Abwaan Axmed Awgeeddi oo Beeniyey inuu tiriyey gabay cay ah oo lagu faafiyey Dagelka togdheernews.com.



 

Waxaa lagu baahiyey degalka TogdheerNews.com gabay cinwaan looga dhigey Caga-baruur, kaa s oo lagu Sheegay in aan anigu tiriyey.Waa gabey cay ah oo ashkhaas lagu dhaleecaynayo gaar ahaan Masuuliyiinta xukuumadda ,hadaba waxaa aan halkan ku cadaynayaa in aanan anigu gab aygaa aflagaadada ah tirin. Oo aanan dooc iyo dareen toona waxba ka ogeyn. Fartaydii iyo fala adkaygii midnaba aanu aheyn if iyo aakhriba aan bari ka ahey:



Waa yaabka yaabkii waxa aan maqli jirey gabayo lakala dhaco mase fileynin inta uu nin gabey tir iyo oo Uu warbaahinta ku faafiyo ayuu qof kale magaciisa ku sunti isaga oo raad gadanaya,wax ayse ahayd inuu badheedho oo magac iyo maamuus daro wixii ay leedahayba dusha u rito. Intii uu qof kale ribayn lahaa.



“Goblan talo aduunyooy maxaa tu walba loo joogey” saaxiibadeyda degalka TogdheerNews.com waxay aheyd iney iska hubiyaan gabaygan xajiinta leh inta aaney baahin, in aan anigu tiriyey iyo in kale sababtoo ah qaarkood ayaanu si shakhsi ah isu naqaanaa oo ilasoo xidhiidhi karaayey.



Hadal iyo dan waxaa aan gunaanad iga yahey gabaygaasi anigu ma aan tirin ee cidii faafisey halka ay ka Keentey ha sheegto.
 

 

 

 

 

Abwaan Axmed Aw geeddi {Dheeraad}