّك وكيلا (ألإسراء)
Aayadda:(Shaydaanku)wuxu yidhi eeg ka aad iga fadishay,haddii aad i dib dhigto,ilaa iyo maalinta Qiyaame,waan dhexgeli,oo duufsan durriyadiisa,in yar mooyee,waxa Alle yidhi;orod adiga,iyo kii ku raaca,ee iyaga ka mid ahba,Jahanama ayaa,u ah jasaa,iyo abaal ku habboon,codkaaga ugu dheeldheel ka aad karto,oo ku soo jiido fardahaaga,iyo lugahaaga,oo la wadaag maalka,iyo ubadka,oo u qaad ballamaha, ma uu qaadayo Shaydaanku ballan,aan ahayn mid dagis ah,Addoomadayda kuuguma sugnaanin wax xujo ahi,kii raaca ee xadgudubsan mooyee,oo Jahannama ayaa u ballan ah dhamaantood.
Waxa Alle dejiyey Aadan,iyo Xaawo Jannada,oo geed keliya la yidhi ha cunina:
وقلنا يآءدم اسكن انت وزوجك الجنة وكلا منها رغدا حيث شئتما ولا تقربا هذه الشجرة فتكونا من الظالمين(البقرة)
Aayadda:waxa aannu ku nidhi;Aadanow adiga iyo Xaawo Jannada dega,oo cuna wax kastoo Jannada yaalla,bes ha u dhowaannina,geedkaas oo qudha.
Waxana Illaahay uga digay oo digniin ka siiyey Shaydaanka oo yidhi iska ilaaliya, cadaw buu idin yahaye,yuu jannada idinka saarin,oo yaydinaan,deed dhibaato mudane
يا آدم إن هذا عدو لك ولزوجك فلا يخرجنكما من الجنة فتشقى (طه)
Aayadda:Aadanow kaasi(Shaydaanku)wuxu adiga,iyo sawjadaada u yahay cadowe,yuu Jannada idinka saarin,dabadeed aydinaan dhibaatoone.
Shaydaanku ballantiisii,waxa uu ku bilaabay,Aadan laftiisa,oo iyadoo looga digay,in Shaydaanka ay iska ilaaliyaan,oo la yidhi,yaanu Jannada idinka saarin,waa cadowe, ayuu haddana waswaasiyey,oo khalkhal ku riday,oo geedkii la yidhi ha cunina,ku yidhi cuna,oo u been dhaartay:
فوسوس إليه الشيطان قال يا آدم هل أدلك على شجرة الخلد وملك لا يبلى ، فأكلا منها فبدت لهما سوءاتهما وطفقا يخصفان عليهما من ورق الجنة وعصى آدم ربه فغوى( طه)
Aayadda:waswaas,iyo khalkhal buu ku abuuray,oo wuxu ku yidhi:ma idin tusaa geedka haddaad cuntaan,aad waaraysaan,ooweligiin barwaaqo,iyo mulki aan dhamaad lahayn helaysaan!,markuu ku qanciyey,oo waswaas ku ridey,markaas ayay dhadhamiyeen geedkii,markaas ayaa cawrooyinkoodii isu muuqdeen,dabadeed si degdeg ah ayay caleemihii Jannada,Cawrooyinkoodii ugu astureen,Aadan Rabbigiis wuu caasiyey,oo amarkii la siiyey buu jebiyey,oo denbi galay.
Illaahay ayaa Aadan,iyo Xaawo weydiinaya,waxa ay amarkii u jebiyeen:
وناداهما ربهما الم انهاكما عن تلكم الشجرة واقل لكما ان الشيطان لكما عدو مبين( طه)
Aayadda:waxa u dhawaaqaya,Rabbigood;miyaanan idinka reebin geedkaa,oo idinku odhan,Shaydaanku cadow cad ayuu idiin yahay.
قالا ربنا ظلمنا انفسنا وان لم تغفر لنا وترحمنا لنكونن من الخاسرين( طه)
Aayadda: Waxay Aadan iyo Xaawo yidhaahdeen;Rabbiyow naftayada waannu dulminnay,haddii aanad noo denbi dhaafin,khasaare ayaanu ku dhacaynaa,oo kuwo khasaaray baanu noqonaynaa.
Alle subxaana watacaalee,wuu u denbi dhaafay,waa naxariis badane'e,kolkaas baa Aadan iyo Xaawo,Jannadii inta laga soo saaray,la dejiyey Dhulka,
قال اهبطوا بعضكم لبعض عدو ولكم في الارض مستقر ومتاع الي حين قال فيها تحيون وفيها تموتون ومنها تخرجون(الاعراف)
Aayadda:waxa Alle ku yidhi;dega dhulka,waxa badhba badhka kale,u ahaan doonaa cadaw,oo waxad ku sugnaan doontaan,muddo go'an,dhulkan waa laydinka abuuray waadna ku dhiman doontaan,waana laydinka soo saari doonaa.
Shaydaanku,sidii uu ballanta ku qaaday,ee ku guulaystay,in uu Aadan,iyo Xaawo Jannada,ka soo saaro,weli ballantiisii way socotaayoo,waa kii Alle ka dalbaday,in la daayo ilaa Qiyaamaha,mar kasta wuxu dhufayska ugu jiraa sidii uu u lumin lahaa Bini-aadamka,Illaahayna wuu inoo digay,oo in aanu ina dagin,siduu Aabbayaasheen uga soo saaray Jannada,waa in qofku ogaado,in uu leeyahay cadaw dhab ah,oo digtooni ku jiro mar kasta,oo Shaydaanka iska naaro,oo Alle ka magan galo:
يا بني ادم لا يفتننكم الشيطان كما اخرج ابويكم من الجنه ينزع عنهما لباسهما ليريهما سوءاتهما انه يراكم هو وقبيله من حيث لا ترونهم انا جعلنا الشياطين اولياء للذين لا يؤمنون} (الاعراف)
Aayadda:reer Bini-Aadamow yuu idiin fidnayn Shaydaanku,sidii uu uga saaray, Aabbayaashiin Jannada,ee ka siibay dharkii,si uu cawrooyinkooda,u muujo,oo u tuso,isaga iyo qabiilkiisu,way idin arki karaan,idinkuse ma arki kartaan,waxannu Shayaadiinta uga dhignay jaal,iyo wehel,kuwa aan Alle rumayn.
Waxa qofka muslinka ah,laga raba taxadir,iyo feejignaan joogto ah,oo in ay iska ilaaliyaan Shaydaanka,Islaamka iyo waxa uu dhigayona wada qaataan,oo si dhamaystiran u fuliyaan,waajibaadka ay diinta Islaamku farayso:
ياأيها الذين ءامنوا أدخلوا في السّلم كافة ولا تتّبعوا خطوات الشيطان إنّه لكم عدوٌّ مبين(البقرة)
Aayadda:kuwa Alle iyo Nebigiisa rumeeyow,gala Islaamka si dhamaystiran u gala,oo ha raacina,tallaabooyinka Shaydaanka,isagu waxa uu idiin yahay cadow caddaan ahe.
Shaydaanku waxyaalaha,uu adeegsado,ee uu Insaanka ku duufsado,waxa ka mid ah;in uu u qurxiyo waxyaalaha xunxun,oo ku dhiirriyo,ugana dhigo wax fudud,oo aan dhibi ka imanayn,iyo in uu daba ka werwer,iyo cabsi faqri geliyo,oo kala dagaallamo,in uu wax bixiyo,oo sadaqaysto,oo ku yidhaahdo;xoolahaagu gabaabsi bay ku sii jiraane dhawro,oo kaydso:
الشيطان يعدكم الفقر ويأمركم بالفحشاء والله يعدكم مغفرة منه وفضلا والله واسع عليم (البقرة)
Aayadda:shaydaanku wuxu idiin yaboohayaa,oo idiinku yeedhayaa faqri,oo wuxu idin amrayaa faxshi iyo xumo,Allena wuxu idiinku yeedhayaa,denbi dhaafkiisa iyo fadligiisa,Alle waa ka cilmigiisu waasic yahay.
Shaydaanku sidoo kale,waxa uu qofka illowsiiyaa,qabashada iyo samaynta khayrka,oo wuxu mar kasta isku deyaa,in uu la dagaallamo,in qofku ajar kasbado:
استحوذ عليهم الشيطان فأنساهم ذكر الله أولئك حزب الشيطان ألا إنّ حزب الشيطان هم الخاسرون(المجادلة)
Aayadda:waxa hareereeyey Shaydaanka,oo illowsiiyey,digrigii Alle,kuwaasi waa xisbiga Shaydaanka,waar hooy xisbiga Shaydaanku,waa kuwo khasaaray.
Waxa uu isku dayaa Shaydaanku,in uu dadka shaki iyo colaad ka dhex abuuro,oo xanshaashaq,iyo isla faqid,iyo waxyaalo dareen keenaya,ayuu dadka ku dhiirriyaa:
إنّما النّجوى من الشيطان ليحزن الّذين ءامنوا وليس بضّارهم شيئًا إلا بإذن الله وعلى الله فليتوكل المؤمنون(المجادلة)
Aayadda:faqa,iyo hadalka la qarsadaa,Shaydaanka ayuu ka sugnaaday,si uu u murugo geliyo,kuwa Alle iyo Nebigiisa rumeeyey,mana aha,kuwo wax dhibaato ah,la iman kara,wax Alle idmo mooyee,ee ha tala saarteen muuminiintu Allohood.
Waxa diinteenna xaniifka ahi,ina faraysaa,in aynaan samayn kala fiqid,oo dadka dareen gelin,oo ka shakisiin,waa akhlaaqda diinteennu,ina barayso:
قال رسول الله صلى الله عليه وسلّم"إذا كنتم ثلاثة فلا يتناجى اثنان دون دون الثالث"
Xadiiska:Rasuulka nabadgelyo iyo naxariisi,korkiisa ha ahaatee,waxa uu yidhi;haddii aad saddex tihiin,yaanay laba isla fiqin,(kii saddexaad wuu dhibsanayaaye).
Shaydaanku wuxu adeegsadaa,in uu cabsi geliyo dadka,oo gaadhsiiyo,heer ay isaga ka baqaan,laakiin ma sixi karo,oo dariiq uma helo,qofka qabsada xadhiga Eebbe:
إنّما ذالكم الشيطان يخوف أوليائه فلا تخافوهم وخافون إن كنتم مؤمنين(العمران).
Aayadda:kaasi waa shaydaan bajinaya kuwa raaca,ee weheshada,ha ka biqina,oo aniga iga baqa,haddaad tihiin kuwo muuminiin ah.
Shaydaanku waxa uu caddaystay colaadda,iyo cadowtinimada uu Insaanka u qabo:
لعنه الله وقال لأتّخذنّ من عبادك نصيبًا مفروضًا ولأضلّنّهم ولأمنّينّهم ولأمرنّهم فليبتكنّ ءاذان الأنعام ولأمرنّهم فليغيرنّ خلق الله ومن يتّحذ الشّيطان وليًّا من دون الله فقد خسر خسرانًا مبينًا(النسّاء)
Aayadda:Alla ha nacladee(shaydaanku)wuxu yidhi waxan ku yeelanayaa nasiib weyn,oo waan lumin doonaa,oo niyadda u dhisi doonaa,oo amri doonaa in ay xoolaha dhegaha qaybo ka jarjaraan,oo waxan amrayaa,inay beddelaan abuurta Eebbe,qofkii ka samaysta wehel shaydaanka,Alle sokadiis wuxu xaqiiqadii ku sugan yahay baadi cad.
Waxa in badan Alle,inoo sheegay,in Shaydaanku inoo yahay cadow,oo uu doonayo,in aynu naarta la gallo,oo aanu keligii gelin,markaa Alle wuxu inoo sheegayaa,in aynu iska ilaalino,oo ka taxadirno,oo aynaan fursad qudha siin,cadowna ka dhiganno:
إن الشيطان عدو لكم فأتخذوه عدوا إنما يدعوا حزبه ليكونوا من أصحاب السعير( فاطر)
Aayadda:Shaydaanku waa cadawgiinna,ee ka yeesha oo ka dhigta cadaw,wuxu idiinku yeedhayaa xisbigiisa si aad Asxaabta Saciira(cadaabta) gelaya uga mid noqotaan.
Shaydaanku dadka uu duufsado,hadhow wuu kaga baxaa,intuu marka hore u ballan qaado,ayuu markuu dabinka ku rido yidhaahdaa,anigu kuma jiro,ee adigaa doontay.
Marka ay timaaddo runtu ee qiyaamuhu dhaco,ayaa shaydaanku dadkii uu ugu yeedhay,in ay raacaan,oo sameeyaan wax khilaafsan,xaqa Alle ina farayo,ayuu kaga baxayaa,oo odhanayaa anigu masuul idinkama ihi,khaladka idiinkaa sameeyey:
وقال الشيطان لمّا قضي الأمر إنّ الله وعدكم وعد الحقّ ووعدتّكم فاخلفتكم وما كان لى عليكم من سلطان إلا أن دعوتكم فاستجبتم لي فلا تلوموني ولوموا أنفسكم وما أنا بمصرخكم وما أنتم بمصرخي إنّي كفرت بما أشركتموني من قبل إنّ الظالمين لهم عذاب أليم(إبراهيم)
Aayadda:wuxu shaydaanku ku odhanayaa dadkii raacay,marka saacaddu timaaddo;All ballan xaq ah ayuu idiin ballan qaaday,anna waan idiin ballan qaaday,oo ballantaydii waan buriyey,wax xujo ahna idiinma hayo,aan ahay in aan idiin yeedhay, oo aad aqbasheen yeedhmadaydii,ha i canaananina,ee naftiinna canaanta,anigu idiin gargaari maayo,idinkuna iima gargaaraysaan,oo waan ka noqday waxad hore iigu shariig yeesheen,daalimiintu cadaab kulul ayay gelayaan.
كمثل الشيطان إذ قال للإنسان اكفر فلمّا كفر قال إنّي بريءمنك إنّي أخاف الله ربّ العالمين(الحشر)
Aayadda:waa sida Shaydaanka,marka uu ku yidhaahdo Insaanka kufri,oo gaalow,haddana yidhaahda,anigu kuma jiro,oo arrinka kulama qabo,anigu waxa aan ka baqayaa,Rabbiga caalamiinta.
وإذ زيّن لهم الشّيطان أعمالهم وقال لا غالب لكم اليوم من النّاس وإنّي جارٌ لكم فلمّا ترآءت الفئتان نكص على عقبيه وقال إنّي بريءٌ منكم إنّي أرى ما لا ترون إنّي أخاف الله والله شديد العقاب(الأنفال)
Aayadda:waqti xus(Nebi Allow)uu u qurxiyey Shaydaan camalladoodii,oo ku yidhi,cidi idinkama xoog weyna,oo idinkama adka maanta,oo anaga ayaa idinla jira,oo jaar idiin ah,markay isu muuqdeen,labadii kooxood,ayuu dib uga baxay.
Qofku waa in uu midigta,adeegsadaa haddaanu gurranayn,si aanu ula wadaagin:
عن ابن عمر أن النبي محمد صلى الله عليه وسلم قال: (إذا أكل أحدكم فليأكل بيمينه، وإذا شرب فليشرب بيمينه، فإن الشيطان يأكل بشماله ويشرب بشماله)، وفي مسند الإمام أحمد عن النبي محمد قال: (من أكل بشماله أكل معه الشيطان، ومن شرب بشماله شرب معه الشيطان) روي في صحيح مسلم
Xadiiska:waxa Ibnu Cumar laga weriyey,in Rasuulku sallallaahu calayhi wasalam,yidhi;haddii midkiin wax cuno,ha ku cuno midigtiisa,oo hadduu wax cabbo,ha ku cabbo midigtiisa,Shaydaanka ayaa bidixda waxna ku cuna,waxna ku cabba'e.waxa kale oo Iimaam Axmed Musnadkiisa ku sheegay,in Rasuulka Alle nabadgelyo,iyo naxariisi,korkiisa ha ahaatee yidhi;kii wax ku cuna bidixdiisa, Shaydaanka ayaa la cuna,oo kii ku cabba bidixdiisa,Shaydaanka ayaa la cabba.
Alle subxaana watacalaa,isagoo la hadlaya,kuwii uu duufsaday,Shaydaankii looga digay,ayuu odhanayaa miyaanan idiinka digin,oo idiin sheegin:
ألم أعهد إليكم يا بني ءادم أن لا تعبد الشيطان إنّه لكم عدوٌّ مّبينٌ وأن اعبدوني هذا صراطٌ مستقيمٌ ولقد أضلّ منكم جبلا كثيرًا أفلم تكونوا تعقلون(يس)
Aayadda:miyaan la idinkula ballamin,Bini-aadamkow,in aydinaan caabudin Shaydaanka,isagu waxa uu idiin yahay cadaw dhab ahe,oo aad Aniga i caabuddaan,kaas ayaa ah,dariiqa toosan,ee mustaqiimka ahe,xaqiiqa'e waxa uu lumiyey,dad fara badan,waar miyaydaan caqlisanayn,oo caqli qaadanayn.
Shaydaanka dhagartiisa,iyo dagistiisu waa daciif,oo qofka Alle talosaarta,ee mar kasta Alle ka magan gala,ee iska naara,waxba kama qaadi karo,oo uma soo dhowaado:
إنّ كيد الشيطان كان ضعيفاً (النسّاء)
Aayadda:Shaydaanka dhagartiisu,waa mid daciif ah.
Waxa looga baahan yahay,qofka muslinka ah,in uu Islaamka si dhab ah,oo dhamays ah,ugu dhaqmo,oo noloshiisa ka dhigo mid ka shiidaal qaadata amarrada Eebbe:
ياأيها الذين ءامنوا أدخلوا في السّلم كافة ولا تتّبعوا خطوات الشيطان إنّه لكم عدوٌّ مبين(البقرة)
Aayadda:kuwa Alle iyo Nebigiisa rumeeyow,gala Islaamka si dhamaystiran u gala,oo ha raacina,tallaabooyinka Shaydaanka,isagu waxa uu idiin yahay cadow caddaan ahe.

Sharka cawdubilla ee Shaydaanka iga naar
Shaydaanka iga naar Shaydaanka iga naaaar
Shaqadiisu shirqool iyo xumaan
Shar inuu ku bado oo
Shiddo kugu riduu
Sharad adag u galay
Sharka cawdubilla ee Shaydaanka iga naar
Shaydaanka iga naar Shaydaanka iga naaaar
Shebekadduu xidhuu
Shillal kaaga dhigi
Oo kugu shidhayn
Haddaanad ka shawrino
Sheeddaa ka garanoo
Shuushkiisa tirin
Ku shaashee ninkuye
Sharka cawdubilla ee Shaydaanka iga naar
Shaydaanka iga naar Shaydaanka iga naaaar
Shax buu kuu degaa
Xumuhuu shakaal
Shaadh u soo geshaa
Qurux kuu sharxaa
Shabaabkuu hodaa
Shaanshaan ka tuuraa
Sharka cawdubilla ee Shaydaanka iga naar
Shaydaanka iga naar Shaydaanka iga naaaar
Sheeko beena buu
Shaal kuu huwinoo
Shaxshax kaaga dhigi
Markaad shaaxiddona
Shanta hayla soo gelin
Ha i sheegan anigiyo
Shidduu kugu abuuraa
Sharka cawdubilla ee Shaydaanka iga naar
Shaydaanka iga naar Shaydaanka iga naaaar
Shalow iyo iliiluu
Kugu shalwinayaa oo
Shiilcaska iyo dhadhaabbuu
Shafka kuugu beegaa
Hadhow baad shanlaysaa
Shaydaanka garataa
Sharka cawdubilla ee Shaydaanka iga naar
Shaydaanka iga naar Shaydaanka iga naaaar
Sharaftaadu waxay tahay
Sharciga Eebbe dhigay iyo
Shareecadiisa ku hanuun
Cilmigana shubaal bixi
Shey yaanu kaa lumin
Shucuurtiyo dareenkuna
Meel shishe ha yaalliin
Allaa shaafi kuu noqon
Sharka cawdubilla ee Shaydaanka iga naar
Shaydaanka iga naar Shaydaanka iga naaaar
Shakhsigii uu duufsado
Intu shiiqiyaa buu
Hilibkiisa shiilaa
Shuftiraa aqoontiyo
Sharaftiyo xishoodkoo
Shaanbad kugu sameeyaa
Sharka cawdubilla ee Shaydaanka iga naar
Shaydaanka iga naar Shaydaanka iga naaaar
Wuxu kuu shareeraa
Shaal kuu huwinayaa
Shiddadiyo dhibaatada
Shareecadu ay reebtoo
Shacni iyo dhalaaliyo
Sheeko kaaga allifaa
Sharka cawdubilla ee Shaydaanka iga naar
Shaydaanka iga naar Shaydaanka iga naaaar
Shahaadada ninkii qiray
Sharcigana ilaashaday
Ee shuushow baxeey yidhi
Shaydaan ma taabtee
Ninka shaadali u shuba
Shaqa gelin ku sooree
Shiishkiisa la hubsado
Shaki buu ku noolyoo
Shaabuugyo naaruu
Shafka u dhiganaayaa
Sharka cawdubilla ee Shaydaanka iga naar
Shaydaanka iga naar Shaydaanka iga naaaar
Sharaf Allaa lahaadoo
Shakhsi lama wadaagee
Shahaadada ninkii qira
Shacni wacan haleelyoo
Shaahid taa Allaa ka ah
Shaydaanka iga naar
Sharka cawdubilla ee Shaydaanka iga naar
Shaydaanka iga naar Shaydaanka iga naaaar
Waxa aynu Allaha awoodda leh,ka baryaynaa,in uu inagu toosiya waddada toosan,oo inaga badbaadiyo dhagarta,iyo dagista Shaydaanka,Aamiin,Aamiin.
 


Saeed Ibrahim Hussein
As/w/w