Adaa dhiisalada dhaqaaqin jirey xaggee dhoojka laga istaadhaa

 



Weriyaha laant curdinka wuxuu soo gudbiyey todobaadkan sheeko dhexmartay Kulmiye iyo UDUB oo ku saabsan dib u magacaabista Ina xoor xoor ee Marsada Berbera.


KULMIYE: Waar UDUBOO, adaa dhiisalada dhaqaaqin jirey xaggee dhoojka laga istaadhaa?

UDUB: Maxaa dhacay?

KULMIYE: Marsadii Berbera cad annaga la noo tirinayo oo aan na soo gaadhin ayaa jira. Dhexda waxa u joogee dhufsadaan la yaabay.


UDUB: Cadku ma Dubur bay hoos ka xulayaa? Mise kooxihii aan Kulmiye ahayn ee daacada ahaa ee aad isku sawirteen ayaa ku gudban?

KULMIYE: Wax walba ka yaab. Allahay ka alla. Denbigaa cid leh mooyee. Dhexda wax u joogee dhufsadaan la yaabay!

UDUB: Waan ku arkaayoo waad maalaa baqaysaa. Dawladaha beenta aad mucaaridnimo shee gtaa, runtaad hogaamineed ma disho. Waad caado rag leeyahay oo weligoodba dumarka been iyo khiyaamo ayay ku guryo geeyaan runtana way ku dhaqaan, dawladuna waa la mid oo beenbaa codka lagu doonaa runa waa lagu dhaqaa shacbiga. Adiga oo aan kayrkayrin, ceebteena maahee waa caadadeena ku soo dhawaada habkaanu wax u maamuli jirey hadduu xun yahay iyo hadduu wanaagsan yahayba.

KULMIYE: Waar ma uurkaygaad ku jirtey.


UDUB: Maya--laakiin Isku aragti iyo uur baynu nahay. Laba xusbi qaran oo meel u wada jeeda ayaanu nahay. Dameer iyo labadiisa daan baynnu nahay. Ruug caddaa ayaynu nahay. Siyaasadu waa in la inna kala garan waayo oo malaa'iikta naartiyo jannadu innagu murantaa.

KULMIYE: Maxaad uga jeedaa?

UDUB: Waayo arag magacaw. Waayo arag magacaw. Raggii Dhiisalada dhaqaajin jirey magaca w. Iyagaa dhoojkana Istaadhi yaqaan, sida saqadhiyoo kale iyo qaar kaloo badan.

KULMIYE: Aaahee aah! aahee aah! Bi'waayo waayo aragnimo la'aanee! Waxaa la yidhaa naag waxaa qabi kara doob iyo nimaan weli guursan oo aan ka war hayn awooda buuxda ee haweenku guriga iyo sariirta guudkeeda ku leeyihiin. Mar alla markuu guursado ayuu ka shalaayaa islaweynidii. Kursigan hogaaminta Qaranka Xusbigii aan ku fadhiyin ayaa maamul wanaaga yaqaan oo meel walba farta ku fiiqa. Afkii runta sheegi jirey ee wax walba qaawin jirey, hadduu beenta baranayaa.


UDUB: Waa ku kaa! waa ku kaa! waa ku kaa!. Hadduu garaadkii muxaafidku kugu soo degey maashaa allaah. Haddaad xaqiiqdii caasaarta kala heshay, maashaa alaa. Hadduun bay xumm adii mucaaridnimana kaa jabtay maashaa alaa, waad bogsatey maashaa alaa taabaaraka leh. Wixii kula qaloocnaan jirey hadday kula qurux badnaadeen.


KULMIYE: Haddaa maxaynu yeelaa?


UDUB: Waxaynu yeeli shacbiga wax la yeeli caado rag. Xoorkii laga dhamay xaggagii iyo xusuu sbaa geelagu xergeeyaaye Ina Xoor Xoor, xaashee waa madhaafaan. Ha u laba lugoodin ee isaga magacaw.


KULMIYE: Xaq buu u leeyahay waa mawaadin reer Somaliland ah.



Xubnaha KULMIYE:
Maanta kii lagu dhib baxaayey la magaacaabay. Markii xilka lagala wareeg ayey UDUB wuxuu ahaa ninka kale ee lacag loogu yimi.

Xubnaha UDUB: Waanu soo dhaweeneynaa hawlgelinta Xubnaha UDUB iyo isbahaysiga iyo bad hxanaanta hogaamineed.

Warbaahinta: Hooya baas Habarta baas iga hiroo iga horjoog.

Ma qance: Dib u soco hore u soco, daradoori jaanqaad la da' weeyi taagnoo, maxaa daal la ko rorsaday.

Weriyaha Laanta Curdinka: Midwalba kitaabkiisa qumanaha ah ayaa qorta loo sudhay. Ka diid an iyo ka taageersan midna ma waayo qiil uu ku banaysto doodiisa.

 

 

 

 

 

Hamud Duale