Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame), oo Gabay baroordiiq ah u sammeeyay Marxuum Maxamed-rashiid ,Xoghayihhi hore ee SOLJA

 


London (TNN):-Abwaanka weyn ee Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame),oo Gabay Baroo rdiiqa u tiriyey geerida ku timi Xoghayihii hore ee  Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJ A,marxuum Maxamed-rshiid Muxumed Faarax.Waxaanu ku bilaabay:


- Warkan xaada kiciyee xiskiyo maanka xadanteeyey

- Warkan xagar sidiisii u muday xuubka dhegahayga

- Warkan dhiillo xiintiyo naxdimo xoogle igu beeray

- Wuu xijaabtay weeyaan rashiid xay la noqon waaye.

- Ku xasuuso inu xoojin jiray kay ka xagal daacdo

- Ku xasuuso inu xeerin jiray xaalka gobi leeday

- Ku xasuuso inu xeeban jiray goorta la is xaaqo

- Ku xasuuso ruuxii xil gaba suu u xuganaayey

- Dad ururiye lagu xoomi jiray meesha xaruntiisa

- Ku xasuuso xayraan wax biday xeedho lagu deeqo.

- Waloow ay xaq geeridu tahoo xaasha anan diidin

- Nin ku xiga, walaal laab xalnaa, xaaduq lagu dhaato

- Geerida xabaashaa wadnaha way ku xagataaye

- Qalbiyohow xaqii baa yimee qaado xukun eebe.

 



Timacade News Desk
London,UK