Abwaan Hadraawi Oo Sheegay Xukuumadda Madaxweyne Siila anyo Hadday
Fulin-waydo Wixii Ummaddu U Dooratay In Kal-Soonida Lagala Noqonayo
Hargeysa (TNN) - Abwaan Maxamed
Ibraahin Warsame (Hadraawi), oo ka mid ah Sugan-yahannada Soomaalida
ugu caansan, ayaa si weyn u ammaanay Madaxweynihii hore ee
Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin oo uu sheegay inuu go'aankiisii
ugu dambeeyey is-maydhay. Isla markaana, waxa uu daboolka ka qaaday
in Madaxweynaha hadda talada haya Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siil
aanyo), ay horyaallaan inuu dhismaha ku hoggaamiyo Jamhuuriyad
curdin ah, hase ahaatee, haddii laga waayo fulinta ammuurihii loo
doortay ay bulshadu kalsoonida kala noqon doonto.
Abwaan Hadraawi oo shalay Madaarka Hargeysa ka dhoofay, una
kicitimay dalka Ingiriiska, waxa uu waraysi khaasa siiyey Wargeyska
HargeisaStar iyo Shabakadda Hadhwanaagnews intii aanu dhoo
fin, waxaanu waraysigaa Abwaanku kagaga hadlay sida dunidu isu
beddashay, sida Somaliland ind haha caalamka u soo jiidan
karto, waxyaabaha looga baahan yahay, dhibaatooyinka Soomaaliya,
iskaashi iyo midaw ay wada yeeshaan dawladaha Afrikaanku iyo qodobbo
kale oo aad u xiiso badan. Abwaan Maxamed. Haddaba, waraysigaas oo
dhinacyo badan taabanayaa, waxa uu u dhacay sidan:-
S: Abwaan Hadraawi waxaad ka qaybgalaysaa shir ka dhacaya dalka
Ingiriiska oo Soomaalida u ga ar ah, bal shirkaas, waxa uu ku
saabsan yahay iyo tirada Abwaaniinta aad kaga qaybgalaysaan bal
nooga warran?
J: Shirkaasi intaan ka warqabo waa Shir sannad kasta lagu qabto
Carriga Ingiriiska, waxa uu ku ma gac-dheer yahay Toddobaadka
Soomaaliyada, marka ugu horreysa dad baa lagu marti-qaadaa ka
jawaabi kara ama aqoon u leh Soomaalida iyo waayeheeda, dhaqankeeda
iyo taariikhdeeda, dad aqoon u leh oo maanso, hadal ama hawraarba
kaga hadla. Inta badan waxa uu shirkaasi ku saabsan yahay soo
noolaynta ummadda dhaqanka iyo soo noolaynta barbaarta wakhtigani
inay wax ka ogaadaan ummaddan, shalay iyo waayeheedii, aqoonteedii,
aftahannimadeedii iyo wixii la mid ah.
Markaa toddobaadkiibaa la qabtay
oo qodobbo kala duwan oo kuwaa la mid ah oo dhaqanka iyo ta
ariikhda u badan ayaa lagaga hadlaa, dad fara badan oo waxyaabahaa
aqoon u leh ayaa isugu yim aadda, nin waliba qayb ayuu qaataa
dadka Fanka ku shaqada leh ayaa ka soo qaybgala, dadka Sug
aanta ayaa ku badan, dadka taariikhda ayaa iyaguna qayb ka ah
arrimahaa isbuuxinaya ayaa shirka lagu qabtaa, dhinaca kalena dadka
Jooga dibadda waxbay u biirinaysaa. Geesta kalena waa u madaddaalo,
maadaama oo ay dadku Qurbo joogaan, waayo? Wakhti ka wakhti loot ago
waxay ku noqotaa dadkii nooga warrama, dalkii nooga warrama, hawlaha
jira nooga warrama. Markaa waxa weeye in iyaga la guubaabiyo oo
raadraaca ummadda ay ka soo jeedaan la fahan-siiyo oo lagu shubo, si
aanay u lumin.
Anigu intaan ogahay, Shalay waxa ka duulay magaalada Addis Ababa ee
dalka Itoobiya, Gabadhii la odhan jiray Aammina Cabdillaahi ee heesi
jirtay, Ninkii la odhan jiray Axmed Saleebaan Biddie, iyo Ninkii la
odhan jiray Boon Xirsi, kuwaasi shalay ayey tageen, dhinacyo kale oo
sida Jabuuti, Muqdis ho dad baa looga yeedhayaa, aniguna waan ku
biirayaa insha Allaah oo shirkaasaan ku qornahay. Toddobaad ayuu
shirkaasi socdaa, toddobaadkaa uu socdo waxa loogu talagalay inay
dadka kulanka imanayaa iyaga oo wax sita shirku dhammaado, iyaga oo
dalkii looga warramay, oo la guubaabiyey, la baraarujiyey, oo wax
lagu kordhiyey, xadhig ay cuskadaan oo adagna loo yeelay ayuu
shirkaasi dhammaadaa. Markaa shirkaan ka qaybgalayaa kaa weeyaan,
23-ka October buu furmayaa toddobaad buu soconayaa, waa ii markii
saddexaad ee aan shirkaa ka qaybgalo, labadii sano ee ugu dambeeyey
maantagin, laakiin waxaan kaga qaybgalay labadiiba Hargeysa, October
waxa lagu qabtaa shirkaa London, bisha July-na Hargeysa.
S: Hadraawi ahaan maxaa kuu qorshaysan oo aad isleedahay kaga
qayb-qaado shirkaas?
J: Dee waxaan u sidaa, Aniga hadyaddeydu waa wixii la igu yaqaannay,
markaa adeer Hadyad baan u sidaa Maanso ahoo, kala duwanoo, kala
waayo ahoo, aqoon iyo taariikh xambaarsan, dhinacna u madadaalo ah
oo u wanaagsan ummadda halkaas joogto, oo ah ummad duni kale ku nool
oo u baahan habeennadaa in dhaxanta laga kiciyo, wahabka laga kiciyo
oo Gabayo, Maansooyin iyo Heeso loo tiriyo, ujeeddadooda loo sharxo,
la nooleeyo oo dhiig cusub lagu shubo. Markaa, Maansooyinkaana waan
sidaa oo dhinacyo kala duwan ku saabsan, hadday kuwii jacaylka tahay,
kuwii diiniga ahaa, kuwii siyaasiga ahaa tahayba waan sidaa, hadalna
waan raacinayaa, Af-Soomaaligu hadal iyo hawraar buu u qaybsamaayoo
labadaba waan ku talagalayaa, kuwa had iyo goor afku ku adag-yahay
Af-Soomaaliga fudud ee ay garanayaan in casharka lagu siiyo, waxan
kalena madaddaalo looga dhigo, intaasi markay dhammaatana waxan kale
iyaga ayaa lagu wareejinayaa, nin waliba waxa uu tabayo su'aal ka
dhibanayaa, oo looga jawaabayaa.
S: Abwaan, dalkeenna Somaliland waad la socotaa oo is-beddal weyn
baa ka dhacay, dhinaca siyaasadda, sida indhaha Caalamku Somaliland
ugu soo jeedaan iyo hawlka wakhtigan wax marayaan maxaad ka odhan
lahayd.
J: Taasi way iska fududdahayoo, dalkan is-beddal baa ka dhacay
wakhti aan fogeyn, is beddalkaa ka dhacay ummaddu ujeeddo ayey kala
haayeen, intaasoo goor oo hore ayaa la hungoobay ee inaan
doorashadaa lagu hungoobin ayey ahayd, laakiin aan mid kuu sheegee
weli wakhtigii wax laga sheegi lahaa ma joogno'e, waa halkaynu u
soconno inaynu is cabbirno oo caalamka soo jeedinno, caalamku iska
iman maayo'e waa inuu raganimo aynu samaynay iyo dedaal aynu
samaynay tusnaa iyo in dad wax la gashan karo, dad la caawin karo,
dad la xoojin karo inaynu nahay waa inaynu is-caddeynaa, oo ficil
isku caddeynaa. Markaa, khasab bay ku tahay caalamka inay innoo soo
jeestaan, Beesha caalamku waxay eegtaa had iyo goor halka
dhaqdhaqaaq iyo raganimo ka jiraan. Nidaamka cusub ee dawladdan
imaka dhalatay anigu waxba ka odhan maayo oo wakhtigii wax laga
odhan lahaa may gaadhin, ee iyadu ha is-caddeyso oo xaggaa ha marto
ama xaggan ha marto. Markaasaynu qalabkii u haynaayoo haddii
Illaahay ka dhigo sheegaynaa miyey ka baydhay waddadii tii hore mise
waxbay kaga duwan tahay kuwii hore? Waa yar sugaynaa inta ay is-caddeynayso.
Laakiin calaaya kulli-xaal waxaan ku soo koobayaa dawladda maanta
dhalatay waa rejadii ugu dambaysay ee ummaddu leedahay, hadday sidaa
u garato oo waddada toosan Illaahay waafajiyo iyada ayey sharaf iyo
maamuus u tahay iyo ragannimo, haddii kalena, haddii Illaahay ka
dhigo dadku way kala noqonayaan kalsoonidii hadday is-caddeyn waydo
oo muraaddadii loo doortay fulin waydo, dee xaggana mushkilad baa
imanaysa.
S: Abwaan Hadraawi, Xaaladda Geeska Afrika oo wejiyo kala duwan leh
wakhtigan, markaa maxaad ka odhan lahayd, maadaama oo aad tahay qof
dhaqan ahaan iyo duruuf ahaanba la socda?
J: Geeska Afrika aan ku idhaahdo ummamki waa is urursanayaanoo, reer
Galbeedkii iyo nimankii reer Yurub waakuwan midoobayoo, Afrikadaa
shishe shan lix dawladood uun baa isutagayoo samaystay lacag shantaa
dal ka dhaxaysa, isku soo dhawaaday oo midoobay. Maantana ku
dayashadaa reer Galbeedka uun maaha'e xataa Afrikadii inay isu
yimaaddaan dawlado oo wax wada qabsadaan, illeen dadku markay is
urursadaan waa quwad isku tagtay oo aan la riixi karine. Taasaan u
rejaynayaa dawladahan Kenya, Uganda, Itoobiya, Jabuuti, Soomaaliya
iyo dawladahaasina isu yimaaddaan oo is urursibaa caalamka ka jire
aynu ku dayanno oo taa la nimaadno.
S: Abwaan, Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin
iyo adiga (Hadraawi) xidhiidhkiinnu muu fiicnayn muddooyinkii u
dambeeyey, Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo taariikh
weyn ku leh Somaliland ayaa la doortay oo maanta talada haya,
labadaa Mudane hab-maamulkooda maxaad ka odhan lahayd?
J: Waxba ha I qodqodine, Daahir Rayaale markii go'aankii lagu
dhawaaqay ee uu yidhi Somaliland gacanta ku burburi mayso, wax noo
dhexeeyey-ba markaasaan cafiyey, oo aan idhi qofku mar hadduu
qaldamo oo uu ka noqdo ammaan buu leeyahay. Daahir Rayaale fikrad
kasta oo laga qabay iyo wax kasta oo loo tirinayey-ba markii dambuu
ismaydhay, waa intii ragannimadu ku dhammayd, waa intii looga
baahnaa. Maanta Daahir Rayaale marka la eego fikraddiisa iyo
aragtidiisa si wanaagsan baa loo arkayaa, waana go'aankii u
dambeeyey ee uu qaatay maalintaas oo la kala dhaqaaqay. Markaa,
Ninkii wuu ismaydhay Daahir, maantana sawirkuu lahaan jiray sawir ka
duwan ayuu ummadda u leeyahay Daahir. Axmed waannu is-naqaannay oo
Jabhaddii-baannu wada joognayoo uu Guddoomiye ka ahaayoo, waxay
ahayd-ba Jabhadihiina doorkiisa soo qaaday, maantana Jamhuuriyad
da'yar ay oo dhalatay ayaa laga rabaa inuu dadka ku hoggaamiyo inay
dhisaan oo uu is-dhisidda, ragannimada iyo horumarka ku hoggaamiyo,
dee taana kama rejo-li'in, laakiin Axmed maalintii arrintiisa laga
hadlayey maynaan gaadhine Insha Allaahu maalinta ay gaadho ayey
innoo ahaanaysaa..
S: Xaaladda Soomaaliya 20 sano wakhti ka sii socda ayaa dhibaatooyin
iyo dagaallo aan kala joogsi lahayni ka socdaan, Ra'iisal-wasaare
cusub ayaa dhawaan loo magacaabay, maxaad isleedahay wuu ku soo
kordhin karaa, rejo intee le'eg baad ka qabtaa.
Qoladaa koonfurta ee aad sheegaysana Illaahay sida roon baan uga
baryeyaa, muddo dheer ayaa Baaxaa deg iyo kacaakuf ka jiray, 20 sano
ayaa dhiig daadanayey, ummaddii dalkii way ka qaxday oo maanta cidla
ayey fadhidaa oo Roobka, Dhaxanta iyo Dugaaggu ka guranayaa. Horto
waxaa dhacay iyo ayaan-darradaa ummadda ku dhacaysa inay marba
ciddii joogtaa ay Masuul ka tahay oo jabkaa dhacay Aakhiro Illaahay
iyaga ayuu weydiinayaa oo Adduunka iyaga ayaa la waydiinayaa,
imakana Illaahay waxaan uga baryayaa inuu dhibka ka saaro. Imakana
Madaxda meesha joogta waxaan ugu baaqayaa inay wax saxaan. Dee xagna
waxay ka doonayaan in la midoobo oo Soomaali-weyntii la isugu
yeedho, haddana waxa hortaagan in Muqdisho hagaajinteedii laga
adkaan waayey, markaa waxaan leeyahay intay taasi jirto cid kale yey
u hanqal-taagin, in magacoodu fido iyo in cidi u soo hilawdo dee taa
yey sugin. Ninka Ra'iisal-wasaaraha laga dhigayna aqoon uma lihi ee
waxa uu soo kordhiyaa ficilladiisa ayey ka muuqan doonaan
Source: Hargysastar
|