Abwaan Gaariye Oo Ummadda Uga Digey In Ay Ururrada Siyaasadda Qabyaalad Ku Doortaan, Kana Hadlay Go’aankii Golaha Wakiiladu Ku Laaleen Diiwaan Gelinta iyo Arinta Ceerigaabo

 

 



“Ninka isaga oo Reer Hebel ah inta uu Urur Furto doonaya in uu Ku xukumo Gudcur baad gudaysa a…waxaanad ilowsan tahay wixii la soo marey.. dadka reer Ceerigaabo-na waxaan leeyahay…..” Abwaan Gaariye



Hargeysa (TNN)-Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye), ayaa ugu baaqay Dadweynaha Re er Somaliland in Ururrada Siyaasada ee u tartami doonta Doorashada Goleyaasha Deegaanka ay ku kala dootaan Barnaamijyada iyo Afkaarta Siyaasiga ah ee ay la yimaadaan, isla markaana wax a uu ug digey in Qabyaalad iyo Reero ku raacaan Ururrada.

Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac waxa kale oo uu baaq nabadeed u direy Beelaha Walaalaha ah ee Dhawaan xurguftu ku dhex martey Magaalada Ceerigaabo.

Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye) oo xalay khadka Telefoonka ugu waramayey Wargey ska Saxansaxo, isaga oo ku sugan Dalka Norway, oo uu Xaalad Caafimaad u joogo, ayaa ka war bixiyey Xaaladiisa Caafimaad ee wakhtigan, waxaanu sheegay inuu aad uga soo kabtay xaalad Caafimaad darro oo loogu qaaday Cusbitaal ku yaala Dalka Norway.

Abwaan Gaariye, oo Ugu horeyn ka hadlaya Xaaladiisa Caafimaad ayaa waxa uu yidhi “Waxaan joogaa Dalka Norway oo aan Cusbitaal ka galay, Cusbitaalkiina imika kuma jiro oo waxaan ahay Bukaan socod oo Todobaadkii baan mar tagaa, Aniga oo aad u jilicsan ayaan Hargeysa ka imid, ILAAHAY mahadii Caafimaadkaygu wuu ka soo raynayaa, waxaanan halkan uga mahad naqayaa dadkii Reer Somaliland ee ii soo ducayn jirey oo aan leeyahay ILAAHAY ha idinka abaal mariyee Ducadiinii waa la aqbalay.”

Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye) oo ka hadlayey Ururrada Siyaasadda ayaa waxa uu yidhi “Ciidii bay ka bateen maalin walba waxa la sheegayaa mid cusub oo lagu dhawaaqay oo la leeyahay Hebelna Urur buu furtay, waxaanse ku kalsoonahay laba shay, waxaan ku kalsoonahay in ay Guddida Diiwaangelintu kala shaandhayn doonto, waxa kale oo aan ku kalsoonahay in Shaca bka Somaliland sii kala shaandhayn doono oo uu Saddex uun kala soo bixi doono.


Aniguna waxaan ka mid ahay dadkii u ololeeyey in Ururo la furo, taasina macnaheedu maaha in aan Urur Furanayo, ee waxay ahayd oo kaliya in ay dadku fikiradooda cabiraan, waana ILAAHAY Mahadii in arintaasi Dawladdii iyo Golayaashiiba naga aqbaleen, haddii si xun loo adeegsado Urur ada oo lagu bilaabo Qabyaalad waxaan leeyahay waa Faashil oo ma shaqaynayso, ninka isaga oo Reer Hebel ah inta uu Urur Furto doonaya in uu Ku xukumo waxaan leeyahay Gudcur baad guday saa, waxaanan leeyahay waxaad ilowsan tahay wixii la soo marey iyo wixii dhiig daatay, waxaan ku talinayaa in dadka Afkaar la weydiiyo oo la yidhaahdo, waxaasaa khaldan, waxaasaynu ka bed delaynaa, anigu Xisbi ma gelayo laakiin Codkaygaan ugu ridayaa, waxaanan ka mid ahay Qolo la yidhaahdo hubsato, waxaanan leeyahay dadkayga Ururada ha ku dooranina Qabyaalad ee Afka ar ku kala doorta, haddii kale Geedihii uun baydun gaboodsan doontaan.”


Abwaan Gaariye oo ka jawaabayey Su’aal ku sabsaneyd Go’aankii ay Golaha Wakiiladu ku laaleen Kaadhadhkii Cod bixinta, waxa uu ku jawaabay “Arinkaas waan maqlay mid igu cusubna wuu noqd ay, waan ka xumahay in aan arinkaasi wax ka idhaahdo aniga oo Waddanka Dibedda kaga maqan, waxaan idin leeyahay idin kala garan maayo ee Guulaysta”.

Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye) oo ka hadlayey Shaqaaqadii Ceerigaabo ka dhacday waxa uu yidhi “Aad baan uga xumahay shaqaaqadaas dhacday, waxaad moodaa in Gobolka Sana ag aad uga dambeeyo Gobolada kale ee Dalka oo Qoryaha la iska sito oo nin walba Qorigiisa Suuq a la marayo, waxaana keentay fogaanta uu fog yahay, dadka halkaas joogana waxaan leeyahay waar ILAAHAY-baa iskiin badaye, ninka kula deriska ahna Adigu maad dooran ee ILAAHAY-baa meesha idin wada dhigay, adiga ayuun baa lagaa raabaa nin walawba sidaad ninkaad deriska tih iin u wada noolaan lahaydeen, horta Siyaasaddu ha dambeysee sidaad u wada noolaan lahayde en ayaa la idinka rabaa, waanan ka xumahay arinta meeshaasi ka dhacday”.
 

 



Source: Wargeyska Saxansaxo