Adduunka ama Kownka
ad)Qaybtii 16aad

 


Cilmiga iyo waajibnimadiisa

Cilmigu waa shey ku waajib ah muslin kasta,oo laga rabo qof kasta oo muslin ahi,inuu barto oo ka baxo jaahilnimada:

قال رسول الله صلى الله عليه وسلم ( طلب العلم فريضة على كل مسلم ومسلمة(

Xadiiska:wuxu Rasuulku sallallaahu calayhi wasalame yidhi cilmiga dalbidiisa iyo raadsigiisu waa ku waajib muslin kasta.
Cilmigu waa barashada wax cusub ha wada ahaado wax ku cusub la kulmaha ama badhkii ha cusbaadee waa aqoonsiga iyo qabatinka naftu ama jidhku qabatimayaan la dhaqanka iyo adeegsiga sheygaa iyo uga faa'iidaysiga sida ugu haboon ee ay ku jirto natiijo waxtar laga filayo.

Waxa wax la barto ugu qaalisan oo ugu qiimo badan,Quraanka iyo qaybaha diinta Islaamka ee qofku ku baranayo,waxa diintiisu farayso iyo waxay ka reebayso,sidoo kale ogaanayo oo aqoon u yeelanayo shey kasta wuxuu mudan yahay,iyo waxa isaga la gudboon inuu sameeyo iyo sida uu u samaynayo,sidaynu soo tilmaannay Quraanku waa waxa ugu qiimaha badan wax la barto:

يقول الرسول صلى الله عليه وسلم : ( خيركم من تعلم القرآن وعلمه ) أخرجه البخاري

Xadiiska:Rasuulka Alle sallallaahu calayhi wasalam wuxu yidhi ka idiinku khayr badani waa ka barta quraanka ee dadkana bara.
Suuraddii ugu soo hordegtay quraanka waxay ku bilaabantay Akhri oo laga dalbayo Rasuulka salawaatullaahi wasalaamu calayhi inuu akhriyo,waxay suuraddu ku bilaabantay akhri magaca illaahay,kii abuuray,ee ka abuuray dadka xinjir yar,Akhri rabigaaga kariimka ah,ka baray sida qalinka wax loogu qoro,ee baray dadka wax aanay aqoonin.

إقرأ باسم ربك الذي الخلق خلق الانسان من علق اقرأ وربك الاكرم الذي علم بالقلم علم الانسان ما لم يعلم ( العلق)

Qof kasti markuu dhasho wuxu ku dhashaa fidrada oo isagoo ah Islaanimo ku sugan ayuu dhashaa,laakiin waalidkiisa ayaa u horkaca inuu Yuhuudi ama Nasrani(Kiristan) ama Majuusi noqdo haddii waalidkii Islaam yahay waxu badiyaa ku ahaanayaa xaaladdiisa asalka ah oo nasiib buu helay:

"كلّ مولود يولد بالفطرة لكن أبواه يهوديانه أو ينصرانه أو يمجسانه"(حديث)

xagga cilmiga wuxu qofku uurka hooyadii ka soo baxaa isagoon wax cilmiya lahayn sida Aayadani caddaynayso:

والله اخرجكم من بطون امهاتكم لا تعلمون شيئا وجعل لكم السمع والابصار والافئدة لعلكم تشكرون ( النحل)

Aayada: Illaahay wuxu uurka hooyooyinkiin idinka soo saaray idinkoon wax cilmi ama aqoon ah lahayn oon waxba garanayn markaasuu idin siiyey Maqal iyo Arag iyo Qalbi waxa la arkaa in aad shukri naqdaan(illaahay u shukri naqdaan markaad nimcadaas dareentaan ood garataan).

"قل هل يستوى الذين يعلمون والذين لا يعلمون انما يتذكر اولو الالباب" (الزمر)

Aayada:miyay siman yihiin qof cilmi leh iyo mid aan lahayn waxa cibra qaata kuwa caqliga iyo garaadka leh.
Qofka illaahay khayr la rabo wuxu baraa cilmiga diinta

من يرد الله به خيراً يفقهه في الدين) متفق عليه أخرجه البخاري)


Xadiis kale ayaa tilmaamaya in qofka waddo u qaada si uu wax u soo barto uu illaahay ugu sahlayo waddada uu jannada ku gelayo.

من سلك طريقا الى الغلم سهل الله طريق الى الجنة

Qofka jid u qaada cilmi raadsasho Illaahay ayaa jidka uu jannada ku gelayo u sahla.

Qofba intuu cilmigiisu le'eg yahay ayay cabsidisa uu Eebbe ka cabsanayaa le'eg tahay, oo cilmigu wuxu siyaadiyaa cabsida Alle,oo qofku wuxu mar kasta oo uu cilmi sii korodhsadoba helaa raaxada iimaanka iyo fahmidda xaqiiqada loo abuuray,iyo waxa ku waajib ah,isaga iyo qeyrkiiba ee laga rabo.

ومن النّاس والدّواب والانعام مختلف الوانه كذالك انما يخشى الله من عباده العلماء...( فاطر)

Aayadda:Waxa illaahay ka cabsada adoomadiisa culimada ah ee cilmiga leh,qofku marku cilmiga dareemo ee uu xididadiisa raaco wuxu ku dhaqmayaa oo dhami waxay noqonayaan xaqiiqo wuxu ku fekerayaa cajaa'ibta kownkan iyo sida illaahay isagaa  korree ya'e u sameeyey ee u habeeyey,markastana shugri naq iyo  weyn eyn uu illaahay weeyneynayo ayuu ku jiraa.

Waxa diintu ina faraysaa in aynu sheyga aynaan garanayn  weey diinno culimada cilmiga u leh,oo aynaan dhayalsan jahli baxa iyo cilmi raadiska:

قال عز وجل:{فاسألوا أهل الذكر إن كنتم لا تعلمون}النحل

Aayadda:weydiiye kuwa cilmiga leh,haddii aydinaan garanayn.
Cilmi raadiska waxa u shardi ah cabsida Eebbe iyo u hoggaansanka amarradiisa,taas wuxu qofka daalibul cilmiga ahi ka dhaxlayaa,in uu kasbado cilmi leh nafci iyo faa'iido,oo waxtarkiisu qofkaa ka muuqdo bulshada uu u gudbinayona ka muuqdo:

قال تعالى قال تعالى :" واتقوا الله ويعلمكم الله "

Aayadda:Alle ka cabsada markaasuu cilmi idin siinayaa oo idin barayaa'e.

Waxa sidoo kale laga rabaa qofka in waxa uu bartay ku hawlgala oo dabbaqa,Illaahay wuxu dhaxalsiiyaa oo siiyaa cilmi aanu hore u aqoonin:

قال رسول الله صلى الله عليه وسلم " من عمل بما علم أورثه الله علم ما لم يعلم "

Xadiiska:Rasuulka Alle sallallaahu calayhi wasalam wuxu  yidh i;kii ku hawlgala eek u shaqeeya wuxuu bartay Alle wuxu  dhaxa lsiiyaa,cilmi aanu hore u aqoonin.

Qofka cilmiga lihi wuu ka sarreeyaa qofka kale ee aan cilmiga lahayn,oo waa derejo siisa qofka cilmiga leh kalsooni iyo baaraandeg uu ku fulinayo,wax kasta oo uu qabanayo,oo qofka cilmiga lihi xagga Alle waa ka qaali waayo wuxu cilmi u leeyahay waajibaadka iyo macnaha dhabta ah iyo ujeeddada loo abuuray:

" يرفع الله الذين آمنوا منكم والذين أوتوا العلم درجات " المجادلة

Aayadda:Alle waa kor yeelaa oo kuwo derejo sare leh ayuu ka dhigaa,kuwa Alle iyo Nebigiisa rumeeyey iyo kuwa cilmiga kasbaday,ee cilmiga leh.

Qofku aqoon iyo cilmi ayuu ku ogaan karaa xaqiiqada,oo ku ogaan karaa in Alle keli yahay,oo aan Illaah kale jirin:

" فاعلم أنه لا إله إلا الله واستغفر لذنبك وللمؤمنين والمؤمنات والله يعلم متقلبكم ومثواكم "(محمد)

Aayadda:ogow oo cilmi u yeelo in Alle mooyee aan Illaah kale jirin,oo denbi dhaaf dalbo, muuminiintana rag iyo dumarba u dalab denbi dhaaf,Alle ayaa og,cilmina u leh gedgeddoonkiinna iyo halkaad ku sugan tihiinba.

Qofka cilmiga leh wuu ka qiimo badan yahay,qofkaan lahayn,waxanu si fiican u garanayaa in Alle keli yahay oo ay tahay xaq in amarkiisa la adeeco:

"شهد الله أنه لا إله إلا هو والملائكة وأولوا العلم قائماً بالقسط لا إله إلا هو العزيز الحكيم"( آل عمران)

Aayadda:Alle wuxu marag kacayaa in uu keli yahay oo aan Illaah kale jirin,sidoo kale malaa'igtu way marag kacayaan,kuwa cilmiga leh ee samaynaya caddaaladduna way marag kacayaan,Alle mooye Alle kale ma jiro,waa casiis xakiim ah.

Alle subxaana watacaalaa raxmadiisa darted,wuxu u soo diray caalamka Rasuul,bara cilmiga,oo gaadhsiiya heer,aanay la'aantii gaadheen:

"لقد من الله على المؤمنين إذ بعث فيهم رسولاً منهم يتلوا عليهم آياته ويزكيهم ويعلمهم الكتاب والحكمة وإن كانوا من قبل لفي ضلال مبين"(آل عمران)

Aayadda:xaqiiqa'e waxa Alle ku mannaystay muuminiinta markuu u soo diray Rasuul u akhriya Aayadaha Alle,oo daahiriya,barana kitaabka iyo xikmadda, waxana ka hor ay ahaayeen kuwo lunsan.

Waxa diintu innagu boorrinaysaa,oo ina baraysaa in aan kasbanno cilmi iyo aqoon, taas oo loo baahan yahay wax kasta oo aynu samaynayno oo fulinayno in aan u lahaanno aqoon iyo garasho,waxana qofka muslinka ah ku waajib ah in aanu ku kicin oo samayn wax aanu cilmi iyo aqoon u lahayn:

( ولا تقف ما ليس لك به علم إن السمع والبصر والفؤاد كل أولئك كان عنه مسؤولاً ) الإسراء

Aayadda:ha ku kicin oo ha samayn wax aanad aqoon u lahayn,maqalka iyo aragga iyo qalbigu waa kuwo dhamaantood la weydiinayo waxay qabteen.

Waxa Alle inooga digayaa in aynu wax ku kacno innagoo aan wax aqoon ah u lahayn,sida gaalada sanamada iyo wax aan dhib iyo dheeftoonna u keenayn caabudaya:

ويعبدون من دون الله ما لم ينزّل به سلطاناً وما ليس لهم به علم وما للظالمين من نّصير (الحج)

Aayadda:waxay caabudayaan,Alle sokadii wax aan Alle u soo dejin xujo,oo aanay wax cilmi ah u lahayn,daallimiintu ma helayaan wax gargaar iyo taageero ah.

Waxa qofka muslinka ah la gudboon in uu ku ducaysto oo Alle weydiisto,in uu siiyo cilmi oo u sii siyaadiyo,sida Alle nebigiisa farayo:

فتعالى الله ملك الحق ولا تعجل بالقرءان من قبل أن يقضى إليك وحيه وقل ربّ زدني علماً(طه)

Aayadda:Alle ayaa korreeya,boqorka xaqa ah,ha ku degdegin(Nebi Allow)akhriska quraanka,ka hor intaan waxyiga laguu dhamayn,oo waxad tidhaahdaa Rabbiyow ii siyaadi cilmiga.
Waxbarashada iyo cilmigu waa waajib saran qof kasta oo muslin ah,waxana laga rabaa,in uu raadsado cilmiga ilaa intuu ka godgelayo:

قال رسول الله صلى الله عليه وسلم(أطلبوا العلم من المهد إلى اللحد)

Xadiiska:Rasuulka Alle sallallaahu calayhi wasalam wuxu yidhi dalba cilmiga ilaa iyo markaad dhabto hooyo ku jirtaan,ilaa aad ka godgelaysaan,oo loxodka la idin dhigayo.
Waxa sidoo kale Rasuulku Sallallaahu cayhi wasalam,ina farayaa in cilmiga aynu raadsanno,xataa haddii meel dheer,ay tahay halka lags helayaa sida dalka Shiinaha:

قال رسول الله صلى الله عليه وسلم(أطلبوا العلم في الصّين)

Xadiiska: Rasuulka Alle sallallaahu calayhi wasalam wuxu yidhi dalba cilmiga,oo raadsada xataa hadduu yaallo Shhinaha.
Soomaalidu waxay tidhaahdaa nimaan dhul marin dhaayo ma leh,waxana halkaa aad ka arkaysaa,in degaan kasti ka geddisan yahay degaanka kale,ciiddiisa,dhirtiisa,biyihiisa,iyo dadka degaba,markaa mar kasta oo qofku deegaanno badan arko,oo maro wuxu kasbanayaa aqoon iyo cilmi deegaankaa ku saabsan,Aayado badan ayaa odhanaya miyaanay marin oo arag dhulka…:

" قل سيروا في الأرض فانظروا كيف بدأ الخلق ثم الله ينشأ النشأة الآخرة إن الله على كل شيء قدير "

Aayadda:ku dheh(Nebi Allow)socda oo mara dhulka,oo eega sida Alle khalqiga u bilaabay.dabadeedna Alle dib u abuurayo,Alle waa ka wax kasta awoodda ee kara.

Cilmiga wuxu qofku ku kasbadaa barasho uu kala kulmo macalin wax u dhiga,ama isagu kula kulmo noloshiisa,sida wax uu arkay,ama maqlay oo u fiirsaday kuna fekeray,sida deegaanka uu ku noolyahay iyo naftiisa sida mishiinka isugu xidhan:

سنريهم ءاياتنا في الآفاق وفي أنفسهم حتّى يتبين أنّه الحق(فصلت)

Aayadda:waxannu tusaynaa Aayadahayaga oo ka tusaynaa muuqaalka ay arkayaan iyo naftooda,si ay ugu caddaato in Alle yahay xaq.

Iyadoo qof kasta oo muslin ah,da'duu doono ha ahaadee laga rabo oo ay waajib ku tahay,cilmi raadiska,haddana waxa aad u fiican in Carruurta loo siiyo,ahmiyad gaara,oo loogu dadaalo waxbarashada iyo cilmiga,waxanay carabtu yidhaahdaan:

العلم في الصغر كنقش في الحجر

cilmiga carruurnimadu waa sida dhagax la mariyey naqshad oo way adag tahay sida looga gooyaa,sidaasoo kale,carruurtu waxay yaraanta ku bartaan ma illaawayaan weligood.
Waxa Rasuulku sallallaahu calayhi wasalam inoo sheegay in qofku hadduu dhinto,uu go'ayo oo istaagayo camalkiisu,saddex camal mooyaane,oo kala ah;

Sadaqa jaariya(sida masaajid,guri waqaf ah,ceel….aad dhisto),iyo cilmi laagu intifaaco(sida cid aad wax barto,ilaa inta la sii kala dhaxlayo oo dhan),iyo walad saalax ah oo u duceeya qofkii dhintay.

قال عليه الصلاة والسلام : ( إذا مات الإنسان انقطع عمله إلا من ثلاثة إلا من صدقة جارية , أو علم ينتفع به , أو ولد صالح يدعو له ) رواه مسلم


Xadiiska:wuxu Rasuulka Alle nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee yidhi;hadduu dhinto insaanku camalkiisu wuu go'aa,oo istaagaa,saddex mooyee;

Sadaqo jaari ah,ama cilmi lagu intifaaco,ama weled saalix ah oo u duceeya.

 

Cilmigaa aqoonoo
Cabsidii Illaahiyo
Cibaadada middii saxa
Caynka kuugu xidhaysee
Cimri gaar umay aha
Cirrooliyo carruurtaba
Cugtankoodu wada yahay
Cilmiga aad adigu leedaa
Caynadaada sheegoo
Camalkaad helay iyo

*******

Cayimaaya hawlaha
Caadadaada dhaqankiyo
Cadkaad goosanaysoba
Cabbir buu u yahayoo
Caddaan buu ka yeelaa
Cisiga iyo sharaftiyo
Calmashada wanaaggana
Cilmigaa kuu horseedoo
Caalimkaa Illaahay
Cabsidiisa dhaba iyo

*******

Cibaadada hagaajee
Camiraadda masjidkiyo
Ceelka khayrku yaalloba
Cagtu kama dhamaatoo
Ciidaminta waxqabadka leh
Cawaamida habaysanna
Caalinkaa ku caanbaxay
Cilmigeeda garanaya
Cayimaaya gooraha
Celinaaya baadida

*******

Caalimkaa dadaaloo
Casharrada diyaarshoo
Caammada wax tara oo
Caajis isma yaqaaniin
Camalkaa u caado ah
Caadil buu ku xidhan yahay
Curintiyo wixii cusub
Calankuu u taagaa
Cajiib weeye qabashada
Caynka aad u eegtoba

*******

Cindigaagad ka heshaa
Cilmi baadhistiisee
Carraday ahaatoba
Cuud haddaad u heli kari
Caajis intad is deysaan
Cidhib barako sii daa
Caadil baa ku waafajin
Cilmi daalib baad tahay
Ceesh xalaala baad heli
Cisi baad ku noolaan

*******

Caasinimaad ka dheeraan
Cafis bixinta guud iyo
Camalsamida dhaqankaad
Cadkiyo dhiigga raacine
Caalim aad ahaatiye
Caajisku yaanu kuu iman
Cilmiga diinta ku horree
Caalamka aan ku noolnay
Cadkaagaagiyo nasiibkaa
Caalim adoo ah ku hagaag

*******

Cidlo yaanu kaa helin
Cadho yaanu kugu ridin
Ceebna yaanu la imanin
Casiiskii Allaa jira
Carraabi oo riddeeyoo
Culimada la derisoo
Cab intaad awooddoo
Calooshaada dhaansoo
Caqligaaga sugo oo
Cagahaaga maaloo

*******

Cilmi intaad helaysoba
Cidhiidhi yaanu kaa gelin
Caadil baad ku garan oo
Cibaadadaad ku saxanoo
Cabsi baad ka kasbanay
Ciyoon iyo ayaan dhow
Cawo iyo ayaan baad
Cawaysyada ku qaadane
Camir oo waxbarashada
Ceegaag ha gaadhee
Casha kasta dadaaloo
Celcelinta ku badiyoo
Cusboonaynta maaloo
Cilmigu yaanu gaagixin
Cilmigu yaanu gaagixin
Cilmigu yaanu gaagixin
 

 




Waxan Alle ka rajeynaynaa in uu ina siiyo cilmi nafci leh,oo If iyo Aakhiroba aynu ku gaadhno guul oo ku garano cibaadada Eebbe iyo waajibka ina saran.
 

 

 

Saeed Ibrahim Hussein
As/w/w